11/08/2024
Cabsida dagaal ee bariga dhexe waxay I soo xasuusisay 2003 dagaalkii iraq ee lagu bur buriyay dowladii xooga badnayd ee iraq laguna dilay geesigii carbeed ee Saddam Hussein.
Iiraan hadii ay dagaalka israil gasho waxaa ii muuqata in maraykanka iyo xulugadiisu ku qaadidoonaan dagaal ay meesha uga saarayaan awooda iiraan ee bariga dhexe Israel na waxay u aragtaa in aysan bariga dhexe ku wada noolaan karin iran iyo israil fursada ay haysataana waa in uusan jirin wadan islaam ah oo u soo heelindoona iiraan halka dhamaan wadamada waawayn ee reer galbeedku sida wada jir ah u duqayn doonaan tahraan.
Hadii aan dib idiin celiyo 2003 Ciraaq duulaanka reer galbeedka waxaa ku kaalmaynayay Dalka kuweyd halka dagaalka iiraan qeybta ugu badan ay qaadan doonto wadanka Urdun labaduba waa dowlado carbeed oo ku faraxsan in ay garabsiiyaan maraykanka.
Dhanka kale Dagaalka iyo xasuuqa Qaza ka dhacaya ee boqolaalka kun dhimashada iyo dhaawaca ku noqdeen ma ahan in xamaas un lagula dirirayo ee wuxuu la midyahay oraahdii ahayd xashka usha ku dhufo waxa ku jira ha soo baxaane.
Iiraan waa dolada qura ee bariga dhexe ka jawaabtay dilaabada israil ku gumaadayso falastiin waana qatarta kaliya ee israiil culayska ku ah.
Wadamadii horay ula dagaalay israil ee taariikhda galay dhamaan waa la burburiyay k**ana mid ahan kuwa xiligaana saamaynta ku leh bariga dhexe.
Hadaba hadii iiraan dagaalkaan si toosa u gasho waxaan wal wal badan ka qabaa in aysan culays yar la kulmi doonin .
Wadamada Ruush, Shiinaha iyo north kuuriga waxba k**a duwana maraykanka iyo Ingiriiska waxayna raali ka yihiin in la yareeyo adooda bariga dhexe ee aan saaxiibka la ahayn israaiil .
Si kasta oo ay afka uga taageerayaan markii dagaalku bilowdo waxay ku ekaan doonaan cambaarayn iyo aquuqul insaan aan jirin oo warbaahinta laga baahiyo.
Maxay adiga kula tahay.