Maal TV

Directions Contact the business

Maal TV Boggan Waxaad Ka Helaysaa Muuqaalo Maad & Madadaalo Iyo Documentary, Tayo Leh
� https://www.youtu

Halkan waxaad kala socon Doontaa insha alah Suugaan, Ruwaayado, Murti iyo Majaajilooyin iyo Decomentry si tayeysan loo Duubey

“waxa la koolkoolinanyas dad Qaranka dembiyo ka galay” Madaxwaynihii H**e ee JSL Muuse Biixi Cabdi. Waxaan halkan tacsi ...
05/06/2026

“waxa la koolkoolinanyas dad Qaranka dembiyo ka galay” Madaxwaynihii H**e ee JSL Muuse Biixi Cabdi.

Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoysaska, ehelada iyo dhammaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland geerida naxdinta leh ee ku timid labada muwaadin ee kala ah marxuumad Canab Cumar Jaamac iyo marxuum Maxamed Cumar Cilmi, kuwaas oo shalay ku geeriyooday mudaharaadkii ka dhacay magaalada Sheekh. Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaanna haka siiyo dhammaan eheladii, qaraabadii iyo guud ahaan qarankii ay ka baxeen. Sidoo kale, inta dhaawacyada iyo waxyeelladu ka soo gaadheen, Alle SWT caafimaad degdeg ah ha siiyo.

Dhimashadaasi waxay ku timid fudaydsi, haddii si waayeelnimo iyo masuuliyad leh marka h**e loo dhegaysan lahaa tabashooyinka bulshada waxaana fududaan lahaa maareynteeda. Dadku waxay ka gadoodeen Suldaan Axmed Qabile habkii loo qabtay, isaga oo dareenkiisa cabbiray isla markaana aan Qaranka wax dhibaato ah u geysan, iyadoo la koolkoolinanyo dad Qaranka dembiyo ka galay

Salaadiintu waa qayb ka mid ah bulshada, gefna way geli karaan, hase yeeshee waxaa waajib ah in la ilaaliyo karaamadooda, maqaamkooda iyo sharaftooda. Arrintani waa markii labaad ee ay soo noqoto, iyadoo loo maray hannaan sharciga baal marsan oo aan lagu horgayn maxkamad.

Waxaan ku talinayaa in arrimaha noocan oo kale ah ee soo noqnoqda lagu wajaho talo-wadaag, is-dhagaysi, wada-hadal iyo xalinta khilaafaadka ka hor inta aanay isu beddelin dhibaatooyin sababa dhimasho iyo dhaawac. Dalkuna maanta wuxuu leeyahay cadow badan, waxaana jira duruufo badan oo haysta shacabkeena. sidaas darteed waxaa la gudboon xukuumadda in dhacdooyinka noocan ah aanay u noqon fursad ay ka faa’iidaystaan cid kasta cadow u ah Qaranka.”

Muuse Wuxuu Sharciga xasuusta marka la xidho qof Habar-awal ah..."Hashii gawracna.mahadlayaa Muuse biixi waa qofkii ugu ...
05/06/2026

Muuse Wuxuu Sharciga xasuusta marka la xidho qof Habar-awal ah...

"Hashii gawracna.mahadlayaa
Muuse biixi waa qofkii ugu badnaa ee xidha madaxdhaqameed iyo saxafiyiin siyaasiyiin iyo xildhibaano leh xasaanad wuxuu cadaalada iyo sharciga xasuustaa marka la xidho qof habarawal ah waa madaxwaynihii laayey mudaharaadayaashii.ugu.badnaa weli
Wuxu aamini layahay in xilkii lagaqaaday oo uu yahay qof ah shicib.qabile yaa doortay xagee lagu caleemasaaray miyaanu ahayn qofkanyar.
ee media kacaytama ee shaqadiisu tahay inuu umada isku guubaabiya waxaab magac u yeeshay cida xidhay"

Boqor Buurmadow oo u jawaabay Muuse Biixi

05/06/2026

Isku Duubnimaa Dadkayagow" Fanaaniinta Qaranka

04/06/2026

Ismaciil H**e Buubaa AHUN Halgankii Xoraynta Dalka Qayb waynbuu ka soo Qaatey

MUQDISHO: Dagaalka Habeenimo & Cabsida Colaad Daba-dheeraata. Muqdisho (Maal Tv) - Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo bax...
03/06/2026

MUQDISHO: Dagaalka Habeenimo & Cabsida Colaad Daba-dheeraata.

