Maan kas Media

Maan kas Media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Maan kas Media, Media/News Company, London.

Maan Kas Media waxaad Ka Helaysaa Wararkii ugu danbeeyey oo la Hubo warbixino Xasaasi ah & Barnaamijyo Tayo leh oo ku xiisa gakiya
ku soo biir oo kamid noqo asxaabta nagu xidhan mahadsanid ��
Kas Media
https://www.facebook.com/maankasmedia

Muslimiintu ma u gudbayaan wejigii labaad ee halgankooda? Ma noqon karaan kuwa dib u qoraya khariiradda awoodda caalamka...
20/06/2025

Muslimiintu ma u gudbayaan wejigii labaad ee halgankooda?

Ma noqon karaan kuwa dib u qoraya khariiradda awoodda caalamka?

Dagaallada ka socda Qasa, weerarrada Iran iyo Pakistan ay qaadeen, iyo colaadda istiraatiijiga ah ee Bariga Dhexe ma yihiin kaliya falcelin, mise waa qorshe waqti fog ah oo si xeelad leh loo maamulo?

Falanqeyntan gaaban waxay isku xiraysaa dhacdooyinka milatari, xogaha sirdoonka, iyo astaamaha iftiiminaya isbeddel muuqda oo ka dhex billowday ummadda Muslimka ah.

Weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar wuxuu muujiyay in awoodda xisaabta, sirdoonka gudaha iyo diyaarinta maskaxda dagaalka ay ka xoog badan yihiin gantaalaha la jecel yahay in laga faano. Mar haddii Xamaas ay jabin karto difaacyadii Iron Dome, waxay si cad u iftiimisay in kooxdaasi aysan ahayn kaliya xoog jihaadi ah, balse ay noqotay hay’ad militari iyo sirdoon isku dhafan.

Markii Iiraan ay qaaday weerar ballaaran oo toos ah oo lagu beegsaday Israa’iil, waxay jebisay caado nus qarni jirtay — in aysan si toos ah Israa’iil u weerarin! Waa dagaal la jaanqaadaya xeerar cusub oo sirdoon, xeelad iyo digniin qarsoodi ah isku dhafan.

Tiro weerarro ah oo Iran qaaday ayaa si sax ah u beegsaday bartilmaameedyo milatari iyo sirdoon, oo ay ka mid yihiin xarumo la tuhunsanaa inay Mossad leedahay, taasoo tilmaamaysa in Iiraan ay haysatay xog aad u faahfaahsan oo gudaha Israa’iil ah.

Weerarkii cirku-mariyaha ahaa ee Pakistan ay ku qaaday gudaha Hindiya, gaar ahaan agagaarka xadka Kashmir, wuxuu calaamad u yahay dawlad Muslim ah oo ciidan ahaan u diyaarsan, kana faa’iideysan karta fursadaha istiraatiijiga ah ee ay siiso dagaalka qarsoon.

Pakistani waxay adeegsadeen sirdoon, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo weerarro qorsheeysan— dhammaan waxay tilmaamayaan in awooddii Muslimka Aasiya ay dib u soo kabanayso.

Isku-xirka qarsoon ee Muslimiinta:

Macluumaad laga helay ilo sirdoon caalami ah ayaa daaha ka rogay in:

•Iiraan ay si buuxda uga faa’iideysatay kaamirooyin amni oo gaar loo leeyahay gudaha Israa’iil, si ay u hesho xog waqti-dhab ah.

•Waxaa jiro is-faham hoose oo aan si rasmi ah loo shaacin oo u dhexeeya Tehran, Islamabad iyo xoogag kale oo Islaami ah — iyadoo si toos ah u muuqan, haddana la dareemayo.

•CIA iyo Mossad waxay si gaar ah u diiwaan geliyeen kororka weerarada “indirect” ah ee laga abaabulo gudaha dalalka reer galbeedka, taasoo kor u qaadaysa argagaxa sirdoonka reer galbeedka.

Taariikhda ma soo laabatay?

