Wararka Somaliland

Wararka Somaliland Breaking Somali News and Information providers

15/08/2026

Danyartii Dhawaan laga Qaaday Dhulkooda Oo Cidlo lagu Daadiyey Iyo Hooyooyin ka hadlay !

15/08/2026

: Alle haw naxariistee Cisbitaalka Hargeysa waxa weli yaala maydka hooyo isku dhex daldashay

Kaalay intaad Israel kaashato xoog nagaga qaad.
12/07/2026

Kaalay intaad Israel kaashato xoog nagaga qaad.

Xog Fashilisay Musuq-maasuqa Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Oo Curyaamiyey Horumarka iyo Wax-soo-saarka Warbaahinta Q...
30/05/2026

Xog Fashilisay Musuq-maasuqa Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Oo Curyaamiyey Horumarka iyo Wax-soo-saarka Warbaahinta Qaranka

Musuq-maasuq muddo dheer ka jiray Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa si qoto dheer u saameeyey shaqadii, horumarkii iyo sumcaddii wasaaraddaas oo ka mid ah hay’adaha dowladda ee ugu shaqaalaha badna.. Dadka arrintan ka hadlay ayaa ku doodaya in musuq-maasuqu aanu ku koobnayn hal waax ama hal mashruuc, balse uu taabtay dhammaan dhinacyada muhiimka u ah wax-qabadka wasaaraddu qaranka u xil-saaran tahay.
Mid ka mid ah meelaha muuqda ee saamaynta musuqu aafeeyey ayaa ah dhinaca qalabaynta iyo casriyeynta warbaahinta qaranka. Waxa la tilmaamayaa in qof kasta oo goob war laga duubayo yimaadda uu si sahlan u dareemi karo farqiga u dhexeeya warbaahinta qaranka iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay ama xitaa warbaahinta cusub ee ku shaqaysa baraha bulshada.

Waxa la arkaa in wariyaha ka socda Telefishanka Qaranka Somaliland, oo ay ahayd inuu noqdo qofka ugu qalabka iyo farsamada horumarsan goobta, mararka qaarkood lagu arko isagoo wata hal kamarad oo keliya, taasina aanay mararka qaarkood xitaa agabkeedu aanu si buuxda u dhamaystirnayn. Halka Dhalinyarada warbaahinta ee ku shaqeeya Baraha bulshada ay haystaan qalab casri ah oo isugu jira kamarado muuqaal lagu duubo, kuwo sawirro lagu qaado, diyaaradaha Drone-ka loo yaqaan ee lagu duubo muuqaallada hawada sare, kombiyuutarro gacanta lagu qaato iyo adeegyo internet oo u sahla inay shaqadooda ku dhamaystiraan goobta ay joogaan.

Waxa la rumaysan yahay in xaaladdani ay ka dhalatay maamul-xumo iyo ku-takrifal dhaqaale oo muddo dheer soo jiitamayey, taas oo sababtay in miisaaniyaddii loogu talagalay horumarinta qalabka iyo tayeynta wax-soo-saarka aanay gaadhin halkii loogu talagalay.
Dhaliilaha kale ee jira ayaa tilmaamaya in caqabadaha ugu waaweyn ee wasaaraddu wajahdo aanay ku koobnayn qalab la’aan oo keliya, balse ay sidoo kale saameeyeen nolosha shaqaalaha iyo kor u qaadista aqoontooda. Sida la sheegay, miisaaniyadaha loogu talagalay tababarrada, wacyigelinta, kobcinta xirfadaha shaqaalaha, samaynta iyo horumarinta barnaamijyada, iyo dhiirrigelinta shaqaalaha ayaan si buuxda u gaadhin ujeeddooyinkii loo qorsheeyey.
Sida ay sheegayaan ilo ka tirsan wasaaradda, waxaa jira madaxyo maaliyadeed oo miisaaniyadooda loogu talagalay tayaynta shaqaalaha iyo wax-soo-saarka, balse aan si muuqata uga muuqan shaqada iyo adeegyada ay shaqaaluhu helaan. Eedeymahaasi waxay tilmaamayaan in dhaqaalahaasi inta badan ku ururo gacanta masuuliyiinta maamusha wasaaradda, halkii uu si toos ah ugu bixi lahaa horumarinta shaqaalaha iyo tayaynta adeegyada warbaahineed.

