Hanoolaato

Hanoolaato Hanoolaato Media Network. hanoolaato.com
(3)

Madaxweyne Putin.. Dalkayagu waa Quwada ugu wayn ee Hubka Nukliyeerka Ciidamada Qarankeena Ruushka  Gaar ahaan Kuwa sida...
26/10/2025

Madaxweyne Putin.. Dalkayagu waa Quwada ugu wayn ee Hubka Nukliyeerka
Ciidamada Qarankeena Ruushka Gaar ahaan Kuwa sida gaarka uga masuulka ahi Hubka Nukliyeerkana Waxay Maanta kujiraan Heegan sare Waxayna Isha ku Hayaan Dhaqdhaqaaq kasta oo Cadawgeena samaynayo...

Ra'iisul Wasaaraha  Dalka Thailand Anutin Charnvirakul iyo Dhighiisa Dalka  Cambodia Hun Manet ayaa wada saxiixday "hesh...
26/10/2025

Ra'iisul Wasaaraha Dalka Thailand Anutin Charnvirakul iyo Dhighiisa Dalka Cambodia Hun Manet ayaa wada saxiixday "heshiis nabadeed" oo wadajir ah, Heshiiskaa oo ay Damaanad Qaadeen Fulintiisa iyo Kormeerkiisaba Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Iyo Raiisul Wazaaraha Dalka Malaysia Anwar Ibrahim .

FG.. Bishii Luulyo ee Sanadkaan , dagaalkii dhex maray Dalalka Thailand iyo Cambodia ee ka dhashay Muran Xaga Xadka Labada Dal ay Wadaagaan wuxuu ku dhammaaday "xabad joojin deg deg ah oo shuruud la'aan ah" ka dib maalmo Dagaal Qadhaadh ah..

Waaxda canshuuraha Faransiiska ayaa laga helay magaca xaaska Madaxweynaha Faransiiska oo lagu diiwaangeliyay inay tahay ...
25/10/2025

Waaxda canshuuraha Faransiiska ayaa laga helay magaca xaaska Madaxweynaha Faransiiska oo lagu diiwaangeliyay inay tahay nin, waxaana la adeegsaday magaca Jean Michel , halkii uu ka ahaan lahaa magac haweenay oo ah Brigitte Macron.

Dhacdadan ayaa argagax ka dhalisay qasriga madaxtooyadda Faransiiska ee Elysée, halka ay warbaahinta Faransiiska ku warrantay in Macron uu galay xaalad dhul-gariir ah, wuxuuna isla markiiba amar ku bixiyay in baaritaan rasmi ah la furo si loo ogaado sababta magaca nin loogu qoray xaaskiisa mareeg dawladeed oo rasmi ah.

Dhankeeda, Brigitte Macron ayaa dacwad ka gudbisay waaxda canshuuraha, iyadoo sheegtay in ay isbeddel ku sameeyeen magaceeda si ay u abuuraan buuq iyo shakiyo la xiriira jinsigeeda.

Xigasho Wariye Iman Jama

Ruushka ayaa Qayb kamid ah maraakiibtiisa  quusa  ee gujiska loo Yaqaan Misana  xambaara Hubka wax Gumaada ee  Nukliyeer...
25/10/2025

Ruushka ayaa Qayb kamid ah maraakiibtiisa quusa ee gujiska loo Yaqaan Misana xambaara Hubka wax Gumaada ee Nukliyeerka geeyay Masaafo aan ka fogayn xeebaha Boqortooyada Ingiriiska , tallaabadaan Ayaana Walaac ku abuurtay Ingiriiska Oo ah mid kamid ah Dalalka sida aadka ah uga Soo Horjeeda Faragalinta Ruushka ee Dalka Ukraine .

Wasiirka difaaca Ingiriiska , John Healey ayaa ku dhawaaqay inuu Dalkiisa Galay Xaalad Uusan Indhaha uun Ka daaawan Doonin Ficilada Gurracan ee Moscow , wuxuuna digniin adag Si toos ah Ugu diray madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin,

“ Waad na tijaabinaysa balse waad na arki doontaa Awood ahaan waxaan ugaadhsan doonaa maraakiibtaada Ugu Danbayna Adigu iyo ciidamadaaduba way Jabi doonaan ” ayuu yidhi Waziir John Healey .