Waa wax aad u adag in la inkiro in dhacdooyinkan ay dib inoo xasuusinayaan dhacdooyin taariikhi ah oo Muslimiintu ay ku dhaliyeen isbeddel awoodda caalamka, sida:

•Dagaalkii Yom Kippur (1973) oo Carabtu jebisay Israa’iil si lama filaan ah.

Dagaalka, waxaa ka dhashay inay Israa’iil, dadaal ku bixisay iyadoo iskaashi ka helaysa hay’adaha galbeedka in la burburiyo awoodda muslimiinta si aysan khatar kale u dhicin, inta uu socday qorshaha isbeddelo ayaa ka dhacay dalalka Carabta iyo dalalka kale ee islaamka , kuwaasoo loo rogay kuwa daciif ah, laakin mar kale halkii ay Israa’iil filaysay in hamigeeda uu hirgalay , waxaa soo baxday khatar ka sarreysa middii h**e oo waqtigan , gudaha Israa’iil ayay gantaallo ka dhacayaan oo dabku ku shidanyahay Telaabiib.

Taariikhda waxaa kale oo ay dib noogu celinaysa:

•Kacaankii Xisbullah (2006) oo koox hubaysan jebisay ciidan rasmi ah.

•Intifada-1 oo carruurta dhagaxa wata ay noqdeen wajahad dagaal.

Hadda, dagaalku waa mid ay hoggaaminayaan sirdoon, tiknoolajiyad iyo faham xeel dheer oo dagaal maskaxeed ah, kaasoo saameynaya awoodaha ugu waa weyn dunidda.

Maxaa laga filan karaa mustaqbalka?

Dunidda Muslimka ah waxay u muuqataa mid ka bixi karta marxaladdii u dhexeysay dulmiga iyo difaacista, kuna sii jeedda weji cusub oo weerar, qorsheyn iyo dagaal istaraatiiji ah.

Waxa hadda muuqda waa in:

•Muslimiinta bartilmaameedkooda beddeleen, laga bilaabo gantaallo si aan kala sooc lahayn loo rido, ilaa weerarro sax ah oo bartilmaameedyo sirdoon leh lagu hago.

•Waddamada Muslimka ah waxay bilaabeen inay sameystaan sirdoonyo isku xiran, xog wadaag iyo cadaadis isgarab-taagan oo aan la shaacin.

•Kooxaha Muslimka ah oo hadda wata hubka qarsoon ee ugu xooggan: waayo-aragnimo, xog sir ah, iyo caqiido aan la jebin karin.

Su’aasha ugu dambeysa oo dunidda u baahan tahay inay si dhab ah u wajahdo waa:Muslimiintu ma waxay diyaar u yihiin inay qoraan wejiga cusub ee awoodda dunidda— iyaga oo aan oggolaan mar dambe in lagula dhaqmo si laga arkay qarnigii la soo dhaafay?

Xigasho by Iiman Jamac

Iraan gantaaladeedii way waa ay fasaxday. Israa'iil qofkasto godkiisu ku jiraaa WADANKA WAA CIDLO , Guryo cusub oo burbu...
16/06/2025

Iraan gantaaladeedii way waa ay fasaxday. Israa'iil qofkasto godkiisu ku jiraaa WADANKA WAA CIDLO , Guryo cusub oo burburay iyo holac ayaa la arki karaaa.

Weerarkii israa'iil ee warbaahinta Iraan kadib waxaa ay iraan amar kusoo saartay Xafiisyada kanaalada warbaahinta israa'...
16/06/2025

Weerarkii israa'iil ee warbaahinta Iraan kadib waxaa ay iraan amar kusoo saartay Xafiisyada kanaalada warbaahinta israa'iil in la faarujiyo, Waxaa ay Iraan dhankale ay wadaa Cyber attack aad u xoog badan.

Awoooda keliya ee israa'iil haysatay waa tecknologyo, Haddii Cyber attack looga burburiyo waa arrin aad u naxdin badan WAXBA UMA SOO HARAAYO. Gantaalada Iraan weli waa la sugayaa.

Mossad oo si sir ah gantaallo ugu rakibtay gudaha Iran!Sirdoonka Iran, ayaa horraantii maanta shaaca ka qaaday in la hel...
16/06/2025

Mossad oo si sir ah gantaallo ugu rakibtay gudaha Iran!

