28/08/2024
Sannad kaddib hub ka dhigistii SNM
Laascanood : Jabhada SNM waxaa Aasaaskeeda lahaa saraakiil uu hoggaaminayey dhagarqabe Laba xiddigle Xasan Kayd Cabdille Walanwal oo isku dey inqilaab fashilmay ka sameeyey Hargeysa december 1961.
Kaddib dagaalkii Ethiopia & Soomaaliya 1977-1978 waxey Ethiopia ku guuleysatay iney hubeyso jabhado Qabiilo ah oo ka soo horjeedey Dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
waxey Mukhaabaraadka Ethiopia 2-10-1990 Ras Hotel Diridhabe ku qabteen shir ay isugu keentay USC & SNM ay kala hoggaaminayeen Maxamad Faarax Caydiid & Cabdiraxmaan Tuur,ujeedka shirkaas ayaa ahaa qalqal gelinta nidaamkii dowliga ahaa ee Muqdisho ka talinaayey,waxaana falkaasii Propoganda ah aad u buunbuuniyay warbaahinta Reer Galbeedka oo u fasiray in maalmo gudahood Muqdisho & Hargeysa ay ka bixi doonaan gacanta dowladdaSoomaaliya.
Madaxweyne Maxamad Siyaad Barre ayaa ka baxsaday Muqdisho 26-01-1991,maalin kaddib waxaa Muqdisho kooxdii Manifesto kaga dhawaaqeen dowlad uu Madaxweyne ka yahay Cali Mahdi Maxamed kaasoo Raiisal wasaare u magacaabay Cumar Carte.
Cumar Carte ayaa idaacadda qaranka ka sheegay ciidamada waqooyi joogay iney isu dhiibaan SNM,Koonfurna USC waxaana sidaasi ku dhaqangalay qorshihii Mukhaabaraadka Ethiopia.
Waxaa inoo xigtay iney SNM iclaamisay shir ay ugu magacdartay dib u heshiisin beelaha dega Waqooyiga Soomaaliya bishii May 1991 magaalada Burco.
Shirkaas ayaa ujeedkaasi xambaarsanaa markii hore,maalmo kaddibna waxaa lagaga dhawaaqay gooni istaagga Somaliland.
Waxaa shirkaasi isaga baxay ergadii Beesha Warsangeli ee uu hoggaaminayey Ismaaciil Suldaan Maxamuud Cali Shire wuxuuna sheegay iney u yimaadeen dib u heshiisinta Bulshada degta Waqooyiga Soomaaliya,arrinkan gooni u goosadka ah ee aad ku dhawaaqdeen qolyihiina SNM waa idinku gaar annaga nama khuseeyso.
Bulshadeena wey ku kala qeybsaneyd arrinkaasi gooni u goosadka ah,inteena badan waxeynu aaminsanaayeen midnimada Soomaaliya balse xujada meesha taal ayaa aheyd mashruucii Mengistu Haile Mariam u soo dhiibay USC & SNM ee aheyd kala qeybinta Soomaaliya ayaa Koonfurna ka dhaqan galay.
Muddo dheer kaddib dagaal dhiig badan ku daatay oo socday muddo 8 bilood ah ayaanu cadowga SNM kaga guuleysaney Jimce 25 august 2023 waxaanu ka qabsanay Saldhiggii weynaa ee Goojacadde waxaanu ku sameeynay hub ka dhigis;qasaaraha cadowga waa tiro beel boqolaal dhimasho,dhaawac, maxaabiis laga qabtay,hub iyo saanad ciidan.
firxadkoodii ilaa iyo OOG baa la dhaafiyay,boqolaalna mayd ah ayaa waxaa keymaha kaga dhergay Waraabe.
waxaa halkaasi ku soo idlaaday Riwaayaddii uu allifay Mengistu Haile Mariam ee ay jilayeen jabhada SNM.
Guushaasi waxaanu ku gaarnay midnimo,isku taashi iyo Hiil walaal.
Deegaankeena wuxuu kala baraa deegaan weynaha Soomaali oodhan Raas caseyr ilaa iyo Buuraha galbeedka Harar halka ay kasoo burqadaan Biyaha wabiyada ay Soomaaliya ka cabto.
SNM xaalkeedu eegga waa xabaal & ninkeed loo kala tag intiina iimaansada oo meeshaad doontaan kala dhaca Oromo iyo Laftinagaa la doonta yeelkadiin.
WQ: HB.