Madaxweynaha Dalka Venezuela Nicolás Maduro ayaa yidhi: Waxaan haysanaa 5,000 oo gantaal oo difaaca hawada ah si aan u h...
25/10/2025

Madaxweynaha Dalka Venezuela Nicolás Maduro ayaa yidhi: Waxaan haysanaa 5,000 oo gantaal oo difaaca hawada ah si aan u hubinno nabadda, xasilloonida iyo deggenaanshaha shacabkayaga Qaaliga ah ee Reer Venezuela. Xitaa waa ka badan yihiin 5,000 Tirada aynu Haysano… kii fahma, wuu fahmay. Ayuu raaciyay Hadalkiisa xili uu ka digayay Cawaaqib Xumada Ka dhalan doonta faragalinta la filaayo Inuu Dalkiisa Kala Kulmo maraykanka,

21/10/2025

Soomaalidu waxay dastuur u codeeyeen sanad kadib xornimadi dalka 1961 I Xusuusta 21 October

Wallee Erdogan waa tagay ! Diyaaradda dagaalka ee cusub ee loo yaqaan “KAAN” ayaa rumeeyey riyo qarni ka badan soo jirta...
19/10/2025

Wallee Erdogan waa tagay ! Diyaaradda dagaalka ee cusub ee loo yaqaan “KAAN” ayaa rumeeyey riyo qarni ka badan soo jirtay, taasoo dib noo xusuusinaysa halyeeyadii duuliyayaashii Cusmaaniyiinta ee lagu aasay qubuuraha Salaahudiin Al-Ayuubi ee Dimishiq. Saddex duuliye oo kala ahaa, Saadiq Bey, Fathi Bey, iyo Nuri Bey, ayaa sanadkii 1914 sameeyey duulimaad taariikhi ah oo ujeedkiisu ahaa kor u qaadidda niyadda ciidanka, balse nasiib darro waxay ku geeriyoodeen shil diyaaradeed intii ay marayeen Buuraha Golan Heights iyo xeebaha Yafa. Waxa lagu aasay meel u dhow Qabriga Hoggaamiyihii weynaa Salaahudiin Al-Ayuubi, si ay u sii ahaadaan astaanta xornimo ee hawada iyo awoodda ciidan ee Muslimiinta.

Tan iyo xilligiias, Turkiga wuxuu ku dadaalay inuu dhiso ciidan-cir oo ku qalabaysan diyaarado casri ah. Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ayaa markii h**e dhistay dugsiyo lagu barto duulista iyo warshado diyaaradeed, balse dagaalladii dunida iyo cadaadisyadii siyaasadeed ayaa hakiyay horumarkaas. Jamhuuriyadda Turkiga ee cusub ayaa sii wadday dadaalladi lagu rumaynayay riyadaas, iyadoo sanadkii 1925 aasaastay Ururka Diyaaradaha Turkiga, waxaana la dhisay warshaddii diyaaradaha ee Kayseri oo soo saartay in ka badan 200 diyaaradood. Madaxwaynaha Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka hadlay horumarka militariga Turkiga kulankii uu la yeeshay Donald Trump, diyaaradda “KAAN” ayaana noqotay calaamad u taagan in Turkigu dib u hantay riyadii duuliyayaashii lagu dhinac aasaySalaahudiin Al-Ayuubi.

WQ . abdishakur Mohamed

19/10/2025

Dadweyne aad u fara badan ayaa ka qeyb qaatay mudaaharaadyada “Maya Boqorro” oo looga soo horjeedo siyaasadaha Madaxweyne Donald Trump ee ka dhacay magaalooyinka Mareykanka, sida New York, Washington DC, Chicago, Miami iyo Los Angeles.

Kumannaan kun ayaa soo buux dhaafiyay fagaaraha caanka ah ee Times Square ee magaalada New York iyo waddooyinka hareeraheeda, iyadoo dadku ay siteen boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ay ka mid yihiin "Dimuqraadiyad ma aha Boqortooyada" iyo "Dastuurku maaha mid ikhtiyaari ah".

Kahor mudaaharaadyada, xulafada Trump waxay ku eedeeyeen mudaaharaadayaasha inay xiriir la leeyihiin dhaqdhaqaaqa bidix ee Antifa, waxayna cambaareeyeen waxa ay ugu yeereen " isu soo baxa nacaybka Mareykanka".

Dhowr gobol oo Maraykan ah ayaa abaabulay Ilaalada Qaranka. Laakiin qabanqaabiyeyaasha ayaa sheegay in dibadbaxa, oo ay ka soo qayb galeen ku dhawaad ​​toddobo milyan oo qof, ay ahaayeen kuwo nabad ah.

BBC Somali

Taliyaha guud ee Ciidamada Pakistan oo si toosa ugu digay Hindiya ayaa ugu hanjabay in Pakistan ay bixin doonto jawaab d...
19/10/2025

Taliyaha guud ee Ciidamada Pakistan oo si toosa ugu digay Hindiya ayaa ugu hanjabay in Pakistan ay bixin doonto jawaab daran hadii talaabo yar oo khalad ah ay ka timaado Hindiya.

