Vof Radio

Vof Radio Halkani waa bogga rasmiga ah ee idaacadda codka xoriyadda ee magaalada muqdisho. This is the offici

02/01/2026

WARGAADHI:-Kumaandooska Danab iyo Ciidamadda deegaanka oo maanta cashir u dhigay kooxda AS.

02/01/2026

Meydadka kooxda AS oo daadsan deegaanka Wargaadhi Xili Dagaal xoogan uu kadhacay Deegaanka.

Cali Shiiq Abuukar oo ka mid ah ciidanka deegaanka ee Wargaadhi.

01/01/2026

Gudoomiye Shuute ''Qabiil ka fiican qabiil ma jiree qof ka fiican Qof kale ayaa jira''.

01/01/2026

Sheekh Aadan-Madoobe ayaa furay dood maalmahanba xan ahaan loo maqlayay.

XOG:- MASAR IYO SOMALIA ..🇪🇬 🇸🇴Gobolku wuu kacsan yahay, wixii h**e loogu qorsheyn jiray si qarsoodi ah oo “hoos loo dhi...
01/01/2026

XOG:- MASAR IYO SOMALIA ..🇪🇬 🇸🇴

Gobolku wuu kacsan yahay, wixii h**e loogu qorsheyn jiray si qarsoodi ah oo “hoos loo dhigay” haddana maanta waa bannaanka oo indhaha oo dhan hortooda ka muuqda. Gobolka Geeska Afrika wuxuu si lama filaan ah ugu beddelmay goob dagaal iyo loollan caalami ah. Masarna, sida caadadeeda ah, ma sugeyso in khatartu ay soo gaarto xuduudaheeda; waxay u tagtaa khatarta “ilaa halka ay joogto” si ay uga gooyso xididdada.

1. Dhaqdhaqaaqa Masar: ma aha sawir ama borotokool oo keliya! 🛡️

Marka Masar ay Soomaaliya u dirto diyaaradaha C-130, ciidamo kumaandoos ah, iyo qalab militari oo culus, arrintu ma aha taageero niyadeed ama sawirro warbaahineed. Masar waxay dhaqan-gelinaysaa heshiiska difaaca wadajirka ah, waxayna xaqiijinaysaa booskeeda ah “ciyaaryahanka weyn” ee awoodda Afrika ee cusub.

Qodobka ugu muhiimsan: Masar waxay isu diyaarinaysaa inay Soomaaliya ku daabusho ku dhowaad 10,000 askari oo Masri ah (ciidamo tababar iyo kuwo hawlgallo ah), taas oo ka dhigan in ay noqonayso xoogga ugu awoodda badan halkaas, ujeeddadiisuna tahay ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo sugidda “albaabka koonfureed” ee Kanaalka Suweys.

2. Dabinka “Berbera” iyo jawaabta Masar ee ah ‘Checkmate’ ⚓

Itoobiya waxay isku dayday inay jebiso sharciga caalamiga ah, iyadoo heshiis sharci-darro ah la gashay “Somaliland” si ay u hesho marin badeed iyo saldhig militari. Tallaabadani kaliya k**a dhan ahayn Soomaaliya, balse waxay si toos ah u beegsanaysay in la ciriiriyo Badda Cas lana wiiqo saameynta Masar. Jawaabta Qaahira waxay ahayd mid cad oo adag: joogitaan militari oo toos ah (dhul, cir iyo bad), si loo joojiyo isku day kasta oo lagu beddelayo khariidadda gobolka xoog.

3. Soo gelitaanka “Xuutiyiinta” ee khadka… isbahaysiyo ay dani xukunto! 🇾🇪

Xuutiyiinta Yemen si fiican ayay u fahamsan yihiin in saldhig Itoobiyaan ah oo halkaas laga sameeyo (oo taageero caalami ah leh) uu la micno yahay “cadaadis laba dhinac ah” oo iyaga ka dhan ah.