Dhanka kale, fanaaniinta qaranka ayaa iyaguna ka mid ah qaybaha sida weyn uga cabanaya xaaladda jirta. Waxaa lagu eedeeyey wasaaradda inay ku fashilantay daryeelka iyo taageerada fanaaniinta, kuwaas oo door muuqda ka qaatay xafladaha qaran, ololayaasha wacyigelinta iyo kor u qaadista qiyamka bulshada. Fanaaniinta ayaa la sheegay inay la daalaa dhacayaan qalab la’aan, xafiisyo la’aan iyo goobo ku habboon oo ay ku kaydsadaan agabkooda ama ugu diyaar garoobaan bandhigyada qaranka.

Xogaha aanu helayno ee la xidhiidha musuq-maasuqa ayaa sidoo kale xusaya in Idaacaddii weynayd ee Qaranka, oo ahayd laf-dhabarta warbaahinta dawladda, ay saamayn ku yeesheen dhibaatooyin la xidhiidha maamul-xumo iyo dayacaad. Sidoo kale, waxaa jira eedo la xidhiidha nidaamyada tamarta qoraxda ku shaqeeya ee ku dhexyaalla wasaaradda, kuwaas oo la sheegay in lagu bixiyo kharashaad joogto ah oo aan natiijadoodu si muuqata uga dhex muuqan adeegyada ay bixiso wasaaraddu.
Cabashooyinka ugu badan ee shaqaalaha ka imanaya ayaa ah qalab la’aanta joogtada ah ee haysata wariyayaasha iyo farsamayaqaannada. Sida la sheegay, marar badan shaqaaluhu waxay ku khasbanaadaan inay raadiyaan kamaradihii, tripod-yadii, kaadhadhkii memory cards) iyo makarafoonadii ay shaqada ku gudan lahaayeen, halka warbaahinta yaryar ee gaarka loo leeyahay ay haystaan qalab dhamaystiran oo u diyaarsan hawl maalmeedkooda.

Dadka falanqeeya xaaladda wasaaradda ayaa aaminsan in arrimahani ay sabab u noqdeen in Warbaahinta Qaranku ay ka hadho tartanka warbaahinta gaarka loo leeyahay, isla markaana ay lumiyaan fursado badan oo la xidhiidha casriyeynta, tayaynta wax-soo-saarka iyo kor u qaadista kalsoonida bulshada.
Iyadoo arrimahaas oo dhami jiraan, waxa lagama maarmaan ah in la sameeyo dib-u-eegis dhamaystiran oo dhinacyada maamulka iyo maaliyadda ah, si loo ogaado halka ay ku baxaan miisaaniyadaha loogu talagalay horumarinta wasaaradda, tayaynta shaqaalaha iyo qalabaynta warbaahinta qaranka. Waxa sidoo kale mudan in la xoojiyo isla-xisaabtanka, hufnaanta iyo la socodka mashaariicda lagu horumarinayo wasaaradda, si loo xaqiijiyo in dhaqaalaha qaranku gaadho ujeeddooyinkii loo qoondeeyey.

Ismaciil Faarax Maxamed
[email protected]

24/05/2026

Kuwaasaa Maanta Wax inoo Sheegaya Oo iska Oohinaya Oo Shacbigii Qaranimadu kuwaynayd ka Xigsanaaya...

