Balcad Online

Balcad Online Waa halka aad ka helayso Warar, Warbixino iyo Barnaamijyo taya leh. soo dhawooow.

04/01/2023

Sidee Ardayda Muqdisho Examka u galaan.

االعلماء ورثة الأنبياءFadlan Follow dheh page kan.Mahadsanid
29/12/2022

االعلماء ورثة الأنبياء
Fadlan Follow dheh page kan.
Mahadsanid

SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA OO MAANTA KA FURMAY MUQDISHOMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xa...
26/12/2022

SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA OO MAANTA KA FURMAY MUQDISHO
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka 4-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.

Shirkan ayaa Madaxdu waxay ku odorasayaan federaaleynta garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, arrinkan oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Sebteembar.

Sidoo kale, Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed waxay iska xog-wareysan doonaan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreeyeen deeganno badan oo ay horey ugu dhibaateynayey shacabka Soomaaliyeed.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

19/12/2022

Maxaad iska badalay Wadada Makka Al Mukarramah

17/12/2022

Tababarihii ugu wanaagsanaa 2022 waxaa ku guuleystay Tababaraha da’yarta qaranka

17/12/2022

Maxamed khadar oo ku guuleystay Wariyaha Sanadka 2022 ka.
Kkkk Ar khadaraaaa maradaa iga dhacday kulahaa.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LA KULMAY DHIGGIISA DALKA MARAYKANKA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane ...
15/12/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LA KULMAY DHIGGIISA DALKA MARAYKANKA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Munaasabad ku qabsoomtay Aqalka Cad ayaa la kulmay dhigiisa dalka Maraykanka Mudane Joe Biden.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxda iyo diblumaasiyiinta Maraykanka, xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isagoo xusay guulaha wax ku-oolka ah ee ay gaareen Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya bulshada deegaannada ay kuu dhuumaaleysanayaan argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan oo muujiyey kartida iyo awoodda ay u leeyihiin dowladda iyo shacaka Soomaaliyeed cirib-tirka argagixisada, waxa uuna adkeeyey taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha D...
15/12/2022

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Mayre Makaraan ayaa maanta kormeer ku tagay Cisbitaalka guud ee Degmada Aadan-Yabaal oo ay burburiyeen kooxda Khawaariijta alshabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in khawaarijtu cadow ku ahaayeen nolosha iyo horumarka bulshada iyagoo burburshay goobihii caafimaadka, waxbarashada, ceeshii biyaha, dugsiyadii qur'aanka iyo masaajidada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shacabka Aadan-yabaal ay ka xuroobeen kooxdaas cadowga ah ayna ka shaqeeyaan nabadgalyada iyo horumarka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Hirshabeelle ay waxbadan ka qaban doonto horumarka adeegyada bulshada iyo sidii loo hagaajin lahaa goobihii ay burburiyeen kooxda khawaarijta arxanka daran ee alshabaab.

Raisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre iyo Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay ...
14/12/2022

Raisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre iyo Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo muhiim u ah bulshada deegaanka.

Ra"iisul Wasaaraha XFS  Xamsa Cabdi Barre iyo Wafdi uu hogaaminayay Ayaa maanta gaaray Degmada Aadan-Yabaal ee gobolka S...
14/12/2022

Ra"iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre iyo Wafdi uu hogaaminayay Ayaa maanta gaaray Degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Sh/Dhexe waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Madaxweynaha hirshabelle cali guulawe xuseen Gudoomiyeyaasha gobolada Sh/Dhexe iyo Hiraan Xildhibaano ka tirsan Dowlada federaalka somaliya oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa degmada Aadan-Yabaal.

Sirdoonka Turkiga ayaa maanta xiray 44 qof oo la rumeysan yahay in ay u shaqeynayeen sirdoonka Israel ee Mossad si ay u ...
14/12/2022

Sirdoonka Turkiga ayaa maanta xiray 44 qof oo la rumeysan yahay in ay u shaqeynayeen sirdoonka Israel ee Mossad si ay u basaasaan dadka falastiiniyiinta ee ku nool dalka Turkiga.

Wargeyska daily Sabah ee ka soo baxa Turkiga ayaa sheegay in tuhmanayaashu ay iska dhigeen la-taliyeyaal shirkad.

Bishii Oktoobar 2021, hay'adda sirdoonka Turkiga ee MIT ayaa xiray 15 nin oo lagu eedeeyay inay u basaasayeen Mossad.

Turkiga iyo Israa'iil ayaa si buuxda u soo celiyay xiriirkooda diblomaasiyadeed horraantii sanadkan ka dib sannado badan oo xiisado ah oo ku saabsan arrimo dhowr ah.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada B...
14/12/2022

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo kuso dhoweyey ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada ahan Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu Hogaaminayo.

Xubno ka tirsan Labada Golle ee Dowlada, Maamulka Gobolka Baay, kan Degmada Baydhabo, Saraakisha Laamaha Amniga iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa sido kale soo dhoweynta qeyb ka ahaa.

Address

SoS
Nottingham

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Balcad Online posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Balcad Online:

Share