09/12/2025
Najiib Dhayib.
Maalmihii u dambeeyay waxaan waqti badan geliyay akhriska Xeer Ciise, si aan u hubiyo xaqiiqooyinka ku qoran xeerka, maadaama bulshadeenna Soomaaliyeed dad badan ay qoraan wax aan la xaqiijin. Intii aan akhriyay, waxaan ogaaday in xeerku yahay nidaam bulsheed cad, la fahmi karo, kuna dhisan Shareecada Islaamka iyo dhaqanka Ciisaha.
1. Waa maxay Xeer Ciise?
Xeer Ciise waa qaanuun bulsheed taariikhi ah oo ay leedahay beelweynta Ciise. Waxaa lagu tilmaamaa xeerka ugu fac weyn xilligan ee Geeska Afrika, waana nidaam lagu xukumo nolosha bulshada, lagu xalliyo khilaafaadka, laguna ilaaliyo nabadda iyo wada noolaanshaha.
Xeerkan waxaa soo diyaariyay odayaal iyo xeerbeegti khibrad sare u leh garsoorka dhaqanka. Waxay isku dareen:
Dhaqankii h**e ee beesha
Waqciga casriga ah
Shareecada Islaamka
Taasi waxay ka dhigtay xeer diiniyan sax ah, kuna saleysan caddaalad, garsoor iyo ilaalinta bulshada xeerka iska leh.
2. Xeerka maxaa lagu xallinayaa?
Xeer Ciise wuxuu si nidaamsan u maareeyaa arrimaha ugu waaweyn ee bulshada:
Dilka & dhaawaca
Kufsiga & xadgudubyada
Dhaca
Dhulka & ceelasha
Xuquuqda haweenka iyo carruurta
Martida, dariska & tolka
Intii aan akhrinayay xeerka, ma arkin waxyaabaha ay dadku qorayeen oo aan meesha ku jirin tusaale ahaan:
Ma jirto meel xeerka ay kaga qoran tahay in “ninka soddohdiis kuf**sada subag madaxa loo mariyo.”
Sidoo kale xeerku si cad ayuu u diidayaa kuwa wax iska daya; qofkii lagu helo fal noocaas ah bulshada waa laga takoorayaa.
Lixda kabood oo ah qaybaha uu xeerku ka hadlay waxay kala yihiin:
Dhiig
Dhaqan
Dhaqaale
Dheer
Dhul
Dhibleh
1. Dhiig
Kabta koowaad ee dhiiggu waxay u kala baxdaa:
Dhimasho (dhimashadu waxa ay ka dhigan tahay laba reer oo Ciise ah oo is laayay)
Dhagar (qof qof dilay)
Jab iyo Jareexo (wixii dhaawac ah ee la is gaadhsiiyo)
2. Dhaqan
Doorashada Ugaaska:
Gandaha: 44 nin
Guddi: 12 nin
3. Dhaqaale
Xeerka qaabilsan dhaqaalaha. Dhaqaaluhu wuxuu u kala baxaa Mood iyo Nool. Ciisuhu xeer uma dhigin moodka.
Noolku wuxuu ka kooban yahay sagaal halaad. Sagaalka halaad waxay u kala baxaan:
Saddex Dhaban
Saddex Dhaxal
Saddex Dhibaad.
4. Dheer
Dheertu waxay ku saabsantahay xuquuqda iyo dhibta loo geysto haweenka. Xuquuqda ay haweenku wax ku helaan:
5. Dhaban
6. Dhaxal
Dhibta loo geysto haweenka waxay u kala baxaan:
1. Bila Cad
2. Baara Cad (gabadha aad u yar)
3. Gambo Cad
4. Banaanay
5. Gorgor
6. Gidir
7. Golo ka bood
8. Sodoh
9. Islaan xigaaleed
10. Gabadh ninkii ay u doonanayd xumeeyey
11. Xaynkeed wadha (gabadhaan xeer ma leh)
12. Dhul
Dhulku wuxuu u kala baxaa Bad iyo Berri. Hadaba Ciisuhu badda xeer uma dhigin. Dhulku wuxuu u kala baxaa:
Beer
Daaq
Ceel.
Ciisuhu xeerkii Siti lagu dejiyey wax beer ah kamuu hadlin; Ciise wuxuu ka hadlay daaqa iyo ceelka.
6. Dhibleh
Kabta lixaad oo ah Dhibleh, oo macnaheedu yahay qofkii dhibaatada loo geystay. Ciisuhu waxay u kala saareen afar dhagaleey:
Reerka Ciise
“Kunna ha ahaadaane waa nin.”
“Ciise waa wada Ciise, ninna nin caaro ma dheera.”
1. Afar Dhagaleey–Reerka Ciise ah
2. Ahli–Soomaalida kale
3. Hiirimaad–Muslimiinta aan Soomaali ahayn
4. Dhibleh–Qofka Gaalka ah
Lixdaa kabood ayaa aas aas u ah Xeerka ciisaha Waxaana lagu sii faah faahiyey dhagalayda ama Sarta iyo Indhasha la dhigay.
Muhiimada Qoraalkayga waa inaan idin sheego intaan ka akhriyay xeer ciise runtiina waxa la sheegayo iyo siduu yahay iskuma dhawa.
Waa xeer somaalida anfici lahaa haday ku dhaqanto.
Wabilaahi Tawfiiq