Abdulaziz I. Farah

Abdulaziz I. Farah Waxaan idin la wadaagi doona maqaallo ku saabsan Sales, Marketing, Small business Development ku baxaaya Af Soomaali. Nagu taageer Follow | Like | Comment.

🌟 Lixda tiir ee cilmiga sida uu sheegay Imaam Al-Shaafici.📚 Maadaama cilmigu uusan ku imaan rajo iyo rabitaan keliya, Im...
22/10/2025

🌟 Lixda tiir ee cilmiga sida uu sheegay Imaam Al-Shaafici.

📚 Maadaama cilmigu uusan ku imaan rajo iyo rabitaan keliya, Imaam Al-Shaafici ayaa ina tusaya jidkiisa saxda ah ee loo maro:

Walaalkayow, cilmiga ma gaari kartid haddii aadan lahayn lix tilmaamood.
Haddii aan kuu faahfaahiyo, waa sidan:
Caqli iyo dadaal, rabitaan iyo waxbarasho joogto ah,
La-jirka macallin wanaagsan, iyo dulqaad muddo dheer.

🔹 Caqliga: wuxuu ku siiya awoodda xifdinta iyo fahamka.
🔹 Rabitaanka: inaad mar walba raadiso aqoon, akhriso buuggaag, oo aad ilaaliso waqtiga.
🔹 Dadaalka: in aadan daalin, kana caajisin, ku celiso waxa aad barato ilaa aad si fiican u fahanto.
🔹 Wax kugu filan (xoolo): si aad uga madax bannaan tahay dhibaato dhaqaale oo kaa waxbarashada mashquulin lahayd.
🔹 La-jirka macallin: waa kan kusoo gaabsho jidka, kaa saaro qaladaadka iyo caqabadaha.
🔹 Dulqaadka muddo waqti dheer: qofka degdega wax badan ma baran doono.

🌿 Haddii aad rabtaan inaan mid mid kugu faahfaahiyo lixdan qodob ee cilmiga ah qoraallada soo socda,
noogu soo qor faallooyinka.

Xayeysiimaha ugu Fiican ee Baraha Bulshada Maaha Kuwa Qaaliga ah ee Waa Kuwa Xirfadeysan! Ganacsiyo badan oo Soomaaliyee...
21/10/2025

Xayeysiimaha ugu Fiican ee Baraha Bulshada Maaha Kuwa Qaaliga ah ee Waa Kuwa Xirfadeysan!

Ganacsiyo badan oo Soomaaliyeed ayaa lacago badan ku khasaarinaya xayeysiimo Facebook iyo TikTok ah oo si fiican loo qurxiyey balse aan wax iibinaynin.
Halkan waxaa kugula wadaagaya talooyin dhab ah oo laga bartay waayo-aragnimo dhanka xayeysiinta baraha bulshada.

1. Sheeko wax ku iibi, ha ku qaylinin hal-ku-dhegyo

Ha oran “Iibso hadda!” — dadkaas way ka daaleen.
Taas beddelkeeda, muuji sababta badeecadaadu muhiim u tahay. Dadku waxay rumaystaan sheeko dhab ah, ma ma rumeystan hal-ku-dhegyo qurxoon.

2. Beegso dad sax ah – ha la hadlin qof walba

Haddii aad iibinayso cadar dumar ah oo Muqdisho ku yaal, ha tusin ragga jooga Hargeysa.
Facebook wuxuu kuu ogolaanayaa inaad beegsato magaalo, da’ gooni ah, jinsiga, iyo dadka xiiseynaaya.

3. 3-da ilbiriqsi ee ugu horreeya ayaa go’aamiya guushaada

Dadku si degdeg ah ayey u rogaan shaashadda. Haddii 3-da ilbiriqsi ee ugu horreeya aysan xiiso ku abuurin way dhaafayan.

4. Caddeyn muuji

Dadku ma rumaystaan kaliyah “annagaa ugu fiican” waxay rumaystaan natiijooyin iyo caddayn bulsho oo dhab ah.

5. Ha malaynin tijaabi

Ha u qaadanin inaad ogtahay waxa dadku rabaan samee laba xayeysiis oo kala duwan adigoo isticmaalaya miisaaniyad yar.
Kadib eeg midda natiijo fiican keenta, markaas miisaaniyadda kordhi.

Gunaanad:

Xayeysiisyada wanaagsan maaha kuwa ugu quruxda badan — waa kuwa dadka dhabta ah joojiya, dareensiiya, oo ficil ka dhigta.
Noqo mid cad, maxalli ah, oo la xiriira bulshadaada.

29/09/2025

Hebel cagahiisu ku baxsaday hadad maqasho waa sidan oo kale. Ninkaan magangalyo doon ah ayaa lugahiisa uga baxsaday ciidankan ICE ee xira dadka aan sharciga ku joogin dalka Mareekan.

