VOS 24 TV

VOS 24 TV Warbaahin madax banaan oo ah DhaxDhaxaad kusaleeysan xaqiiqda kahadasho markastaa uheeylan bulshada ka aqriso marwaliba iyo goobwalba ee aad joogto

WAR DEG-DEG AH 🚨: Iiraan oo beegsatay Saldhigyada Mareykanka ee Gobolka. Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iira...
09/07/2026

WAR DEG-DEG AH 🚨: Iiraan oo beegsatay Saldhigyada Mareykanka ee Gobolka.

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay iney 10 gantaal oo ballistic ah ku weerareen xarun talis oo Maraykanku ku leeyahay Galbeedka Aasiya iyo Saldhigga Cirka ee Al-Azraq ee dalka Urdun, iyagoo ku andacoonaya in labada xarumoodba la burburiyay.

Warar kale ayaa tilmaamaya in difaaca cirka ee Urdun uu qabtay misna soo riday dhowr ka mid ah gantaalladii kusoo wajahnaa, halka dowladda Urdunna aysan xaqiijin in Saldhigga Al-Azraq la burburiyay.

Reuters ayaa werisay in Iiraan ay weerarro gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaaday saldhigyo ciidanka Maraykanka oo ku yaalla Urdun, Kuwait, Baxrayn, iyo Qatar, iyadoo dagaallada gobolka ay sii fidayaan. Hase yeeshee, ma jiro xaqiijin madax-bannaan oo muujinaysa in saldhigyada la beegsaday oo la burburiyay.

Iiraan oo Sacuudiga uga adkaatay Yemen 🇾🇪: Kumanaan muwaadiniin Yemeniyiin ah ayaa buuxiyay Fagaaraha Al-Sabeen ee caasi...
04/07/2026

Iiraan oo Sacuudiga uga adkaatay Yemen 🇾🇪:

Kumanaan muwaadiniin Yemeniyiin ah ayaa buuxiyay Fagaaraha Al-Sabeen ee caasimadda Sanca, si ay u muujiyaan mahadnaq ay u hayaan Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, kadib markii Iiraan ay jebisay Cunaqabateyn Sacuudiga iyo Mareykanku ay saareen Garoonka Sanca mudo 11 sano ah.

Garoonka Sanca ayaa waxaa ka dagay Diyaarad ka soo duushay Iiraan, diyaaradaha degaalka Sacuudiga ayaa isku dayay inay wax yeeleeyaan balse qalabka difaaca Xuutiyiinta ayaa digniin siiyay diyaaradaha Sacuudiga, taas oo keentay in Diyaaradda Iiraan ay si nabad ah ku dagtay 11 sano kadib Garoonka Sanca, waxaana halkaa ay ka soo qaaday wefdiga Xuutiyiinta ee ka qeybgelayay aaska hoggaamiyihii Kacaanka Islaamiga ah, Ayatollah Seyyed Ali Khamenei.

Fariimihii Maamuuska iyo Siyaasadda ee Aaskii Sayid Cali KhameneiAaskii Mujaahidka weyn iyo Imāmka ugu sarreeya dalka Ii...
04/07/2026

Fariimihii Maamuuska iyo Siyaasadda ee Aaskii Sayid Cali Khamenei

Aaskii Mujaahidka weyn iyo Imāmka ugu sarreeya dalka Iiraan, Sayid Cali Khamenei, wuxuu ahaa madal ay Iiraaniyiintu ku soo bandhigeen fariimo cajiib ah iyaga oo adeegsanaya aayadaha Qur’aanka Kariimka ah. Wafdi kasta oo tacsi u yimid waxaa lagu qaabilay aayad si xeeladaysan loo soo xulay oo xambaarsan fariin toos ah iyo mid dadbanba.