Sirdoonka Iran, ayaa horraantii maanta shaaca ka qaaday in la helay goobo badan oo laga rido gantaallo nooca Spike ah oo si qarsoodi ah loogu dhex rakibay gudaha dalka Iran, kuwaasoo ay gudaha Iran ku diyaariyeen xubno ka tirsan hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad.

Arrintan ayaa si weyn u gilgishay amniga gudaha Iran, kaddib markii la ogaadey in gantaalladan la maamulo iyada oo cidna aanay joogin goobta ay yaalaan, balse si fog looga hago iyadoo la adeegsanayo internet-ka. Gantaalladan casriga ah ayaa si gaar ah loogu talagalay in aysan u baahnayn in qof si toos ah ugu dhowyahay marka la hawlgalinayo.

Mossad ayaa la sheegay in ay gudaha Iran ka hirgelisay xarumo fogaan laga toogto, iyadoo gantaalladan la geliyay meelo aan laga filaynin, kadibna lagu xiray nidaamyo iswada oo si toos ah uga shaqeeya meel fog.

Gantaalkan, oo loo yaqaan Spike NLOS (Non-Line of Sight), wuxuu leeyahay awood uu ku gaaro bartilmaameed 50 km u jira, wuxuuna leeyahay kamera muuqaal toos ah soo diraya isla waqtigaa bartilmaameedka lagu beegsanayo, taasoo u sahlaysa inuu si sax ah u garaaco bartilmaameedyo qarsoon, sida:

•Raadaarada difaaca cirka

•Meelaha laga rido gantaallada

•Gawaarida hubka sida

• Fulinta howlgallo lagu beegsanayo saraakiil

Gantaalladan waxaa sida caadiga ah lagu hago qalab lagu magacaabo CLU (Command & Launch Unit) oo lagu rakibo saddex lugood, lehna dareemaha kuleylka jirka. Laakiin Mossad waxay qalabkii hagayay u wareejisay xarun dhexe oo ka foog goobta la dhigay gantaalka, taasoo laga yaabo inay ku taallo gudaha Israa’iil, si ay u toogtaan una hagaan gantaallada iyada oo aan cidna joogin gudaha Iran.

Wararka ay baahiyeen ilo amni oo Iran ah waxay sheegayaan in gantaalladan si gaar ah loogu talagalay in lagu burburiyo nidaamyada difaaca cirka, iyagoo xaddidaya awoodda Iran ay ku difaacan karto hawadeeda, taasoo laga yaabo in ay dhabbaha u xaarto duqeymo ballaaran oo Israa’iil ay qorsheynayso.

Dadka falanqeeya arrimaha amniga gobolka ayaa sheegaya in tan ay noqon karto tallaabadii ugu weynayd ee sirdoon shisheeye uu gudaha Iran ka fuliyo tan iyo weerarkii lagu dilay saynisyahanada nukliyeerka sanadihii h**e.

Ruushka muxuu uga dan leeyahay inuu dhimo nukliyeerka Iran? Miyeysan isbahaysi ahayn? Mise wax kale ayaa ku qarsoon?Inka...
16/06/2025

Ruushka muxuu uga dan leeyahay inuu dhimo nukliyeerka Iran?

Miyeysan isbahaysi ahayn?

Mise wax kale ayaa ku qarsoon?

Inkasta oo Ruushka iyo Iran ay yihiin xulufo istaraatiji ah, gaar ahaan la dagaallanka saameynta Mareykanka iyo xulafadiisa gobolka, hadana Moscow marar badan waxay muujisay doonista ah in la xakameeyo barnaamijka nukliyeerka Iran. Tani waxay dhalinaysaa su’aal: Ruushka ma ka soo horjeedaa Iran, mise dan gaar ah ayuu ka leeyahay arrintan?

Ruushka wuxuu doonayaa in Bariga Dhexe uu noqdo gobol uu isaga saameyn ku leeyahay, laakiin aysan ka dhicin dagaal ballaaran oo sababa faragelinta reer Galbeedka.