Muuqaalka soo socda: waxaa suuragal ah inaan aragno isbahaysiyo ku-meel-gaar ah oo u dhexeeya dhinacyo aan marnaba la maleynayn inay wada fariisan karaan, sababtoo ah danta guud ee hadda jirta waa in laga hortago in xeebta Soomaaliya loo beddelo xero militari oo u adeegta dhinacyo kale.

4. Maxay Masar u tahay bartilmaameedka ugu weyn? 🎯

Sababtu waa sahlan tahay: Masar waa “tiirka miisaanka”. Haddii Soomaaliya kala daadato, maraakiibtuna khatar gasho Bab al-Mandab, dhaqaalaha Masar iyo Kanaalka Suweys ayaa si toos ah loo dhaawacayaa. Laakiin hoggaanka Masar “radarkiisu” wuxuu akhriyey muuqaalkan sanado ka hor:

Kala-duwanaanta hubka: waxay ciidanka Masar u suurto gelisay inay ka hawlgalaan deegaan kasta, xitaa meel ka fog xuduudahooda kumannaan kiiloomitir.

Saadka iyo logistics-ka: dhismaha saldhigyo militari oo waaweyn (sida saldhigga Bernice) wuxuu ahaa diyaar-garowgii waqtigan go’aaminta ah.

Gunaanad:

Masar ma jecla dagaallada, balse waxay “ku khasabtaa nabadda” awooddeeda iyo haybteeda. Joogitaankeeda Soomaaliya waa farriin cad oo ku socota cid kasta oo u maleysa in amniga Masar ku egyahay xuduudaheeda kaliya… amniga qaranka Masar wuxuu ka bilaabmaa meel kasta oo ay khatar uga timaaddo.

Masar… mar walba hal tallaabo ayay ka horraysaa kuwa kale, waana midda leh neefta ugu dheer dagaalka “maskaxda iyo ciidammada”.

Ma taageeree in Imaaraatka Xariirka loo jaro ?Haa ama Maya Muwaadin sababtana noo raaci.
31/12/2025

Ma taageeree in Imaaraatka Xariirka loo jaro ?

Haa ama Maya Muwaadin sababtana noo raaci.

TRUMP MA AQOONSAN DOONO SAMLILAND! Sabab?Xogtan hoose waxaan ka helnay diblomaasiyiin New York ku sugan oo isuga jira So...
31/12/2025

TRUMP MA AQOONSAN DOONO SAMLILAND! Sabab?

Xogtan hoose waxaan ka helnay diblomaasiyiin New York ku sugan oo isuga jira Soomaali, Kuweit, Turkey iyo Algeria.

HORDHAC.

Marka h**e waa in aan oggaanno in kiiska aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland aanu khuseynin Soomaaliya oo keliya. Waxaa jira dalal tallaabadan u arka mid halis ku ah ammaankooda qaranka. Kuwaas oo aan sinnaba u oggolaaneynin in Isra**l ay soo degto marinka Baabal-mandab iyo nawaaxigiisa. Dalalkaasi waxaa ugu tun-weyn Masar, Turkiga, Sacuudiga, Jibuuti iyo dhamaan waddamada Gacanka Carabta.

HADALKA TRUMP EE AHAA MA AQOONSANEYNO SOMALILAND.

Durbadii uu soo baxay go'aanka Isra**l ee aqoonsiga Somaliland, saddexda dal ee aan kor kusoo xusnay waxa ay soo saareen qoraallo cambaareyn ah oo lahjad adag ku qoran. Intaas kuma ay joogsane waxaa qoraallo sidaas oo kale ah soo saaray, dhamaan ururrada ay dalalkaasi ku jiraan, sida: Midowga Afrika, Ururka Islaamka, Jaamacadda Carabta, Golaha Iskaashiga Khaliijka iyo IGAD.

