Oga Media

Oga Media Waa page u adeega bulshada Somaaliyeed si ay u helaan warar sugan iyo kor u qaadista wacyiga bulshada.

02/10/2026

Xildhibaan Dr. Ali Ahmed Ali Abdulle oo Kulan Muhiim ah la Yeeshay Dhalinyarada Reer Baladweyne

Xildhibaan Dr. Ali Ahmed Ali Abdulle, oo ku guuleystay kursiga Xildhibaanimo ee Golaha Deegaanka Degmada Baladweyne, ayaa kulan muhiim ah oo is-xog-wareysi ah la yeeshay dhalinyarada reer Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka dhalinyarada, horumarinta bulshada, waxbarashada, shaqo-abuurka, midnimada iyo sidii dhalinyaradu kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen horumarka Degmada Baladweyne.

Xildhibaanka ayaa dhageystay aragtida, talooyinka iyo baahiyaha dhalinyarada, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-tashi, iskaashi iyo in dhalinyarada laga qeybgeliyo go’aannada iyo qorshayaasha horumarineed ee degmada.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-faham, talo-wadaag iyo rajo ku aaddan in la xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhexeysa dhalinyarada iyo Golaha Deegaanka Degmada Baladweyne.

25/09/2026

BISMILLAAH

Beesha Culimada Maamiye waxay si buuxda u garab taagan tahay, duco iyo qadarinba, Wabarka Beesha Baadicadde, Wabar Mohamed Wabar Ahmed

Wabarku ma aha kursi siyaasadeed, mana aha hanti qof ama koox gaar ah leedahay. Waa astaan dhaqameed iyo karaamo ay bulshadu leedahay, sidaas darteed cid kasta oo isku dayda inay ku xadgudubto, ku aflagaaddayso ama u adeegsato dano gaar ah waa inay ogaataa in dhaqanka iyo karaamada bulshada aan lagu ciyaari karin.

Waxaa nasiib-darro ah in mararka qaar la maqlo hadallo iyo falal lagu doonayo in lagu dhaawaco sumcadda Wabarka, laguna abuuro kala-fogaansho iyo is-qabqabsi bulshada dhexdeeda. Kursi la doonayo, dano siyaasadeed ama loollan shaqsiyeed looma adeegsan karo in lagu kala geeyo Maamiye iyo Baadicadde.

Kuwa doonaya inay bulshada ku kala fogeeyaan hadal, xan, aflagaaddo iyo magacaabid aan munaasib ahayn, waxaan leenahay: Maamiye kala qaybin laguma hoggaamiyo, karaamadeeda lagumana dhiso magac-xumo.

Dadka xilalka iyo kuraasta ku fadhiya magaca bulshada waxaa laga filayaa inay noqdaan kuwo ilaaliya midnimada, xushmeeya dhaqanka, kana fogaada wax kasta oo sii hurinaya khilaaf iyo kala-qaybin.

Wabarka waa la xushmeeyaa. Dhaqanka waa la dhowraa. Midnimadana waa la ilaaliyaa.

Qof kasta oo xil haya ama xil doonaya waa inuu fahmaa in kuraastu ay is beddeli karaan, laakiin karaamada iyo magaca bulshada ay yihiin wax jiilba jiil loo gudbiyo.

Maamiye iyo Baadicadde waa bulshooyin walaalo ah; wixii la isku khilaafana waxaa lagu xallin karaa xushmad, wada-hadal iyo dhaqan, ee laguma xalliyo aflagaaddo, xan iyo kala-qaybin.

Karaamada Wabarka lama aflagaaddeeyo.
Midnimada Maamiye lama kala jebiyo.
Dhaqankana dano gaar ah looma adeegsan karo.Àhmednor Àbdi Àłi☑️🙏

19/09/2026

Abukar Shielh Faarax, oo ka hadlay xafladda caleemo-saarka Nabadoonka cusub ee Maxamuud Faqay, ayaa baaq muhiim ah u diray guud ahaan Beesha Maamiye.

Waxa uu ku boorriyey bulshada in ay ilaashadaan wadajirka, midnimada iyo isku duubnida, isagoo xusay in midnimadu tahay tiirka ugu weyn ee lagu gaari karo horumar, isku-tashi iyo mustaqbal wanaagsan.

“Maamiye waxay ku xoog badan tahay midnimadeeda; kala qaybsanaantu waa daciifnimo, wadajirkiinnuna waa awooddiinna.”

