Hon. Deeq Abdiaziz Jidaal

Hon. Deeq Abdiaziz Jidaal Former Government Official | FGS Parliamentary Candidate | Senior Expert in Security Affairs & International Relations.

๐–๐š๐ฑ๐š๐š๐ง ๐Š๐š ๐๐ž๐ฒ๐› ๐†๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐…๐ฎ๐ซ๐ข๐ญ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š 79๐š๐š๐ ๐„๐ž ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐€๐๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š (WHA79) ๐„๐ž ๐†๐ž๐ง๐ž๐ฏ๐šWaxaa sharaf weyn ii ah inaan ...
18/05/2026

๐–๐š๐ฑ๐š๐š๐ง ๐Š๐š ๐๐ž๐ฒ๐› ๐†๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐…๐ฎ๐ซ๐ข๐ญ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š 79๐š๐š๐ ๐„๐ž ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐€๐๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š (WHA79) ๐„๐ž ๐†๐ž๐ง๐ž๐ฏ๐š

Waxaa sharaf weyn ii ah inaan maanta ka qeyb galo furitaanka Shirweynaha 79aad ee Caafimaadka Adduunka (WHA79) oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, gaar ahaan xarunta Qaramada Midoobay.

Waxaan ka mid ahaa wafdiga Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya H.E. Dr. Ali Haji Adam ee ka qeyb galaya shirkan caalamiga ah, kaas oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha caafimaadka adduunka, wasiirro, khubaro caafimaad iyo masuuliyiin ka kala timid dalal badan oo dunida ah si looga wada hadlo horumarinta iyo mustaqbalka adeegyada caafimaadka caalamka.

Shirweynaha sanadkan ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta nidaamyada caafimaadka, adeeg caafimaad oo loo siman yahay (Universal Health Coverage), u diyaar garowga cudurrada faafa, saameynta isbeddelka cimilada ee caafimaadka, horumarinta adeegyada caafimaadka dhijitaalka ah iyo sidii loo heli lahaa maalgelin waarta oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka bulshada.

Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Xoghayaha Safaaradda Soomaaliya ee Switzerland Mudane Mohamed Camolow iyo wufuud kale oo heer caalami ah.

Ka qeybgalka shirkan wuxuu muhiim u yahay xoojinta wada shaqeynta caalamiga ah iyo in Soomaaliya ay qeyb muuqata ka noqoto doodaha iyo goโ€™aannada la xiriira horumarinta caafimaadka bulshada adduunka.



Hon. Deeq Abdiaziz Jidaal

Waxaan Hambalyo Udirayaa  Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade,Ugaaska Guud ee Beesha Murursa...
25/04/2026

Waxaan Hambalyo Udirayaa Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade,
Ugaaska Guud ee Beesha Murursade, oo maanta lagu caleema saaray Magaalada Muqdisho.

Allaha u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday, Alana Haka Dhigo Mid Beesha Ku Hogaamiya caddaalad, midnimo, iyo horumar, Allaha ku garab galo gudashada waajibaadkaas, kana dhigo mid bulshada u horseeda nabad iyo wanaag.

Hon. Deeq Abdiaziz Jidaal

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUNWaxaa si murugo leh loo xaqiijiyey geerida Gen. Yacquub Maxamed Siyaad oo ku gee...
04/04/2026

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Waxaa si murugo leh loo xaqiijiyey geerida Gen. Yacquub Maxamed Siyaad oo ku geeriyooday dalka Kenya.

Alle ha u naxariisto marxuumka, hana ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, qabrigiisana ha u waasiciyo, hana u nuuro.

Waxaan tacsi qaran u diraynaa qoyskii, eheladii, asxaabtii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Si gaar ah waxaan ugu tacsiyeynayaa walaal Yacquub Siyaad, anigoo la wadaagaya murugada iyo xanuunka geerida marxuumka. Alle ha idinka siiyo samir iyo iimaan, hana idin badalo mid ka kheyr badan.

Geeridu waa xaq, samir iyo iimaan Eebbe ha innaga wada siiyo.

Ilaahay ha ka dhigo kuwa Janadiisa ugu sarreysa ku negaada, innagana gadaashiis ha inagu fidneyn.

Aamiin.

Waxaan si adag u cambaareynayaa afduubka foosha xun ee lagula kacay ganacsade ๐˜พ๐™–๐™—๐™™๐™ž ๐˜พ๐™–๐™ฎ๐™™๐™ž๐™ž๐™™ ee ka dhacay magaalada Nairo...
08/03/2026

Waxaan si adag u cambaareynayaa afduubka foosha xun ee lagula kacay ganacsade ๐˜พ๐™–๐™—๐™™๐™ž ๐˜พ๐™–๐™ฎ๐™™๐™ž๐™ž๐™™ ee ka dhacay magaalada Nairobi. Falalka noocan oo kale ah waa kuwo ka soo horjeeda sharciga, amniga bulshada, iyo qiyamka baniโ€™aadantinimada.

Waxaan ugu baaqayaa hayโ€™adaha ammaanka ee Kenya in ay si degdeg ah u baaraan dhacdadan isla markaana ay xaqiijiyaan badbaadada ganacsadaha la afduubtay. Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo iyo taageero si loo joojiyo falalka noocan ah ee wax u dhimaya amniga iyo kalsoonida bulshada.

Afduubku ma aha xal, waana fal dambiyeed si buuxda loo cambaareynayo.

Hon. Deeq Abdiaziz Jidaal

Maanta waxaan kulan gaar ah la yeeshay Team SEDRA ( Somali Emergency and Disaster Rescue Association ), halkaas oo aan k...
05/03/2026

Maanta waxaan kulan gaar ah la yeeshay Team SEDRA ( Somali Emergency and Disaster Rescue Association ), halkaas oo aan ka arkay waxqabadkooda bulshada u hayaan, oo ay ka mid yihiin gurmad degdeg ah marka ay dhacaan musiibooyinka, taageero qoysaska iyo dadka nugul sida caafimaad, cunto iyo hoy, wacyigelin iyo tababar ku saabsan badbaadada iyo ka hortagga masiibooyinka, iyo iskaashi joogto ah oo lala yeesho hayโ€™adaha kale si loo xoojiyo adeegyada gurmadka, waxaana ku ammaanayaa dadaalkooda joogtada ah iyo sida qalbi furan ay bulshada ugu adeegayaan.

Hon. Deeq Abdiaziz Jidaal

BismillaahWaxaan maanta hoyga Muqdisho ka dagan yahay ku booqanay Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas...
02/03/2026

Bismillaah

Waxaan maanta hoyga Muqdisho ka dagan yahay ku booqanay Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade. Booqashada waxaa igu wehlinayey Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Recep Tayyip ErdoฤŸan (Ex-Digfeer), Mudane Maxamed Xuseen Ashraf, waxaana kulanka lagu muujiyey salaan, duco iyo xushmad.

Ugaasku wuxuu Alle uga baryay kheyr iyo barwaaqo, howlahayagana u sahlo. Waxaan sidoo kale bogaadinay doorka uu Ugaasku ku leeyahay mideynta iyo horumarinta bulshada.

โ€” DHAMMAAD โ€”

Address

Ruhtalstrasse Winterthur
London
8400

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hon. Deeq Abdiaziz Jidaal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hon. Deeq Abdiaziz Jidaal:

Shortcuts

Share