Haddii Iran ay si buuxda u horumariso hub nukliyeer: Waxaa ka dhalan kara dagaal aan dhammaad lahayn oo Israa’iil iyo reer galbeedka oo dhinac ah iyo Iran dhex mara,Mareykankana wuxuu heli karaa marmarsiiyo uu si buuxda ugu farageliyo gobolka. Sidaas darteed, Ruushka wuxuu doonayaa in barnaamijka Iran la xakameeyo, laakiin aan la burburin — si uu u ilaaliyo isbahaysiga, balse uusan u oggolaan xiisad aysan awoodin inay xakameeyaan.

Ruushka wuxuu doonayaa inuu noqdo dhexdhexaadiye muhiim ah:

Moscow waxay ku dadaaleysaa in loo arko diblomaasi awood leh oo xiriir wanaagsan la leh labada dhinac – Iran iyo reer Galbeedka.

Marka uu Ruushku soo jeedinayo in shidaalka nukliyeerka Iran lagu sifeeyo meelaha uu gacanta ku hayo ama lagu celiyo iyadoo la ilaalinayo isticmaalka nabadeed. Wuxuu si dhexdhexaadnimo u dhisan u muujinayaa kalsooni caalami ah, wuxuuna doonayaa inuu noqdo xalka aan Mareykanka laga sugin.

Cabsi laga qabo tartan hub nukliyeer ah oo gobolka ka dilaaca:

Haddii Iran ay hub nukliyeer hesho:

Sacuudiga, Masar, iyo Turkiga waxay u arki karaan inay iyaguna u baahan yihiin hub la mid ah.
Taasina waxay fure u noqon kartaa tartan sababi kara burbur gobolka ka dhaca. Ruushka, oo xasillooni doon ah, wuxuu u arkaa tan halis ka dhan ah danahiisa militari iyo dhaqaale ee gobolka.

Ruushku wuxuu doonayaa inuu Iran ‘xakameeyo’, balse aanu ka fogaan:

Iran mararka qaar waxay ku socotaa siyaasad madax-bannaan, gaar ahaan markay xoojiso awoodaha tiknoolajiyada sare ee nukliyeerka, taa oo ay ku gaari karto madax bannaani iyo inay noqoto quwad caalami ah, balse Ruushka oo ka mid ah xulafada ugu dhow Iran , wuxuu rabaa in Iran aysan noqon mid xoog badan oo isaga ka madax-bannaan,balse weli ay noqoto xulafo istaraatiji ah oo uu kaga hortago Mareykanka iyo NATO.

Waa siyaasad “ku ilaali – laakin si xadidan.”

Ruushku maaha inuu ka soo horjeedo Iran sida uu reer Galbeedku uga soo horjeedo, balse wuxuu leeyahay dan gaar ah oo ku saleysan xasillooni siyaasadeed, kala dambeyn iyo difaac danihiisa gobolka. Wuxuu rabaa in barnaamijka nukliyeerka Iran:

•La ilaalin karo.

•Loo xakameeyo in usan gacanta ka bixin.

Ruushka , isagoo leh ujeeddooyinka hadana wuxuu ka taxaddaraya inuu burburo xiriirka isaga iyo Tehran. Waa siyaasad ku dhisan ‘xulafada u dhowow – balse yeysan kugu noqon khatar aadan xakameyn karin.’

Baarlamaanka Iran, ayaa diyaarinaya sharci cusub oo Iran ka saaraya heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga faafinta hubka...
16/06/2025

Baarlamaanka Iran, ayaa diyaarinaya sharci cusub oo Iran ka saaraya heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga faafinta hubka nukliyeerka (NPT), sida ay Al Jazeera ka soo xigatay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran , Esmaeil Baghaei .

Tallaabadan, haddii la meel mariyo, waxay noqon doontaa isbeddel istaraatiji ah oo weyn, iyadoo Iran si rasmi ah uga baxayso heshiis ay ku ballanqaaday inaanay samaysan doonin hub nukliyeer, taa oo sidoo kale meesha ka saaraysa oggolaanshihii Iran ee lagu kormeerayay barnaamijkeeda nukliyeer.