General Caasim Muniir wuxuu sheegay in hadalada Hindiya ay marnaba cabsi galin karin Pakistan Isla markaana daandaansi kasta ay ka bixin doonaan jawaab aan laga fileyn.

Waa hanjabadii labaad ee Taliyaha ciidanka Pakistan uu u diro Hindiya tan iyo wixii ka danbeeyay dagaalkii afarta maalmood ee dhexmaray labada wadan bishii May, bil kahor wuxuu ugu hanjabay hadii Hindiya ay isku daydo iney biyo xidheen ka dhisto wabiga Indus inuu ku dhufan doono toban gantaal.

Xigasho Voss Tv

Dalalka Pakistan iyo Afgaanistaan ayaa Magaalada  Dooxa Ee Dalka Qatar ku gaadhay heshiis Taariikhi ah oo lagu Soo afjar...
19/10/2025

Dalalka Pakistan iyo Afgaanistaan ayaa Magaalada Dooxa Ee Dalka Qatar ku gaadhay heshiis Taariikhi ah oo lagu Soo afjarayo dagaalladii toddobaadyadii u dambeeyay labada dal ku dhex maray Xadka ay Labada Dal Wadaagaan.
Waxaa Xusid Mudan in heshiiskaan lagu joojiyay dagaalka ay dhex dhexaadiyeen Dalka Martida loo Yahay ee Qatar iyo Dalka Turkiga.

Wargeyska South China Morning Post, ayaa daahqaaday xog aan caadi ahayn , kaddib markii uu sheegay inuu Shiinaha soo saa...
19/10/2025

Wargeyska South China Morning Post, ayaa daahqaaday xog aan caadi ahayn , kaddib markii uu sheegay inuu Shiinaha soo saaray raadaar cusub oo la soconaya dhaqdhaqaaqyada hawada iyo in Shiinaha uu awood u yeeshay inuu soo saaro wax uusan dooneyn inuu muddooyinkan maqlo Mareykanka, waa in wixii hadda ka dambeeya aysan jirin diyaarad dagaal oo awood u leh inay ka dhuumato raadarrada la socodka dhaqdhaqaaqa ee Shiinaha.

Mareykanka , wuxuu heystay labo diyaaradood oo dunidda uu ku qabsaday , kuwaasoo kala ah F-22 iyo F-35, waxay diyaaradahan lahaayeen nidaamyo awood u siinaya inay ka dhuuntaan nidaamyada difaaca, balse Shiinaha ayaa hadda soo saaray raadar heli kara halka ay ku suganyihiin, taa oo la macno ah Shiinaha wuxuu ka taqlusay awooddii dagaalka hawada ee Mareykanka.

Qalabkaan waxaa sameeyay xarunta tiknoolojiyadda quantum-ka ee gobolka Anhui. Quantum waa tiknoolojiyad cusub oo awood badan, taas oo awood u leh in ay ogaato ama xisaabiso waxyaabo aad u yaryar oo aan caadiyan la dareemi karin.
Shiinaha wuxuu sheegay in qalabkaan uu saldhig u noqon doono nidaam difaac hawada oo cusub, kaas oo noqon kara mid ka awood badan kuwa hadda jira. Haddii raadarrada cusub ee noocan ah la isticmaalo, waxay beddeli karaan sida dalalka ay isku difaacaan ama isku weeraraan hawada, taas oo macnaheedu yahay in sirta ugu weyn ee awoodda Mareykanka ay halis ku jirto.

Xigasho Iman Jama

Raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa mar kale ku celiyay in Israa’iil ay gaari doonto dhammaan yoolalka d...
17/10/2025

Raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa mar kale ku celiyay in Israa’iil ay gaari doonto dhammaan yoolalka dagaalka Qaza ee ay hiigsanayso.

Waxaa uu hadalkan ka sheegay munaasabad uu ka hadlayay madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog intii lagu guda jiray munaasabad xasuus baroor diiq ah, waxaana uu intaa ku daray in kuwa halista ku ah Israa’iil ay la kulmi doonaan ‘ciqaab adag’, waxaana uu xoojiyay in dagaalka uusan weli dhammaan.

‘’ Cidd kasta oo na soo daandaansata waa ogtahay inay la kulmi doonaan cawaaqib adag’’ ayuu yiri Netanyahu.

BBC Somali

Address

London
NW102JJ

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hanoolaato posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hanoolaato:

Share