05/07/2026
Waxa loo yaqaan "Maskaxda TikTok" waa arrin dhab ah, waxaana si tartiib tartiib ah u luminay awooddii aan ugu fikiri lahayn si qoto dheer.
Waxaan ku nool nahay xilli dareenka dadka uu socdo wax aan ka badnayn 10 ilbiriqsi.
Haddii muuqaalka uusan saddexda ilbiriqsi ee ugu horreeya noqon mid qosol leh, buuq badan laheyn ama dood dhalineyn, isla markiiba waad dhaaftaa.
Hambalyo, waxaad yeelatay waxa loo yaqaan Maskaxda TikTok.
Maskaxda TikTok ma aha dhibaatada barnaamijka laftiisa, ee waa saameynta uu innagu reebay.
Ma awoodno inaan daawanno cashar soconaya 5 daqiiqo.
Ma awoodno inaan akhrinno maqaal dhan.
Ma awoodno inaan dhageysanno podcast dheer.
Laakiin laba saacadood ayaan si aan kala go' lahayn u rogrognaa muuqaallada, annagoo leh, "waxaan ogaanaya wixii cusub."
Waxaan ka doorannay feejignaantii iyo diirad saarustii farxadda degdegga ah ee maskaxdu raadiso.
Malmahaan dambe si qoto dheer uma fikirno; waxa keliya ee aan samayno waa falcelin.
Wax ma daraasayno; si dulmar ah oo degdeg ah ayaan wax u eegnaa.
Wax ma baranno; waxa keliya ee aan samayno waa inaan si joogto ah u daawanno ama u akhrinno waxyaabo aan si dhab ah uga faa'iido noo laheyn.
Taasina waa arrin khatar ah.
Sababtoo ah fikrad kasta oo weyn, ganacsi kasta oo guulaysta, ama hal-abuur kasta oo wax beddelay, wuxuu ka dhashay shaqo qoto dheer iyo feejignaan joogto ah, ee k**a dhalan mashquul iyo rogrogidda aan dhammaadka lahayn.
Dadka guulaysan doona jiilkan lagu jiro ma noqon doonaan kuwa ugu qosolka badan ama kuwa ugu badan ee isbeddellada raaca.
Waxay noqon doonaan kuwa awooda inay meel fadhiistaan, hal shey diiradda saaraan, oo dhammeeyaan waxa ay bilaabaan.
Isku day inaad akhriso buug dhameystiran.
Daawo documentary daqiiqo badan socda adigoo is dhaafin.
Wax qor adigoon taleefankaaga ilbiriqsi kasta fiirineyn.
Bilowga way kugu adkaan doontaa, waayo maskaxdaadu waxay la qabsatay farxadda degdegga ah.
Maskaxdaadu waxay doonaysaa daqiiqad kast farxad degdeg ah, laakiin waxa ay dhab ahaantii u baahan tahay waa is-edbin.
Looma baahna inaad iska tirtirto TikTok, balse waxa loo baahan yahay inaad maskaxdaada siiso nasasho oo aadna dib ugu tababarto diirad saarista.
Isku dheelli tir waxyaabaha gaagaaban ee degdegga ee aad daawato iyo kuwa dheer ee aqoonta leh.
Isla taleefanka ku mashquulinaya u isticmaal inaad isku horumariso.
Sababtoo ah algoritamku dhibka maahan.
Wuxuu keliya uu quudinayaa meelaha aad ka jilicsan tahay.
Haddii aadan dib ula wareegin xak**aynta maskaxdaada, noloshaada inteeda badan waxaad ku bixin doontaa madadaalo,
laakiin ma gaadhi doontid faham iyo aqoon qoto dheer. 📵