Macnaha arrintan:

Waxay muujinaysaa dareen caro iyo cadaadis siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, xilli Iran ay wajahayso weerarrada Israa’iil ku oo taageerro ka helaysa Mareykanka.

Waxaa laga cabsi qabaa in Iran ay u aragto in heshiisyada caalamiga ah aysan wax dan ah ugu jirin, taasoo u gogol xaareysa barnaamij nukliyeer oo hub milatari inay u beddesho.

Haddii ay dhacdo, waxay si weyn u kordhin doontaa xiisadda caalamiga ah, markaa oo ah xilliga kaliya ee la filayo in Iran ay si xor ah u horumariso hubkeeda nukliyeer.Tani waxay noqon kartaa farriin digniin ah oo Tehran u direyso reer Galbeedka, gaar ahaan Mareykanka iyo Israa’iil, si loo muujiyo in cadaadiska milatari uu leeyahay jawaab sharci iyo istaraatiji ah.

Afhayeenka ciidanka Israa’iil,Daniel Hagari: “Waxaan sii wadeynaa qorshaha dagaalka, waxaana Ciidanka Cirka Israa’iil u ...
16/06/2025

Afhayeenka ciidanka Israa’iil,Daniel Hagari: “Waxaan sii wadeynaa qorshaha dagaalka, waxaana Ciidanka Cirka Israa’iil u jiheystay dhanka bari si uu u beegsado awoodaha nukliyeerka iyo gantaallada ee Iran.”

Fallanqeeyaasha telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee Channel 13 ,  ayaa xaqiijiyay inay Israa’iil iyo xulafadeeda  si d...
16/06/2025

Fallanqeeyaasha telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee Channel 13 , ayaa xaqiijiyay inay Israa’iil iyo xulafadeeda si dhab ah u lumiyeen inay sii oggaadaan nooca gantaallada iyo madaxyada ku xiran ee ay Iran ku soo weerarrayso gudaha Israa’iil, taa ahayd wax h**ey loo oggaan jiray , balse inan la sii qiyaasin nooca hubka iyo bartilmaameedyada suragalka ah , waxay ku sheegeen inay dhaawacday nidaamka difaaca Israa’iil — xaaladan oo ay ku sheegeen inay tahay halka ay ka imaanayso burburka ka dhalanaya weerarrada Iran ay ku soo qaadayso gudaha Israa’iil.

Shir ay iskugu yimaadeen culimada Turkiga ayaa waxaa kasoo baxay qodobo waawayn.Qodobada waxaa kamid ah in loogu baaqay ...
13/04/2025

Shir ay iskugu yimaadeen culimada Turkiga ayaa waxaa kasoo baxay qodobo waawayn.

Qodobada waxaa kamid ah in loogu baaqay shucuubta muslimiinta iney qaadacaan waxsoosaarka dhamaan shirkadaha taageera Isr--iil.

Waxay ugy baaqeen in dhamaan Wadamada Islaamku ee xidhiidh la leh ay xidhiidhka u jaraan Isr--iil oo ay eryaan safiiradooda una aqoonsadaan cadow.

Waxay sheegeen in Qudus tahay qayb aan laga maarmi karin oo kamid ah diinta iyo caqiidada Islaamka, sidaa daraadeed ay banaaneyn in laga tanaasulo taako kamid ah.

Waxay ku baaqeen in dhamaan culimada Muslimiintu ay dadka wacyigaliyaan oo ay qaataan masuuliyadooda, iyo iney waajib diini ah tahay in la taageero shacabka Q-sa.

Baaqan ayaa kusoo beegmay xili dhawaan Ururka caalamiga ah ee Culimada muslimiinta ayaa markii ugu h**eysay soo saareen fatwo waajib diini ah ka dhigeysa in dowladaha Islaamku ay faragalin milatari oo toosa ku sameeyaan duulaanka gardarada ah ee Isr--iil ka wado marinka Q-sa.

