18/12/2025
Dil Argagax Leh: Shaqaale Bangi Oo Lagu Khaarijiyay Hanjabaad Guur Kaddib…..
Haweeney lagu magacaabi jiray Adaanech Kumsaa, oo ka shaqayn jirtay Bangiga Ganacsiga Itoobiya (Commercial Bank of Ethiopia), ayaa si arxan darro ah loo dilay 6-dii December 2018, sida uu BBC-da u xaqiijiyay Ku-xigeenka Taliyaha Booliiska Sandafa Bakkee, Nigatu Alamuu.
Nigatu Alamuu, oo ah madaxa Waaxda Baarista ee Saldhigga Booliiska Sandafa Bakkee, ayaa sheegay in falka dilka ah uu dhacay qiyaastii 3:00 galabnimo, isla markaana uu ka dhacay xaafadda Gomaaxaa ee magaalada Sandafa Bakkee.
“Dhibbanaha waxay ahayd shaqaale ka tirsan Bangiga Ganacsiga Itoobiya, laantiisa Alaltuu. Waxay ku noolayd magaaladeenna, dhacdaduna waxay dhacday 6-dii December, 3:00 galabnimo,” ayuu yiri Taliye Nigatu.
Il-wareed si dhow u yaqaanay Adaanech iyo qoyskeeda ayaa BBC-da u sheegay in haweeneydu ay h**ey qoyskeeda ugu sheegtay in ninka eedeysanaha ah uu marar badan ugu hanjabay goobteeda shaqo, isagoo ku qasbaya guur aysan dooneyn.
Eedeysanaha, oo lagu magacaabo Tsagaayee Asaalifoo, ayaa la sheegay inuu si joogto ah ugu hanjabi jiray Adaanech, isagoo ku oran jiray: “Waan ku guursanayaa.”
Faah Faahinta Warkaan ka aqriso Qaybta Coments ka