
08/10/2025
GAALKACYO, Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa wajahaya dayac xooggan kadib markii Puntland joojisay dayactirkii joogtada ahaa ee laga sameyn jiray gudaha Garoonka. Dhabbaha diyaaradaha ayaa noqday mid ay buux dhaafiyeen godad waaweyn, taasoo khatar ku ah duulimaadyada diyaaradaha. Shirkadaha diyaaradaha iyo ganacsatada qaadka ayaa codsaday in si degdeg ah wax looga qabto, balse jawaab lama helin.
Qaar ka mid ah diyaaradaha ayaa xitaa marar badan ku hanjabay in duulimaadyada la joojin doono haddii dayactir la sameyn waayo Garoonka.