
26/07/2025
DEGDEG🚨Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa carrabka ku adkeeyay "baahida loo qabo in laga fogaado rabshadaha soo noqnoqda" ee Suuriya. Kadib wada hadal uu la yeeshay madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharaa, waxa uu ku baaqay in maxkamad la soo taago kuwii ka dambeeyay rabshadihii ka dhacay dalkaasi maalmihii la soo dhaafay.
Qoraal uu soo dhigay barta X, ayuu Macron ku yiri, "Rabshadaha dhawaan ka dhacay Suuriya waxay ka tarjumaysaa jilicsanaanta xad dhaafka ah ee geeddi-socodka ,kala-guurka. Dadka rayidka ah waa in la ilaaliyo." Waxa uu ku baaqay "wadahadal degan si loo gaaro yoolka midaynta Suuriya iyadoo la ixtiraamayo xuquuqda muwaadiniinta oo dhan."