Sida ay xaqiijnayaan ilaha aan xogtan ka helnay; Trump marnaba ma fileynin in dalal waaweyn -oo ku yaalla Bariga Dhexe, ahna bah-wadaag aanu Mareykanku sinnaba uga maarmin- ay sidaas adag uga soo horjeesan karaan aqoonsiga Somaliland. Waana arrinta ku dhalisay in uu laba tallaabo dib u gurto oo uu sheego in aanu markiiba qorshaha Isra'**l qeyb ka noqoneynin.

SHIR-YARE DHINACA TELEFOONKA AH.

Madaxda dalalka kasoo horjeestay aqoonsiga Somaliland ee rumeysan in tallaabadaasi ay halis weyn ku tahay amaankooda-qaran, waxaa wel-wel ku abuuray booqashada uu markaas Washington ugu soo ambabaxay raysalwasaaraha Isra'**l. Waxa ay is-tuseen suurtogalnimada in uu wax ka beddeli karo mowqifka Trump.

Madaxweynaha Turkiga, Madaxweynaha Masar, Dhaxal-sugaha Sacuudiga iyo Amiirka Qatar ayaa shir socday ku dhowaan saacad iyo bar telefoonka kula qaatay Madaxweynaha Mareykanka. Madaxda ayaa Trump si faahfaahsan ugu sharraxay qaab-dhismeedka Soomaaliya, dhibaatada ka iman karta in Isra'**l ay fariisato Geeska Afrika iyo in iyaga oo ka duulaya sugidda amaankooda-qaran aanay aqbali karin in arrintaasi ay dhaqan-gal noqoto.

Trump oo is-barbar-dhig ku sameeyay faa'iidada Mareykanka iyo Israa'iil ugu jiri karta aqoonsiga Somaliland iyo khasaaraha labadooda soo gaari kara haddii ay Washington lumiso xulafo istaraatiiji ah oo ay ku leedahay Bariga Dhexe; ayaa madaxda u ballan-qaaday in Mareykanku aanu aqoonsan doonin Somaliland.

Madaxda afarta dal ee Trump la halday ayaa markii ay hubsadeen mowqifka Washington, waxa ay codsadeen in Mareykanku uu markan Israa'iil ku cadaadiyo in ay go'aankaas ka laabato. Trump waa nin ganacsi, tallaabo kasta oo uu qaadayana waxa uu ka dhex-raadiyaa fursado kale. Markiiba waxa uu oggoolaaday in uu Israa'iil xoogga ku saaro sidii ay aqoonsiga Somaliland uga noqon lahayd. Hase yeeshee waxa uu dalbaday in hoggaamiyayaashan -oo midkoona aanu saxiixin heshiiska Abraham Accords- ay kusoo biiraan. Sacuudigu h**ey ayuuba u sheegay in haddii ay Isra'**l ku adkeysato aqoonsiga Somaliland aanu saxiixi doonin Abraham Accords.

KULANKA TRUMP-NETANYAHU & FADHIGA GOLAHA AMAANKA

Dadaalka Turkiga, Masar, Sacuudiga iyo Qatar oo dhabarka ay ka taagan yihiin inta badan dalalka Afrika, Islaamka iyo Carabta ayaa sabab u noqday in Mareykanku aanu Veto u adeegsan fadhigii Golaha Amaanka, keliya ma ahee uu halkaas ka caddeeyo mowqifkiisa aqoonsiga Somaliland. Waana lagu guuleystay.

Qofkii aad u dhageystay hadalkii Trump uu ka jeediyay shirkii jaraa'id ee Netanyahu ay wada qabteen, waxa uu dhowr-jeer kusoo celceliyay in heshiiska Abraham Accords la ballaarin doono. Taas oo loo arkayay in waddamada muhiimka ah ee la shiray qaarkood ay saxiixi karaan, haddii uu Trump ka dhabeeyo ballan-qaadkiisa.

Waxaa muuqata in Soomaaliya oo kaashaneysa saaxibbadeed iyo dalalka ay dan-wadaagta yihiin, ay qeyb ahaan guul-weyn oo diblomaasiyadeed kasoo hoysay dadaalkii maalmahan socday ee looga hortagayay aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland.