Muqdisho (Maal Tv) - Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo bilaabmay gelinkii dambe ee Maanta, socdayna illaa Caawa.

Dagaalka, ayaa marka h**e ka dhacay Agagaarka hoyga uu Muqdisho ka deggan yahay Ra’iisul Wasaarihii h**e ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, iyadoo ay isku dhaceen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo taageersan mucaaradka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada dhinac ay isweydaarsadeen rasaas culus.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inay jiraan dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada khasaaraha ka dhashay iska horimaadka.

Dadweynaja ayaa la arkayay iyagoo ka barakacaya guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba in dagaalku sii fido xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa dowladda iyo mucaaradka.

Ra’iisul Wasaarihii h**e Xasan Cali Khayre ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay inay weerar ku soo qaadday xilli uu hoygiisa kula shirayay ugaaska iyo odayaasha dhaqanka beesha Murusade. Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in weerarku dhacay iyagoo isku diyaarinayay bannaanbax mucaaradku ku baaqeen inuu ka dhaco Muqdisho khamiista berri.

Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa cambaareeyay weerar uu sheegay in lagu qaaday Khayre, isagoo sheegay in uu dhacay xilli uu shir kula jiray Ugaaska beesha Murusade, Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde iyo waxgarad kale.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in weerarku uu qayb ka yahay, sida uu hadalka u dhigay, ficillo horseedi kara dhiig daata iyo qalalaase siyaasadeed. Waxa uu sidoo kale sheegay in dhacdadani ayna joojin doonin bannaanbaxyada ay mucaaradku qorsheynayaan, isagoo ciidamada ammaanka ugu baaqay inayna fulin amarro uu ku tilmaamay kuwo khaldan.

Laakiin, isla Caawa Ciidamada taabacsan Xasan Sheekh, ayaa dagaal la galay Maleeshiyaadka ku sugan guriga Sheekh Shariif.

Dagaalka dambe, ayaa ku fiday meelo badan oo Muqdisho ka mid ah, waxaana Muuqaallo la baahiyey muujinayaan rag saaran dabaqyada dhaadheer isla-markaana riday rasaas xoog leh.

Waxa jirta cabsi xooggan oo laga qabo in dagaalku dheeraado oo isku rogo dagaal sokeeye oo lagu riiqmo.

Dagaalka ayaa salka ku haya Madaxweyne Xasan Sheekh oo diiday inuu qabto doorashada Madaxweynaha, maaddaama oo uu muddo-xileedkiisu dhamaaday 15-ka bishii h**e ee May.

Xasan Sheekh, ayaa doonaya in doorshada laga dhigo mid qof iyo cod ah, laakiin Mucaaradka ayaa diiddan, iyagoo ku doodaya in aanay suurto-gal ahayn xilligan.

Arrintan ayaa waxa caddaynaya hadal uu Caawa Xasan Sheekh sheegay, kaasi oo uu ku caddeeyay inuu ciddii qori ku soo ridda qori ugu jawaabayo.

Dagaalka lagaga soo horjeedo Xasan Sheekh waxa hoggaaminaya Sheekh Shariif & Xasan Cali Khayre oo ay isku beel yihiin Xasan Sh. Maxamuud.

Halkan kala soco Wararka Xaaladda dagaalka Muqdisho.

Maal TV

Dareenka Ka Dhashay Hadhimo-sharafeeddii Suldaan Wabar Maanta Hargeysa Loogu SameeyayHargeysa (Maal Tv) - Suldaan Wabar ...
03/06/2026

Dareenka Ka Dhashay Hadhimo-sharafeeddii Suldaan Wabar Maanta Hargeysa Loogu Sameeyay

Hargeysa (Maal Tv) - Suldaan Wabar oo ka mid ah Madax-dhaqameedka waaweyn ee beesha Gobolka Awdal, ayaa Maanta Hargeysa lagu guddoonsiiyey gaadhi cusub oo ah nooca loo yaqaan (Hard Top) ee aadka qaaliga u ah.

Gaadhigan oo beesha Subeer Awal ee Somaliland ku maamuustay Suldaan Wabar, ayaa loogu xafladeeyay Magaalada Hargeysa.