Halkan kaga bogo 11-kii wafdi iyo aayadihii loo akhriyay:

Wafdiga Sacuudiga: Waxaa loo akhriyay aayadda:

﴿قَدْ كَانَ لَكُمْ آيَةٌ فِي فِئَتَيْنِ الْتَقَتَا ۖ فِئَةٌ تُقَاتِلُ فِي سَبِيلِ اللَّهِ وَأُخْرَىٰ كَافِرَةٌ يَرَوْنَهُم مِّثْلَيْهِمْ رَأْيَ الْعَيْنِ ۚ وَاللَّهُ يُؤَيِّدُ بِنَصْرِهِ مَن يَشَاءُ﴾.

Micnaha: Guusha iyo nasriga Eebbe kuma yimaado awood, tiknooliyad iyo tiro toonna, ee waa doonista Alle oo kaliya.

Wafdiga Turkiga: Waxaa lagu dul akhriyay aayadda:

﴿وَفَضَّلَ اللَّهُ الْمُجَاهِدِينَ عَلَى الْقَاعِدِينَ أَجْرًا عَظِيمًا﴾.

Micnaha: Alle wuxuu ka fadilay kuwa jidkiisa ugu jihaada kuwa fadhiya, isagoo siiyay ajar weyn; waa fariin dhiirrigelinaysa ficilka iyo jihaadka.

Wafdiga Pakistan: Waxaa loo akhriyay aayadda:

﴿مَّثَلُ الَّذِينَ يُنفِقُونَ أَمْوَالَهُمْ فِي سَبِيلِ اللَّهِ كَمَثَلِ حَبَّةٍ أَنبَتَتْ سَبْعَ سَنَابِلَ فِي كُلِّ سُنبُلَةٍ مِّائَةُ حَبَّةٍ ۗ وَاللَّهُ يُضَاعِفُ لِمَن يَشَاءُ﴾.

Micnaha: Abaalka kuwa hantidooda ku bixiya jidka Alle waa sida xabbad soo saartay toddobo mijo oo mid kasta boqol xabbadood leedahay.

Wafdiga Masar: Waxaa lagu maamuusay aayadda:

﴿جَنَّاتُ عَدْنٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا ۚ وَذَٰلِكَ جَزَاءُ مَن تَزَكَّىٰ﴾.

Micnaha: Jannooyinka naciimka ah ee ay webiyadu socdaan waa abaalka qof kasta oo naftiisa ka daahiriya xumaanta.

Wafdiga Qatar: Waxaa loo akhriyay aayadda:

﴿يَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَيُدْخِلْكُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ وَمَسَاكِنَ طَيِّبَةً فِي جَنَّاتِ عَدْنٍ﴾
Micnaha: In Eebbe idiin dhaafo dambiyadiinna, idinna geliyo Jannooyin iyo guryo wan

Wargeyska ISRL kasoo baxa ee Maariv ayaa sheegay in Turkiga hadda loo arko khatarta ugu weyn ee kusoo wajahan ISRL. Waxa...
24/06/2026

Wargeyska ISRL kasoo baxa ee Maariv ayaa sheegay in Turkiga hadda loo arko khatarta ugu weyn ee kusoo wajahan ISRL. Waxayna u sababeeyeen in Turkigu leeyahay ciidanka labaad ee ugu tirada iyo awooda badan gaashaaanbuurta NATO, sidoo kalena uu Turkigu gaadhay heer uu gudaha dalkiisa ku farsameysto qiyaastii 80% qalabka iyo hubka difaac ee uu u baahan yahay, taasoo si weyn u xoojisey awoodda milatari iyo cududa difaac ee Turkiga

Waa lasoo qabtay dambiilihii 1aad wx dhiman Midkaan Adiga Maxaa waajibkooda ah in lagu xakumo
22/06/2026

Waa lasoo qabtay dambiilihii 1aad wx dhiman Midkaan
Adiga
Maxaa waajibkooda ah in lagu xakumo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo...
21/06/2026

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka tirsan CXDS, ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda gaaraan magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in booqashada taliyaha ay diiradda saari doonto qiimeynta xaaladda amniga, kormeerka ciidamada, iyo wada-tashiyo uu la yeelan doono maamulka Waqooyi-bari saraakiisha ciidamada ee ka howlgala dowlad goboleedkaas. Sidoo kale, waxaa la filayaa inuu dib u eegis ku sameeyo heeganka ciidamada, awoodda howlgalka, iyo dadaallada amni ee ka socda deegaannadaas.