Waxay sidoo kale Fatwada ku sheegeen in dowladaha Islaamka ah ee diida iney talaabooyin qaadaan ay taasi ka dhignaaneyso iney cadowga ku taageerayaan dulmiga, taasoo gabi ahaanba ka hor imaneysa shareecada Islaamka, Ilaahay na uu waydiin doono sababta ay u dagaalami waayeen iyagoo hortooda lagu dulminayo oo lagu daadinayo dhiiga dumar, ragg iyo caruur aan waxba galabsan sida Eebe wayne ku sheegay quraanka.

13/04/2025

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka 4aad ee madasha diblomaasiyadda Antalya, ayaa maanta su’aallo laga waydiiyay arrimo la xiriira Soomaaliya, waxaa ku jirtay labo su’aallood oo la xiriira socdaalka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu maanta ku tagay Laascaanood iyo wararka la xiriira inay Somaliland aqoonsi ku beddelanayso inay dib u dejin u sameyso Falastiiniyiinta laga soo barakicinayo Qasa.

𝙎𝙪’𝙖𝙖𝙨𝙝𝙖 𝙠𝙤𝙤𝙬𝙖𝙖𝙙;

Magacaygu waa Abdhamid Sayam wakiilka Qudus Carabi ee Qaramada Midoobay;

Waxaan boggaadinayaa safiir Abuukar Cusmaan,khudbadii uu ka jeediyay Qaramada Midoobay. Waxaa jiray hadal la xiriira in Somaliland la aqoon san doono haddii ay aqbasho in dhulkeeda lasoo dajiyo dadka reer Falastiin , taas oo caqabad ku noqon doonta dalkaaga iyo dadka reer Falastiin iyo adduunayadaba ay xayndaabka u tahahay sharciga caalamiga ah, maahan kuwa ku dhaqmaya sharciga duurka sida qaybo ka mid ah waddamada waawayni ay arrintaas u olalaynayaan, marka sidee arrintaas u aragtaa sideese ugala shaqaynaysa ama xiriir ula samaynaysaa Somaliland si aysan tani u dhicin, haddii la aqoonsado way adagtahay in mar kale ay u noqdaan oo ay midoobaan koonfur iyo waqooyi?

Madaxweyne Xasan, ayaa ku jawaabay;

“Abdihamid aad baad u mahadsantahay, ugu horrayn waxaa sababay arrinta reer Falastiin waa arrin la xiriirta Diinta,Qudus iyo Falastiin. Waa arrin waligeed Soomaaliya aysan ka gorgortamin ayna ka gorgortami doonin, si kasta oo baaxadeenna iyo awooddeennu ay le’eg-tahayba…

Waxa aan doonaynaa waa xal nabadeed si adduunku uu aqoonsanyahay xalka 2 waddan , Falatiin inay ahaato dawlad, Israa’iilna ay ahaato dawlad… in si nabadeed lagu wada jiro dadka reer falastiin iyo dadka Jewishka ahiba, taasina waa xalka kaliya,waana waxa dhammaanteen aaan rajaynayno inay dhacdo, waxaanan rajaynaynaa inay dhacdo.

Arrinta la xiriirta Somaliland , waa qayb ka mid ah Soomaaliya...k**a hadlayno sharciga duurka sida aad carrabowdayba oo qof ku intuu iska yimaado uu iska yiraahdo waxaan jarayaa qayb ka mid ah waddan, taasina maahan sida ay u shaqayso, sidaa daraadeed Somaliland waxay ka mid tahay Soomaaliya mana jirto cid nagala hadashay inaan marti galino dadka reer Falastiin si dhulkooda looga soo raro, umana aragno middaas inuu xalku ku jiro, macnaheedu maahan in lagu aqoonsan yahay iyo in kale , laakiin fikradda ah in dadka Falastiiniyiinta dhulkii ay lahaayeen laga soo raro oo dhul dad kale leeyihiin la-dajiyo xalka uma arko taas , haddii xalku sidaas ku jiri lahaa waxaa looga hadli lahaa si uun ama meelkale.

Falastiiniyiintu waxay leeyihiin dhulkaas, waxayna ku noolaayeen dhulkaa sannado aad u badan, xaqiiqdana waa kusii noolaan doonaan!