Wareejinta gaadhiga oo ay barbar socotay hadhimo-sharafeed ay u dhamaayeen Madax-dhaqameedka wehelinayey Suldaan Wabar iyo madax-dhaqameedka Subeer Awal, ayaa waxa ka soo baxay Sawir qurux badan, kaasi oo tilmaan u noqon kara midnimada bulshada Somaliland.

Marka koowaad, Madax-dhaqameedka Subeer, ayaa halkaa ka sheegay inay gaadhigan ugu talo-galeen inay ku maamuusaan Suldaan Wabar oo dhawaan ka tanaasulay aragtida Midnimada Soomaaliya oo ay dhaqdhaqaaqeeda muddo dheer ka waday dibedda iyo gudaha gobolka Awdal, kana soo laabtay Magaalada Muqdisho, iyagoo tilmaamay in waxa Somaliland ku horumari kartaa tahay midnimada dadkeeda, taa iyagoo ilaalinayana ay hadhimo-sharafeedka u sameeyeen Suldaan Wabar, ka dibna gaadhiga ku wareejiyeen, taas oo macno ahaan loo fahmi karo inay ka maydhayaan fikirkii ku dambeeyay ee Midnimada Soomaaliya isla-markaana uu niyad ahaan u aamino dalkiisa Somaliland.

Dhanka kale, Madax-dhaqameedka gobolka Awdal oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa muujiyey siday ugu bislaadeen Aragtida Somaliland-nimo iyo siday ugu heelan yihiin ka shaqaynta midnimada bulshada.

Madax-dhaqameedka Awdal, waxay sheegeen oo kale in aanu jirin saami ka maqan reer Awal, balse hadalladooda Warbaahinta galay ee saamiga la xidhiidhaa salka ku hayaan in Reer Somaliland oo dhami helaan "Caddaalad", iyagoo tilmaamay in aanay sax ahayn in Beeluhu dhexdooda is-tuhmaan, balse ay sax tahay in beeluhu ka wada shaqeeyaan hagaajinta caddaaladda Somaliland.

Hadalka Madax-dhaqameedka Awdal, ayaa tusaale u noqday in shacabka reer Somaliland ee Awdal ku nooli jecel yihiin dalkooda, balse ay jiraan dad ka fidiya war shaki ku abuuri kara muwaadiniinta kale dalka.

Gebogabadii, Suldaan Wabar oo madasha ka hadlay, ayaa ballan-qaaday inuu ka shaqaynayo midnimada bulshada Somaliland.

Faallada Maal TV

Deg-deg: Madaxweyne Cirro Oo La Kulmay Taliyaha Sirdoonka Israel Shaqada Hay'adda MOSSAD Ee Gudaha Somaliland.Faahfaahin...
03/06/2026

Deg-deg: Madaxweyne Cirro Oo La Kulmay Taliyaha Sirdoonka Israel Shaqada Hay'adda MOSSAD Ee Gudaha Somaliland.

Faahfaahinta ka eeg Commant-ka koowaadn.

Siyaasiyiinta Muqdisho ku Dagaalameysaa Dhamaantood Mucaarid iyo Muxaafidba Way ka Siman Yihiin Canbaareynta iyo Nacdiir...
03/06/2026

Siyaasiyiinta Muqdisho ku Dagaalameysaa
Dhamaantood Mucaarid iyo Muxaafidba Way ka Siman Yihiin Canbaareynta iyo Nacdiiraynta Waxkastoo JsL usoo kordha

Sababtoo ah way siman yihiin naceybka somaliland oo wax usoo kordhaan laakiinse qorshahaba kuma darsadaan in JsL Noqoneyso meel aduunkoo dhan kulminaysa

Xaalada Magaalada Muqdisho waa Joodari La Carar iyo Kala Yaac
03/06/2026

Xaalada Magaalada Muqdisho waa Joodari
La Carar iyo Kala Yaac

03/06/2026

Way ka Fursan Wayday Xaalada Dagaal ee kasii Dareysa Muqdisho In Wariyeyaasha Ay Qaarna Qol dhexdii kasoo Waraman Qaarna iyagoo Beerka ujiifa ay soo Tabiyaan Xaalka ba,an ee magaalada muqdisho gashey ilaahey hakala qaboojiyee

Address

Flat 2, 75 Cecil Road
Hounslow
W38RS

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maal TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Maal TV:

Shortcuts

Share

Category