XOG:- Waxaan heleynaa warar xasaasi ah oo sheegaya in dowladda Soomaaliya ay go'aansatay in ay soo saarto amar ay Imaara...
30/12/2025

XOG:- Waxaan heleynaa warar xasaasi ah oo sheegaya in dowladda Soomaaliya ay go'aansatay in ay soo saarto amar ay Imaaraadka Carabta uga saarayso qeybaha ay Soomaaliya kaga sugan yihiin.

Tallaabadan waxa ay imaneysaa kadib markii dowladda Yemen ee fadhigeedu yahay Cadan ay muddo 24 saac ah u qabatay in Imaaraadku ay dalkeeda kaga baxaan. Waxaa dowladda Yemen warkaasi ku taageeray Sacuudiga. Imaaraadka ayaa 8 saac gudahood ku faarujiyay goobihii uu kaga sugnaa koofurta Yemen.

Marka la fiiriyo qaabka ay Imaaraadku u dhex-galeen koofurta Yemen, waxaad arki kartaa in qorshaha aanay ugu ku darsan in ay dalkaasi ka huleeli doonaan, xataa 100-ka sano ee soo socda.

Imaaraadka ayaa dalkaas ka sameystay fariisimo millatari, xabsiyo ay iyagu maamulaan, kuna ciqaabaan ciddii kahor timaadda iyo ciidan ay iyagu dhisteen oo toos uga amar qaata.

Aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland waxa uu aad isugu soo dhoweeyay Soomaaliya iyo dowladda Sacuudiga oo iyadu dareentay halis dhinaca amniga ah.

Lama oga xilliga uu soo bixi doono amarka DFS iyo sida ay ugu dhago-nuglaan doonto UAE.

30/12/2025

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka qaranka ayaa shaaciyay Natiijada Doorashada Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Istanbuul ee Jamhuuriyadda Turkiga, halkaas oo ay ka ...
30/12/2025

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Istanbuul ee Jamhuuriyadda Turkiga, halkaas oo ay ka dhacayso munaasabad taariikhi u ah xiriirika iyo iskaashiga Soomaaliya Iyo Turkiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulan la qaadan doona Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan oo ay ka wada hadlayaan qiimeynta iyo kor u qaadidda iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal, xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Dhanka kale Dowladda Turkey ayaa soo gabagabaysay baaritaanka waxaa qorshuhu yahay in maanta Ankara looga dhawaaqo guushaan taariikhiga ah.

Madaxweyneyaasha Turkey iyo Soomaaliya ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqi doona xaflad ka dhacaysa dalkaas Turkey oo ay goobjoog ka yihiin wasiiradda Tamarta iyo hay'adaha Badroolka laba dal.

30/12/2025

XOG:-Xuutiyiinta Yaman oo Hanjabaad Culus udirtay Somaliland iyo M/W Xasan Sheekh oo ku wajahan Jabuuti iyo Turkiga.

Turkiga oo Riyadii Soomaaliya Rumeynaayo. Maanta oo ah 30 December 2025, waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo shidaalkii ug...
30/12/2025

Turkiga oo Riyadii Soomaaliya Rumeynaayo.

Maanta oo ah 30 December 2025, waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo shidaalkii ugu h**eeyay ee laga Soomaaliya. Dowladda Turkey ayaa soo gabangabaysay baaritaanka waxaa qorshuhu yahay in maanta Ankara looga dhawaaqo guushaan taariikhiga ah.

Madaxweyneyaasha Turkey iyo Soomaaliya ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqi doona xaflad ka dhacaysa dalkaas Turkey oo ay goobjoog ka yihiin wasiiradda Tamarta iyo hay'adaha Badroolka laba dal.

Address

11 Frederick Court 35 Trinity Rise
London
SW22BF

Opening Hours

Monday 9am - 5pm
Tuesday 9am - 5pm
Wednesday 9am - 5pm
Thursday 9am - 5pm
Saturday 9am - 5pm
Sunday 9am - 5pm

Telephone

+447951445858

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Vof Radio posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share