Galmudug Post

Galmudug Post Galmudug Hurdi mayso Hagarna yeeli mayso.

14/08/2025

DEG DEG: Dagaal u dhexeeya ciidamo gaar ah oo ah kuwa loo adeegsado in ay shacabka dhulalka ka barakiciyaan iyo isla shacabka oo is difaacaya ayaa ka socda Xaafadda Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho.

Waa nasiib darro aad u wayn Madaxweyne Xasan Sheekh uu adeegsado xeeladddi Argagixisada isagoo waqtiga salaadda subax weeraro ku ekeeya xaafadaha uu rabo in shacabka laga xaraashto.

31/07/2025

Xoogga Dalka Soomaaliyeed SNA 🇸🇴🫡

Dowladda Galmudug ayaa soo dhaweysay maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya. Maamulkaan ayaa dhidibada u aasaya midni...
30/07/2025

Dowladda Galmudug ayaa soo dhaweysay maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya.

Maamulkaan ayaa dhidibada u aasaya midnimada dalka iyadoo laga baaqsan doono isku dayadii maamulada Somaliland iyo Puntland ay ku sheegan jireen in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan saameyn ku yeelan karin ama xitaa tagi karin dhulka la isku dhihi kiray Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.

18/07/2025

Galmudug iyo Madaxtooyada oo caawa reer Xaaji Saleebaan kala xirteen.

17/07/2025

Labada maamul ee Somaliland iyo Puntland waxay ahaayeen kuwa midnimada Soomaaliyeed hortaagan oo Gobolada Waqooyi iyo Beri ka dhigay meel aan Calanka Soomaaliyeed laga ixtiraamin, balse maanta waxaa muuqata ififaalo midnimo iyo maamul ka soo dhashay halkii ubucdq u aheed labadaas maamul.

SSC-Maakhir markii la dhiso, Khariidadda Soomaaliya waxay noqona doonta mid ka raysata maamuladii sheegan jiray dhulka Sool iyo Sanaag iyagoo Khariiradaha ay soo jarjaraan ku darsan jiray.

17/07/2025

Cadaado boqolaal arday oo ka qalin jabiyay barashada tajwiidka iyo duruus diini ah

14/07/2025

Shalay iyo Maanta, waa farqiga u dhexeeya ninkaan dhalinyarada ah oo horay caan ugu ahaa balwadda balse maanta shaqeysta oo caruur leh.

14/07/2025

Ciidanka Taiwan , ayaa billaabay tababbar ay isugu diyaarinayaan dagaallada magaalooyinka, si ay ula qabsadaan haddii weerarro toos ah Shiinaha ku soo qaado gudaha magaalooyinka iyo habka ay ciidanka Taiwan, uga hortagi karaan inan laga qabsan kaabayaasha muhiimka ah sida tareennada, xarumaha gaadiidka iyo saldhigyada dadweynaha, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Iman Jama

14/07/2025

Galmudug shaqo ayaa ka socota.
Halkani waa Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb

13/07/2025

Shiinaha ayaa soo saaray markab shidaalka qaada oo adeegsanaya tiknoolajiyad uu ku soconayo dabaysha, halkii uu shidaal adeegsan lahaa, tallaabo la sheegay in lagu dhimayo qiiqa badan ee ay hawada ku sii daayaan maraakiibta. Wuxuu noqday Shiinaha dalkii u horreeyay ee markab noocan ah soo saaraya, waxaana dib loo tixraacay shiraacii ay qarniyadii h**e adeegsan jireen doomaha ganacsiga, markanse waxaa loo rogay tiknoolajiyad xawaare sare oo markabka uusan u baahnayn shidaal.

Iman Jamac

13/07/2025

Galmudug waxaa daga dad gob ah

Ninkaan oo mar sheegan jiray milkiilaha dowladda Xasan Sheekh ayaa bilowgii h**eba loo magacaabay Wasiirka Mataxtooyada....
12/07/2025

Ninkaan oo mar sheegan jiray milkiilaha dowladda Xasan Sheekh ayaa bilowgii h**eba loo magacaabay Wasiirka Mataxtooyada.

Cid uu wax taro iska dhaafe xilkiisii wuxuu uga tagay gabar la yiraa Hinda Culusow oo Protocolka Madaxwaynaha ka tirsan, iyadoo la wareegtay shaqadiisii Madaxtooyadan dhaqdhaqaaqiisiina soo koobtay.

Dhawaan waxaan helnay nuqul kamid ah buug ay ka qoreen dhalinyarada uu sida gaarka ah u matalo kaasoo ciwaan ay uga dhigeen "Siyaasi aan dad lahayn " oo ay ula jeedaan nin aan la tirsan isaguna aan dad haysan.

Buuggaas oo marka uu soo baxo aan cutub cutub idinkugu soo gudbin doono waxaad ku baran doontaan qofka uu yahay Abshir Maxamed Axmed, Abshir Bukhaari.

Address

London

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Galmudug Post posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Galmudug Post:

Share