05/12/2025
Gelinkii dambe ee maanta oo Jimce ah, waxaa Hotel Safari kulan ku yeeshay qaar ka mid ah bulshada ku nool magaalada Muqdisho iyo RW H**e ahna Musharax Madaxweyne Mohamed Hussein Roble.
Kulankaas ayaa si guud loogu falanqeeyay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo doorashada, dhaqaalaha iyo amniga oo ah meelaha ugu xasaasisan ee waqtigan la joogo.
Dadka ka qeyb galay kulankan ayaa si isku mid ah u muujiyay walaac, waxaana hoosta laga xariiqay muhiimadda ay leedahay in shacabka iyo hoggaanka dalka ay mideeyaan dadaalkooda, si looga shaqeeyo badbaadada dalka iyo xasilloonida guud.