Suuqgeynta iyo xiriirka bulshada  waa hal abuur iyo inaad qabsato dareenka macamiilka ama daawadaha. Laba shirkaddood oo...
27/09/2025

Suuqgeynta iyo xiriirka bulshada waa hal abuur iyo inaad qabsato dareenka macamiilka ama daawadaha. Laba shirkaddood oo muqdisho ku yaala ayaa ogeysiis sameeyay midna sidii caadiga aheyd oo qof kaamirada soo hor istaagayay ayay sameeyen midna trending maalmahaan socday ayay si farshaxan leh kusoo gudbiyeen.

Farqiga waa hal abuurka iyo soo jiidashada indhaha macaamiisha

Caqli badnidaada haddii aysan la socon anshax iyo is xakameyn waxba kusoo kordhin meyso waan caqli badanahay, maxaa yeel...
23/09/2025

Caqli badnidaada haddii aysan la socon anshax iyo is xakameyn waxba kusoo kordhin meyso waan caqli badanahay, maxaa yeelay waxaa kugu adkaan doonta inaad diirada saarto hal shaqo ilaa aad ka miro dhaliso.

Markey dad ogaadan inaad daacad tahay.
19/09/2025

Markey dad ogaadan inaad daacad tahay.

Maamulka Dhaqaalaha waa sida Kubadda Cagta.Koox ma guulaysato haddii ay leedahay weerar aysan lahayn difaac, ama difaac ...
18/09/2025

Maamulka Dhaqaalaha waa sida Kubadda Cagta.

Koox ma guulaysato haddii ay leedahay weerar aysan lahayn difaac, ama difaac aan lahayn weerar. Labada waa lagama maarmaan.

Weerarkaagu waa dakhliga aad kasbato.
Difaacaagu waa sida aad u kharash garayso.

Haddii aad si fiican u lacag kusoo gasho laakiin si xun u kharash garayso – waad qasaaraysaa.
Haddii aad lacag keydsato laakiin aanad kordhin dakhligaaga waad jabeysaa.

Marka xaaladdu adkaato, xusuusnow: Difaaca ugu fiican waa inaad weerar sameyso.
Maciishada oo kor u kacaysa? Ha ku ekaan yareynta kharashaad oo keliya raadi hab aad dakhli cusub ku abuurto.

→ Wax iibi (Ganacsi furo).
→ Xirfaddaada lacag ka samee.
→ Qof kale la kaashato.
→ Isku day marar badan.

Miisaaniyad iyo keydsasho waa muhiim. Laakiin mar bay noqotaa in guusha kaliya lagu gaari karo dakhli dheeraad ah.
Koox ma guulaysato haddii ay 90ka daqiiqo oo dhan difaac ku jirto – ugu dambeyn waa inaad weerarto ama waad guuldareysan.

Su’aasha hadaba: Weerarkaaga iyo difaacaaga dhaqaale sidee bay u egyihiin?

10 Youtube channel oo aad wax badan ka faado doonto.
16/09/2025

10 Youtube channel oo aad wax badan ka faado doonto.

3 Legend oo kubada cagta caan ka ah waaye isku day inay magacyadooda sheegto iyo kooxaha ay usoo ciyaareen?.
16/09/2025

3 Legend oo kubada cagta caan ka ah waaye isku day inay magacyadooda sheegto iyo kooxaha ay usoo ciyaareen?.

14/09/2025

Maxaa la dhahaa Suuqeynta dadka saameynta leh ama influencer Marketing, sidee ayuu ganacsigu uga faaideysan karaa.

10/09/2025

Waa maxay farqiga u dhaxeeya qof shaqo abuurtay (Self Employed) iyo ganacsade (Entreprenuer).

Sheekada Tallaabooyinka Yaryar ee Wax Walba BeddelaMaanta, wuu riixayaa dhagax aad u culus. Way dhib badan yahay, socodk...
10/09/2025

Sheekada Tallaabooyinka Yaryar ee Wax Walba Beddela

Maanta, wuu riixayaa dhagax aad u culus. Way dhib badan yahay, socodku waa gaabis, tallaabo kastana waxaad dareemaysaa culays. Inta badan dadka halkan ayay ku haraan.

Laakiin isagu wuu soo noqdaa berri.
Iyo maalin kale.
Iyo maalin kale.

Toddobaad gudihiis, dhagaxii culusa wuxuu isu beddelay garaangar. Safarku wuxuu noqday mid fudud.

Bilo kadib, wuxuu ku socdaa baaskiil, wuxuu dhaqaaqaya si ka dhakhso badan sidii uusan waligiis fileynin.

Sanad kadib? Ma socdo oo keliya wuu duulaya.

Tani waa awoodda joogtaynta.
Ma aha oo kaliya inay natiijooyinkaaga beddesho waxa ay beddeshaa naftaada.

Joogtayntu waa furaha guusha.
Qoraal kasta, jimicsi kasta, bog kasta oo aad akhrido, xirfad kasta oo aad barato waa abuurka naftaada mustaqbalka.

Ka bilow halka aad joogto. Maalin kasta joogte. Indhahaaga ku arag nolol duulaysa.

Address

200A Gold Hawk Road, Shepherd’s Bush
London
W129NT

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdulaziz I. Farah posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdulaziz I. Farah:

Share