Fadeexadaha iyo Eedaha Dul Hoganaya Taliyaha CID-da Somaliland Faysal Xiis....Hargeysa(Xogreebnews)-Taliyaha Laanta Damb...
24/05/2026

Fadeexadaha iyo Eedaha Dul Hoganaya Taliyaha CID-da Somaliland Faysal Xiis....
Hargeysa(Xogreebnews)-Taliyaha Laanta Dambi-baadhista CID-da Somaliland, Faysal Xiis, ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajahayay dhaliilo culus iyo eedo la xidhiidha maamulka hay’adda CID-da, kuwaas oo bulshada dhexdeeda si weyn looga hadal hayo.
Dad badan oo siyaasiyiin, bulshada rayidka ah iyo qaar kamid ah shacabka Somaliland ahi waxay ku eedeeyeen taliye Faysal inuu ku fashilmay ilaalinta sumcaddii iyo madaxbannaanidii hay’adda dambi-baadhista, isla markaana uu ka dhigay goob lagu fuliyo dano siyaasadeed iyo amarro ka yimaadda Madaxtooyada.
Eedaha La Xidhiidha Laalushka iyo Musuqmaasuqa
Taliye Faysal Xiis waxa si joogto ah loogu eedeeyaa inuu ku lug leeyahay qaadashada laaluush iyo adeegsi awood oo sharci-darro ah. Dadka dhaliila waxay sheegaan in dacwado badan lagu kala xukumo cidda awood ama dhaqaale leh, halkii caddaalad lagu maamuli lahaa.
Ganacsato iyo shacab kala duwan ayaa cabasho ka muujiyay in mararka qaar dadka eedaysanayaasha ah lagu sii daayo “xalal hoose” iyo lacag lagu kala qaato, taas oo dhaawac weyn ku noqotay kalsoonidii shacabka ee hay’adaha baadhista dambiyada.
Eedaha Qabyaaladda iyo Eexda
Sidoo kale, taliye Faysal Xiis ayaa lagu dhaliilaa inuu adeegsado qabyaalad iyo kala saar bulsho marka la fulinayo shaqooyinka CID-da. Dadka naqdiya waxay sheegaan in shaqooyin iyo fursado gaar ah lagu koobo dad uu xiriir gaar ahi ka dhexeeyo, halka qaar kale cadaadis iyo xadhig loogu geysto arrimo siyaasadeed ama beeleed.
Dhaliilahan ayaa sii kordhiyay doodda ku saabsan in hay’adaha ammaanka Somaliland ay u baahan yihiin dib-u-habayn iyo nidaam ka madax-bannaan saamayn siyaasadeed.
Taliye Hawlgab Dib Loo Soo Celiyay
Warbixinnada laga helayo gudaha ciidamada waxay tilmaamayaan in Faysal Xiis h**e shaqada looga fadhiisiyay xilligii taliye Dabagele, kadib markii lagu tilmaamay sarkaal gabow iyo hawlgab gaadhay. Si kastaba ha ahaatee, dib ayaa loogu soo celiyay xilka, arrintaas oo dhalisay su’aalo ku saabsan habka dib loogu magacaabay iyo cidda dabada ka riixaysay.
Dad badan ayaa aaminsan in soo laabashadiisu ku timid xidhiidh dhow oo uu la leeyahay Madaxtooyada iyo masuuliyiin sare oo xukuumadda kamid ah.
Eedaha Faragelinta Siyaasadda
Waxaa sidoo kale jira eedo sheegaya in taliye Faysal Xiis uu si toos ah uga amar qaato Madaxtooyada, taasoo keentay in CID-du mararka qaar noqoto hay’ad lagu cabburiyo dadka aragtida siyaasadeed ka duwan xukuumadda.
Suxufiyiin, dhalinyaro baraha bulshada wax ku qora iyo siyaasiyiin mucaarad ah ayaa marar kala duwan sheegay in loogu yeedhay xarumaha CID-da arrimo la xidhiidha fikirradooda siyaasadeed, halkii hay’addu xoogga saari lahayd la dagaallanka dambiyada culus.
Baahida Dib-u-habayn
Dhaliilaha isa soo taraya ee ku wajahan Taliyaha CID-da ayaa muujinaya baahida loo qabo dib-u-eegis lagu sameeyo hab-maamulka ciidamada dambi-baadhista Somaliland, si loo xaqiijiyo cadaalad, isla xisaabtan iyo in hay’adaha ammaanku ka madax-bannaanadaan dano siyaasadeed iyo kuwo shaqsiyeed.
Bulshada Somaliland ayaa weli sugaysa in hay’adaha sharci fulintu noqdaan kuwo si siman ugu adeegga shacabka, lagana ilaaliyo musuqmaasuq, qabyaalad iyo faragelin siyaasadeed.
la soco qaybaha dambe.