Sidaa darteed qofna arrintaan nalagama uusan hadal, haddii qof dhaho waxaan u aqoon sanay hebel waddan madax bannaan ,maahan sida adduunyadu u shaqayso, waddamo gooni ah waa dhihi karaan taas, laakiin taas ma noqonayso mid shaqaysa kaliya dhibaato dheeri ah ayay abuuraysaa , in aad saas dhahdid ama aad sidaa samaysid ma ay u noqonayso jawi wanaagsan in dad kale halkaas la geeyo, mana rajaynayo taas.

Waxaan rajaynaynaa sidaad sheegtay adduunyadu in caqliyadeedu usoo noqon doonto dhibtaana waa la xallin doonaa.!Waan uga mahad naqaynaa waddamada sida toos ah arrintaas xalkeeda uga shaqaynaya.”

𝑺𝒖’𝒂𝒂𝒔𝒉𝒂 𝒍𝒂𝒃𝒂𝒂𝒅;

Su’aasha/ Mudane Madaxweyna ; Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Barre, waxa uu ku suganyayahy maanta Laascaanood , SSC Khaatumo, taas oo ah booqasho taariikhi ah,kaddib xiisad halkaa ka jirtay dhowr sanno ka hor, maxaad u malaynaysaa booqashadaan taariikhiga ah?

Madaxweyne Xasan;

‘Waa ka xunnahay waxa ka dhacay qaybtaas Soomaaliya ka mid ah, xiisadda guduhu marwalba waa soo ifbaxaan, Dawladda dhexe ee Soomaaliya qayb k**a aysan ahayn xiisadaas, k**a qayb qaadan doonto xiisaddaas gudaha ah..

Mid kamid ah sababaha ugu wayn ee Ra’iisul wasaaruhu halkaas u tagay waa in uu xalliya xiisaddaas.

Ra’iisul wasaaruhu inuu qalalaase abuuro halkaas uma uusan tagin sidda qayb kamid ah dadka baraha bulshadu ay sheegayaan, sababtaas ayuu Ra’iisul wasaaruhu u tagay ,maxaa yeelay xiisadaas maahan mid wali la xalliyay, waxaa jira maxaabiis labada dhinac, wali waxaa jira xiisad si nabaddi ku jirto aan wali loo xallin.

Ra’iisul wasaaruhu halkaas wuxuu joogaa inuu abuuro jawi nabdoon oo waan waani ka dhalan karto,maxaa yeelay waxaa jira caqabado hortaagan inuu dhaco wada-xaajood dhab ah waana sababta uu Ra’iisul wasaaruhu halkaas u joogo si qayb kamid ah caqabadahaan meesha looga saaro, oo labada dhican markaas si nabdoon ay u wada-hadlaan dib u heshiisiina loo gaaro.”

12/04/2025

Ra'iisul Wasaare Xamse "Booqashadeennu waxa ay xambarsantahay midnimo , nabad iyo walaaltinimo Soomaaliyeed."

12/04/2025

Wada-hadallo u dhaxeeya Iran iyo Mareykanka ayaa maanta ka furmaya dalka Cumaan, halkaa oo ay gaareen wafdiga Iran, iyadoo wada-hadalladan oo looga hadlayo barnaamijya nukliyeerka Iran ay muhiimad u leeyihiin xiisadda labada dhinac, xilli saacado ka hor Trump uu ku hanjabay inay dookhyada oo dhan miiska u saaranyihiin, wuxuu doonaya heshiis la gaaro si dhaqso ah , si ka duwan Iran waxay u aragta muddadaan kooban inan lagu gaari karin heshiis, taa beddelkeeda heshiiso kumeel-gaar ah oo lagu sii wadayo wada-xaajoodyada in la gaaro! Kala aragti duwanaan ayaa labada dhinac u dhaxeysa; Mareykanka wuxuu ku adkaysanaya inay Iran burburiso warshadaheeda nukliyeerka, halka Iran ay sheegtay inan taa la aqbali karin oo heshiiska u noqon doono mid hakin ah.

Address

London
05

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maan kas Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Maan kas Media:

Share