HBN Online TV

Call Directions Website Contact the business

HBN Online TV Media & News Company
(1)

09/10/2026

DOORASHADA SAGAL CABDIWALI MAXAY UGA DHIGAN TAHAY SOOMAALIDA UK IYO GUUD AHAAN BULSHADA SOOMAALIYEED?

🎙️ New to streaming or looking to level up? Check out StreamYard and get $10 discount! 😍

09/10/2026

Barnaamijka ee , caawa waxaan ku lafaguri doonnaa mowduuca: Doorashada Sagal Cabdiwali maxay uga dhigan tahay Soomaalida UK iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed?

Waxaa barnaamijka marti inoogu ah Cllr Kasim Ali, xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Kensington & Chelsea ee magaalada London, iyo Amal Ali, xildhibaan h**e oo ka tirsanaan jirtay Golaha Deegaanka Frome Vale ee magaalada Bristol.

Barnaamijka waxaa daadihinaya & Mowliid Haji Abdi,La soco caawa, Jimce, 9-ka Oktoobar 2026, saacadda 9:30 fiidnimo (xilliga Geeska Afrika) ama 7:30pm BST, haddii ALLE idmo.

09/10/2026

Buugga Isbeddelka Weyn ee Caalamka ee uu qoray dhaqaaleyahan Branko Milanovic.

09/10/2026

📌Cabsida dagaal balaaran oo ka dhex qarxa Itoobiya & Eritrea ayaa maanta xoogaystay ka dib markii dawlada Itoobiya ay Golaha Ammaanka ku wargalisay inay qaadayso wax ay ugu yeertay tilaabo military oo isdifaac oo sheegtay inay uga jawaabayso ciidamada Eritrea oo ka soo gudbay xadka soona galeen dalkeeda

📌Sacuudiga oo xaqiijiyay khasaare dhimasho & dhaawac isugu jira oo ka dhashay weeraradii u dambeeyay ee Xuutigu ku qaaday garoonka diyaaradaha magalaada Riyadh, dadka dhintay waxaa ka mid ah duuliye ka tirsanaa shirkadda diyaaradaha dalkaasi

📌Trump oo loo gudbiyay qorshayaal lagu weerari karo saldhigyada milatari ee Iran

📌Iiraan oo Mareykanka u dirtay digniin culus oo la xiriirta weerarro milatari oo lagu soo qaado

📌Ruushka iyo Ukraine oo Weerarro Isweydaarsaday, Khasaare Nafeed iyo Burbur oo La Soo Sheegay

📌Abaalmarinta Nobel-ka oo Trump u hanqaltaagayay oo ay ku guulaysatay haweenay u dhalatay dalka Koonfur Afirka

09/10/2026

📌Khasaare kala oo uu ka mid yahay burbur soo gaaray dhawr diyaaradood ayaa ka dhashay weeraro gantaalo ah oo Xuutiyiintu ku qaadeen garoonka Boqor Khaalid ee dalka Sacuudiga

📌Mareykanka & Britain oo soo saaray digniin la xiriirta amniga muwaadiniintooda ku nool Sacuudiga ama u safraya

📌Mareykanka oo Israel ku wargeliyay inay isu diyaariso weerar ballaaran oo Iran lagu qaado xilli Waaxda Gaashaandhiga dalkaasi ay amartay in ciidamadu heegan galaan

📌Taliska Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan oo shaaciyay in habeen kasta maraakiib ay ku beegsadaan Marinka Hormuz

📌Madaxweyne Putin oo dhiggiisa Iiraan u sheegay inuu diyaar u yahay wax kasta oo dagaalka lagu joojin karo

📌Senator Mareykan ah oo Pentagon-ka ku eedeeyay qarinta khasaaraha dagaalka Iran

📌Sagal Cabd-wali oo taariikh dhigtay ka dib markii ay noqotay qofkii ugu h**eeyay ee Soomaali ah ee loo doorto baarlamaanka UK

09/10/2026

Gulufka dagaal ee Waaberiga Yaman ma soo afjari karaa colaada Yaman mise Xuutiga ayaa araxda ka jabin doonaa oo guulaysan doona?

08/10/2026

📌Maxaa ka jira in Shiinuhu gacanta uu ku dhigay qalabka xasaasiga ah ee farsamada & dayactirka diyaaradaha casriga ah ee F 35? Sideese ugu suuragashay?

📌Ma dhabbaa in Turkigu ciidamo & qalab military uu dirayo Sacuudiga uuna saldhig ciidan oo halkaasi ka sameysan doono? Mise dhici kartaa inuu ku biiro dagaalka Riyadh ee ka dhanka ah Xuutiyiinta?

📌Jeneraal h**e oo !sraa’iili ah oo ka digaya dhibaatooyinka isku xiran ee Talaabiib wajaheyso xilli xaaladaha qaarkood ay sababi karaan in jiritaanka Israa’iil burburo.

08/10/2026

📌Hoggaamiyaha Xuutiyiinta oo caawa jeediyay hadal culus oo ka dhanah Sacuudiga xilli ururkiisu uu xoojiyay duqeymaha uu ku hayo garoomada diyaarada ee dalkaasi

📌Mareykanka oo soo saaray digniin ku wajahan muwaadiniintiisa ku nool dalka Sacuudiga

📌Shirkado diyaaradeed oo caalami ah oo joojiyay safarkii ay ku tagi jireen garoonka diyaaradaha magaalada Riyadha oo maalmahan si joogto ah ay u duqeynayaan Xuutiyiinta

📌Taliye sare oo ka tirsan xoogaga RSF, oo 300 maleeshiyo ah & 30 gaadiidka dagaalka la goostay kuna biiray ciidamada dawlada Suudaan

📌Trump oo sheegay in uusan jirin doonin wax weerar ah oo lagu qaadayo Iiraan ka hor doorashada Mareykanka ee dhici doonta bisha dambe

📌Taliyaha Ilaalada Kacaanka Iran oo Hormuz ku Tilmaamay Khad Cas oo Istaraatiiji ah, Kana Digay Faragelinta Mareykanka
Dawlada Kenya oo shaacisay in 84 muwaadinteeda ah lagu dilay ama Lagu la’yahay dagaalka Ruushka iyo Ukraine

📌Askar !sraa’iliyiin ah oo dhimasho & dhaawac uu ka soo gaaray shil ka dhacay Koonfurta Lubnaan

Address

London
NW107PN

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when HBN Online TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to HBN Online TV:

Shortcuts

Share