Booqashadan ayaa ka tarjumaysa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso isku-duwidda ciidamada, kor u qaadista la socodka amniga, iyo adkeynta joogitaanka ciidamada qaranka ee deegaannada istiraatiijiga ah ee waqooyiga Soomaaliya

DEG DEG🚨🚨kooxda kubadda Cagta Iran ayaa iminka soo caga dhigtay Los Angeles, California, USA. Habeen dambe ayay la ciyaa...
14/06/2026

DEG DEG🚨🚨kooxda kubadda Cagta Iran ayaa iminka soo caga dhigtay Los Angeles, California, USA. Habeen dambe ayay la ciyaarayaan kooxda New Zealand.

Netanyahu ayaa u sheegay Trump, inuusan wax jawaab ah ka bixin doonin weerarkii Iiraan ,ka dib markii Trump uu u sheegay...
08/06/2026

Netanyahu ayaa u sheegay Trump, inuusan wax jawaab ah ka bixin doonin weerarkii Iiraan ,ka dib markii Trump uu u sheegay inuusan wax falcelin ah ka sameyn weerarkii Iiraan, sida ay werisey Axios
Abdinasir Abdullahi jama

Trump ayaa waxyar ka hor la hadlay wargeyska Financial times, wuxuuna u sheegay in Netanyahu uusan wax doorasho haysan o...
08/06/2026

Trump ayaa waxyar ka hor la hadlay wargeyska Financial times, wuxuuna u sheegay in Netanyahu uusan wax doorasho haysan oo uu oggolaan doona heshiiska Iiraan.

Trump wuxuu yiri:

“Aniga ayaa go’aanka qaata, isaga ma aha. Wuxuuna ku qasban yahay inuu aqbalo heshiis kasta oo aan la gaaro Iiraan.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in weerarrada Iiraan caawa ku qaaday Israa’iil aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin heshiiska.

Wuxuu intaa ku daray;

“Heshiisku wuu dhici karaa ama wuu burburi karaa, balse xaaladahan dagaal iyo weerarradu sinaba uma beddeli doonaan go’aankaas

Abdinasir abdullahi jama

15 september 1916 waa intii lagu gudo jiray dagaalkii kowaad ee aduunka waxaa guutadii galbeed ee ciidankii jarmalka lay...
28/05/2026

15 september 1916 waa intii lagu gudo jiray dagaalkii kowaad ee aduunka waxaa guutadii galbeed ee ciidankii jarmalka layaab iyo argagax kunoqotay markii ay arkeen aalad aad uwayn oo kasamaysan bir aad u adag oo u soo socota dhanka difaacyadooda.
Aaladan waxay ahayd mark1 wa kaarihii ugu horeeyey taariikhda, samayntiisa waxaa iska kaashaday boqortooyadii ingriiska iyo faransiiska kadib markay ku adkadeen inay jiiraan godadkii iyo siligyadii difaaca u ahaa ciidankii jarmalka, taangigan wuxuu dhinaca kale u rogay dagaalkii tasoo markii dame sababtay kacdoonkii kaarayaasha, lakiiin halka ceeb uu lahaa kaarahan ayaa ahayd inuu ahaa mid aad ugaabiya xawaare gaaraya 5KM saacdii taasna waxay dhalisay inay qayb badan oo kamida kaarahan ay dhuulka lasimeen madaafiicdii jarmalka

Address

London

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when VOS 24 TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to VOS 24 TV:

Shortcuts

Share

Category