Baaqan ayaa ku soo aadaya xilli ay muhiim tahay in bulshada Maamiye ay xoojiso wada shaqaynta, is-ixtiraamka iyo isku duubnida bulshada.Àhmednor Àbdi Àłi

19/09/2026

🌿 SOO DHAWEYN IYO HAMBALYO 🌿

Waxaan si kal iyo laab ah u soo dhaweynaynaa Nabadon Axmed Cabdi Maxamed (Dr. Geele) oo loo doortay xilka Nabadonnimada Maxamuud Faqay.

Doorashada Nabadonku ma aha oo keliya sharaf iyo magac, balse waa mas’uuliyad culus, kalsooni bulsho iyo waajib ku dhisan nabad, midnimo, cadaalad iyo isku xirka bulshada.

Waxaan Alle SWT uga baryeynaa Nabadon Dr. Geele inuu xilkaas u fududeeyo, kuna asturo xigmad, caddaalad, dulqaad iyo hoggaan wanaagsan, kana dhigo nabaddoon bulshada mideeya, khilaafaadkana ku xalliya garasho iyo wada-tashi.

Waxaan sidoo kale hambalyo iyo mahadnaq u diraynaa Nabadonka Maxamuud Faqay iyo dhammaan bulshada qaybta ka qaadatay geeddi-socodkan, dadaalka ay u galeen xoojinta nabadda, wadajirka iyo dhaqanka wanaagsan ee bulshada.

Nabadon Dr. Geele, hambalyo iyo soo dhawoow!
Xilka Alle ha kuu fududeeyo, magaca iyo kalsoonidana ha kuu barakeeyo. Waxaan rajaynaynaa in hoggaankaaga uu noqdo mid horseeda midnimo, nabad, cadaalad iyo horumar waara.

Hambalyo Nabadon Axmed Cabdi Maxamed (Dr. Geele). 🤝🌿 Àhmednor Àbdi Àłi🙏

18/09/2026

Soo Dhaweyn iyo Hambalyo

Waxaan si diirran u soo dhaweynaynaa Nabadon Axmed Cabdi Maxamed (Dr. Geele) oo loo doortay xilka Nabadonnimo.

Waxaan Alle uga baryeynaa inuu xilkaas u fududeeyo, kuna asturo caddaalad, midnimo iyo hoggaan wanaagsan. Nabadonka Maxamuud Faqay iyo dhammaan bulshada waxaan uga mahadcelineynaa kaalintooda iyo doorkooda ku aaddan geeddi-socodkan.

Nabadon Dr. Geele, hambalyo iyo soo dhawoow.
Xilka Alle ha kuu fududeeyo, bulshadaadana khayr iyo midnimo ha ugu horseedo. Àhmednor Àbdi Àłi🙏

15/09/2026

Taliye Abdinasir Sh Ali Nika Kaliya Ee Degmada Jalalaqsi Save ka dhigay 🫡🫡

02/09/2026

Guuleyso Xildhibaanad Hafsa Abdirahman Tigow ✅️

02/09/2026

Musharraxa ugu cad-cad Golaha Wakiillada Hirshabeelle, Mudane Salah Abdi Maxamed Mahuure.

Isbeddel dhab ah ayaa la rajaynayaa, Insha’Allah. 🤲
Haddaba, aynu garab istaagno, taageerno, kuna dhiirrigelinno hiigsiga isbeddelka iyo horumarka.

Isbeddelka dhabta ah — waa waqtigiisa. 🇸🇴 Salah Abdi

Àhmednor Àbdi Àłi🙏

01/09/2026

Guddoomiyaha Dhallinyarada belwayne badacadde ee degmada Baladweyne, Mudane Akram Abdinasir Mohamedayaa si weyn kalin uga qaadanaya dadaallada loogu jiro sidii loo heli lahaa isbeddel dhab ah oo wax-ku-ool ah.

Waxa uu si joogto ah uga shaqeynayaa mideynta dhallinyarada, dhiirrigelinta ka-qaybgalka bulshada iyo hirgelinta himilooyinka isbeddelka ee jiilka cusub.

Isbeddel dhab ah waa la gaari karaa marka dhallinyaradu doorkooda qaataanÀhmednor Àbdi Àłi🙏

01/09/2026

Nin Culus Musharrax Xildhibaan Golaha Deegaanka Degmada Baladweyne Dr Ali Ahmed Ali Abdulle 2026-2031

Address

Gillespie Road
London
N51LF

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Oga Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share