17/05/2026

Xujada Adag Ee Cabdiraxman Cirro Dulhogonaysaa Miyuu isbarixidoonaa Mise isagaaba Lug kuyeelandoona Oo Talaabo Maqaadidoono ?!

03/05/2026

“Maxkamadda sare ayaanu racfaan uga qaadanay dacwadii xisbiga Kulmiye “ Wasiir h**e Cabdinaasir Buuni

24/04/2026

Mayar Mooge Oo u samaystay wakiil hanti boobka Dhulka Dadka ka Soo jeeda deeganada waqooyiga iyo galbeedka caasimada kaasoo u wakiilanaya Agaasimaha waaxda Dhulka dawladda hoose ee Hargeysa ayna ka Soo wada jeedaan isku deegaan.

Markii la sameeyay mashruuca GIS ka ee Dawlada hoose isticmaasho si loo yareeyo muranka Dhulka iyo isku qabsiga ka dhasha , dhibaatooyin waaweyn ayay abuuri jirtey si meesha looga saaro ajalahii lagu goyn jirey isqabsi Dhul OO taasi waxay noqotay aragti meel martay OO lagu kala bedbaadey waxana bud dhigeeda lahaa mayorkii h**e ee caasimada mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco waxayna meesha ka saartey dilalkii joogtada ahaa dadku waxa ugu badane Dhibaato ka Soo gaadho ahaa.

Intaaba markii xal loo helay imika waxa bedalkii ku qabso ku qadimaysida ahaa kaalinteedii galay mayorkii caasimada cabdikariin Axmed mooge OO bilaabay nidaam casri ah OO uu dadka ku boobo dhulkooda isagoo u adeegsanaya Agaasimaha waaxda Dhulka ee dawlada hoose isaga OO istimaalaya magaciisa ayaa waxa uu sameeyay in meesha qiimaha yeelataba inuu yidhaahdo fayl ka samee magacaagu ku qoran yahay waxa ay tahay dhacdada layaabka noqotay.

Oday weyn OO muwaadin ah ayaa Dhulkii uu iibsadey 19 sano ka hor OO ah baloog uu is yidhi isagoo Raba inuu raaco nidaamka casriga ah dhulkaagi fayl cusub ku diiwaansan nidaamka casriga ee GIS u samee OO canshuuraha kugu waajibay u shub ayaa waxa markiiba damcay OO markii uu arkay Dhulka iyo qiimaha uu joogo fayl u samaystay isla Agaasimihii u adeegi lahaa muwaadin Dool Yuusuf Nuur ee Agaasimaha waaxda Dhulka ee dawlada hoose ee Hargeysa isagoo markiiba u samaystay fayl cusub OO magaciisu ku qoran yahay, markii samaystay agaasimihii faylka cusub waxa uu qaadey talaabadii labaad OO wuxuu cagaf galiyay OO ku baabiiyay seeskii lagu seesay 18 sano ka hor dhisme jiingad ah meesha ku taalayna waxa lagu burburiyay xoog iyo cudud Ciidan OO Dawli ah iyadoo uu adeegsanayo shaadhka iyo xilka uu umada u hayo ku damaaciyaya hantidii ay maalkooda ku iibsadeen isuguna darey xadhig,dil ,cabudhin awoodsheegasho dowladeed.
Miyaanay dulmi iyo tacadi ahayn hadii mayorkii caasimadu isagoo si xeeladaysan ila wareegaya hantidii Shacabka iyo dadka masaakiinta ah ee uu adeegayay isagu shaqadii boobaya isagoo u wakiishay Agaasimihiisa waaxda Dhulka ninka lagu magacaabo Axmed Jaamac Aaden ku qoraya faylka magaca Agaasimaha isagoo uuu u Soo wakiishay Mayor cabdikariin Axmed mooge.

Address

Isleworth

Telephone

+447448493698

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wararka Somaliland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share