20/04/2025
Badhasaabka Gobolka Gabiley Oo Durba Waydaartay Xukuumaudii Uu Ka tirsanaa Iyo Fadeexadda Wareegtadii Uu Soo Saaray Oo la Buriyay!
Badhasaabka gobolka Gabiley Maxamed Cabdilaahi Bookh ayaa maalintii shalay soo saaray wareegto sharciga baalmarsan taasi oo dareeno kala duwan bulshada gobolka ka dhex abuurtay isagoo si cad ugu weeraray madax-dhaqameedka Gabiley oo iyagu maalhimihii udanbeeyay gobolka ka waday shirar ay aayahooga kaga tashanayaan, islamarkaana ujeedadoodu tahay sidii reer gabiley ula shaqayn lahaayeen xukuumada cusub ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne Cabdiraxmaan cirroml.
Haddaba talaabada sharci ka baxsan ee uu ku kacay badhasaabka Gabiley islamarkaana ku sheegay in aan wax shir ah madaxdaqaeedka gobolka iyo siyaasiyiinta deegaanku qaban Karin
Ddadka sida dhow ula socda ficilada badhasaab Bookh ayaa ku eedeeyay in uu ka danbeeyay abaabulka xubno madaxdhaqameed ah oo sheegay in aan masiirka gobolka ka tashan karin beel qudha iyagoo daba socday shirkii ay qabsadeen madaxdhaqameedka iyo siyaasiyiin Jibriil Abokor oo iyagu ah beesha gobolka gabiley ugu tunka wayn islamarkaana jaangoysa siyaasadiisa.
Madaxdhaqameedka iyo haldoorka beelweynta Jibriil Abokor ayaa maanta shirkii labaad ee aayo-ka-tashiga beesha ku qabsaday caasimadda Hargaysa iyagoo shirkan wajigiisa saddexaad ay dhawaan ku qaban doonaan magaalo madaxda gobolka Gabiley, taasi oo waxba k**a jiraan ka dhigysa wareegtadii uu soo saaray badhasaabka socod baradka ah ee Gabiley Maxamed Cabdilaahi Bookh, oo taallaabadiisu ka dhigayso markii koowaad Ee gobalka looga taliyo goob marfash ah oo cid waliba fadhiisato
Laakiin waxa maanta qoraalkaasi ka jawaabay cuqaasha Jibriil Abokor dhamaantood iyo Suldaanka guud ee beesha Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxxmaan oo sheegay inay beeshu isla qaadatay in la sii wado shirarka beesha.
Waxa kale Oo Shirkan kalsooni buuxda lagu siiyay gudiga beesha ee Soo Kala xulaysa Musharaxiinta golaha Deegaanka Degmada Hargaysa.
Hadaba, ha isbartaan shacabka Somaliland iyo badhasaab Gabiley, ee waa kuma muxuuse ka shaqayn jiray guddoomiye Bookh?
Maxamed Cabdilaahi Bookh, Guddomiyaha gobolka Gabiley Waa nin shaqadiisu ahayd Qaad cashuure oo uu shaqada ka bilaabay ilaa maanta shaqadiisu waxay ahayd inuu qaadka u cashuuro kolayada qaadka Gobolka Gabilay. Mar kaliya ayuu Soo galay siyaasada isagoo hungureeyay inuu u ordo jagada Xildhibanka gobalka Maroodi Jeex.
Aqoonyahanka reer Gabiley ee u dhuun daloola siyaasadda gobolka, waxa ay Maxamed Bookh ku sifeeyeen inaanu Haba yaraatee wax Aqoon ah oo ku Maamulo xafiis dawladeed sababo la xidhiidha dib u dhac ku yimi hormarka shaqsiyeed ee horaantii dhalinyarnimadiisa, waxaanay dadkunis weydiiyaan sababta loogu magacaabay mansabka ugu sareeya gobolka Gabilay Qof aan masuuliyadaasi u qalmin.
Dadka reer Gabiley waxa ay sheegaaan in muddadii Gobalka loo magacaabay ay Gabilay ku Soo bateen marfashyada lagu qayilo kuwaasi lagu lugooyo dadka loogu talo galin balwadaha ee u Nugul lkn Gudoomiye maxamed Aanu fadhiisan meel aan lala Fadhiyin.
Qoraalkani yaanu kuugu muuqan shaqsi weerar uu qoray qof cadhaysani, balse waxa biyo k**a dhibcaan ah oo bulshadu isla aragtay in Maxamed Bookh uu sida Haweenka u ficiltamo, hinaase dheddignimo ahina ka madhanyn maadaama oo aanu soo dhaweynin qof kasta oo uu ku arko wax horumar ah.
Dhinaca kale maaha nin mowqif leh maalinba Waa meel Waa nin hadal badan oo Habeen iyo maalin Facebook giisa soo dhiga qoraalo aan micno lahayn, taasoo ka tarjumaysa xaqiiqada ah in Aanu fahansanayn xafiiska uu shaqiisa ku magacaaban Yahay.
Isku soo wada duuboo, badhasaab Bookh ficilladiisa marka la dhugto, wuxuu u muuqdaa masuul aan qaangaadh ahayn oo aan lasii jaanqaadi Karin xukuumadda xisbiga Waddani.