Caanod Media

Caanod Media Warar Xaqiiqo ah

21/07/2025

Gudida Heer Fadaraal Ee Shirweynahay Ssckhatumo oo umahad celiyey see more…

21/07/2025

Wasiirka Arimaha Gudaha Fadaraalka Soomaliya Cali Xoosh ayaa yidhi “Talada idinkaan idiinka danbaynaynaa hadaadse ku filaan weydaan waan idinla Toosinaynaa”

Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa caawa kulan furan la qaatay bulshada reer Maakhir, isaga oo noqonaya siyaasiga koowaad...
20/07/2025

Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa caawa kulan furan la qaatay bulshada reer Maakhir, isaga oo noqonaya siyaasiga koowaad oo kulan caynkan ah la qaatay reer Maakhir oo dawlad-dhiska SSC-Maakhir u jooga Laascaanood. Ambassador-ku waxa uu la wadaagay aragti ku saabsan dhismaha maamulka iyo waddada horumar lagu gaari karo.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay caqabadaha jira, fursadaha bannaan, iyo sida ay muhiim u tahay in bulshada ay isu kaashato dhismaha maamul daah-furan oo qof walba ka muuqdo.

Danjiraha wuxuu carrabka ku adkeeyay in horumarka bulshada reer Maakhir uu ku xiranyahay midnimo, is-qaddarin, iyo maamul si dhab ah uga tarjumaya rabitaanka dadka. Wada-hadallada noocan ah, ayuu yiri, waxay abuuraan kalsooni iyo is-faham bulshada dhexdeeda ah.

Ambassador Jamal Xasan ayaa maanta kulan kula yeeshay Hoyga uu ka degan yahay cassimada SscKhatumo ee laascaanood halgam...
20/07/2025

Ambassador Jamal Xasan ayaa maanta kulan kula yeeshay Hoyga uu ka degan yahay cassimada SscKhatumo ee laascaanood halgamayaashii ku dhaawacmay halgankii guulaystay ee SSC-Khaatumo.

Caanod Media

Wasiirka Ganacsiga Dowladda Faderaalka Soomaaliya Mud.Maxamuud Aadan Geesood oo uu wehliyo Wasiirka Haweenka iyo Arimaha...
20/07/2025

Wasiirka Ganacsiga Dowladda Faderaalka Soomaaliya Mud.Maxamuud Aadan Geesood oo uu wehliyo Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska SSC-Khaatumo Marwo Suhuur Faysal Barre ayaa booqdey xarumaha Halyeeyada SSC-Kh ee ku Naafoobey dagaalkii Laascaanood 2023.

Waxaa xarunta ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Xarumahan Marwo Siciido Cali Maraykan iyo Farduus Ibraahim Qaran Bila oo ka mid ah masuuliyiinta Xarumaha Xamdi Charity.

Caanod media

C/Risaaq Cismaaan Oogle ayaa ku guulaystay 11 cod Xubinimada Beesha Bihidarays Naaleeye Axmed ee Baarlamaanka 2 aad ee S...
20/07/2025

C/Risaaq Cismaaan Oogle ayaa ku guulaystay 11 cod Xubinimada Beesha Bihidarays Naaleeye Axmed ee Baarlamaanka 2 aad ee SSC-Khaatumo isaga oo ka guulaystay Cali Ciise Xasan oo isna heley 10 cod , Codeeyayaasha ayaa ahaa 21 Xubnood.

Caanod media

20/07/2025

Aragtida Ceerigaabo ee Musharax Abdirisaq khalif ahmed.

Caanod media

Anigoo ah Cismaan Cabdi Faandhe (Xanaano), waxaan halkan si rasmi ah uga caddeynayaa in aan u taaganahay Xildhibaan Baar...
20/07/2025

Anigoo ah Cismaan Cabdi Faandhe (Xanaano), waxaan halkan si rasmi ah uga caddeynayaa in aan u taaganahay Xildhibaan Baarlamaanka Labaad ee Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Go’aankeygu wuxuu ka dhashay rabitaanka aan u qabo in aan kaalin muuqata ka qaato dhismaha dowladnimo, dardargelinta adeegyada bulshada, ilaalinta danaha shacabka, iyo kobcinta dimuqraadiyadda ka hanaqaaday deegaannadeenna.
Waxaan ahay shaqsi aaminsan:
✅ In xildhibaanku yahay codka shacabka.
✅ In loo baahan yahay matalaad hufan, daacad ah oo u taagan danaha dadka.
✅ In dib-u-dhiska SSC-Khaatumo uu u baahan yahay hoggaan leh aragti, karti, iyo waddaninimo.

W/Q:
Cismaan Cabdi Faandhe (Xanaano)
Musharrax Xildhibaan
Baarlamaanka Labaad – SSC-Khaatumo

19/07/2025

Dood Xasaasi ah: Musharrax C/risaaq Khaliif oo Su’aalo Adag Lagu Waydiiyay Magaalada Laasacaanood iyo Suxufi Yusuf Sahardid oo daadihiyay iyadoo bulshada loo furay cod baahiyaha.

Caanood media

Address

Manchester

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Caanod Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share