Abdihafid Ismail

Abdihafid Ismail “Abdihafid TV – Independent Somali journalism. | News, analysis, and stories that matter.”

28/08/2025

"Iska ilaaliya Qabyaaladda iyo wax kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo wadajirka ummadda Somaliland" Madaxweyne Cirro.

 : Fadhigii labaad ee shirka xubnaha Qandaraasyada Qaranka oo maanta ka qabsoomay xaruunta guddida ee magaalada Hargeysa...
28/08/2025

: Fadhigii labaad ee shirka xubnaha Qandaraasyada Qaranka oo maanta ka qabsoomay xaruunta guddida ee magaalada Hargeysa.

WAR-SAXAAFADEEDAbdihafid TV - London 28/08/2025Hargeysa iyo Jigjiga oo Kala Saxeexday Heshiis Mataanayn MagaalooyinkaMag...
28/08/2025

WAR-SAXAAFADEED
Abdihafid TV - London 28/08/2025

Hargeysa iyo Jigjiga oo Kala Saxeexday Heshiis Mataanayn Magaalooyinka

Magaalooyinka Hargeysa, caasimadda Somaliland, iyo Jigjiga, caasimadda Dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa maanta kala saxeexday heshiis rasmi ah oo mataanayn magaalooyin ah. Heshiiskan ayaa lagu xoojinayaa xiriirkii iskaashi ee h**e uga dhaxeeyey labada dhinac.

Xafladda saxeexa ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin sare oo labada dhinac ah, iyada oo Maayirada Hargeysa iyo Jigjiga ay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda uu heshiiskani leeyahay. Ujeeddooyinka ugu waaweyn waxaa ka mid ah kobcinta dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada, is-weydaarsiga aqoonta, iyo adkaynta xiriirka bulshada labada magaalo.

Maayarka Hargeysa ayaa tilmaamay in heshiiskan uu fursad u yahay shacabka labada dhinac si loo abuuro mashaariic horumarineed oo muuqda, halka Maayarka Jigjiga uu xusay in iskaashigan uu noqon doono mid ku dhisan kalsooni, wadajir, iyo mustaqbal wadaag.

Heshiiska cusub ayaa lagu ballamay in lagu dhaqan geliyo barnaamijyo ay ka mid yihiin horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, kor u qaadista waxbarashada, iyo dhiirrigelinta dhaqanka iyo isdhexgalka bulshada.

28/08/2025

Wasiirka Duulista Somaliland oo furay Kulan-hawleedka Istaraatiijiyada ee Madaxda Wasaaradda #

𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃Fadhigii 32-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynah...
27/08/2025

𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃

Fadhigii 32-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Qodobbada maanta lagaga wada hadlay Fadhigii 32-aad waxa ka mid ahaa:

𝟏. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab.

𝟐. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚, 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚:

Waxa ka war bixiyey Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan.

𝟑. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac oo uu u wakiishay Madaxweyne ku-xigeenka JSL, ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka Abaaraha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi.

𝟒. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐨𝐬𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

Waxa ka war bixiyey Wasiirk-ku-xigeenka Mudane Axmed Cumar X. Cabdilaahi.

𝟓. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐝𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐊𝐨𝐫𝐨𝐧𝐭𝐨 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐝𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐫𝐚𝐦𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐞𝐫𝐛𝐞𝐫𝐚.

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Axmed Jaamac Barre

𝟔. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐚𝐡𝐚𝐚𝐧 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐚𝐧𝐮𝐮𝐧𝐧𝐨 𝐤𝐚 𝐝𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐜𝐚𝐲 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐨 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi.

𝟕. 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐛𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 (𝐒𝐜𝐫𝐚𝐩-𝐤𝐚) 𝐞𝐞 𝐂𝐚𝐥𝐚𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝𝐤𝐚:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab)

𝟖. 𝐃𝐨𝐨𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐈𝐬-𝐠𝐚𝐫𝐚𝐛𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐥𝐨𝐨 𝐥𝐞𝐞𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 (𝐏𝐮𝐛𝐥𝐢𝐜 𝐏𝐫𝐢𝐯𝐚𝐭𝐞 𝐏𝐚𝐫𝐭𝐧𝐞𝐫𝐬𝐡𝐢𝐩 𝐏𝐏𝐏):

Waxa si qoto dheer uga dooday Golaha Wasiirrada ee Jamhuuriyadda Somaliland waxana Ansixinta Xeerka Goluhu uu u ballamay fadhiga dambe.

Gababadii Fadhigii 32-aad ee Shirka Golaha Wasiirada, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu bogaadiyey 3 Wasaaradood oo maanta soo gudbiyey wax-qabadkoodii 6-dii bilood ee ina dhaafay, kuwaasi oo kala ah:

1. Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska,
2. Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka,
3. Wasaaradda Dib-u-Dejinta iyo Arrimaha Bini’aadannimada.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

27/08/2025

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐣𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝- “Waxan jecelahay in Madaxwaynaha jabuuti uu noqdo madaxwaynaha ugu h**eeya ee Somaliland yimaada”

AbdihafidTV - London 27/08/2025Hargeisa- 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝗪𝗲𝘆𝗻𝗵𝗮 𝗝𝗮𝗺𝗵𝘂𝘂𝗿𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱, 𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝘅𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗹𝗮𝗮𝗵𝗶 (𝗖𝗶...
27/08/2025

AbdihafidTV - London 27/08/2025
Hargeisa- 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝗪𝗲𝘆𝗻𝗵𝗮 𝗝𝗮𝗺𝗵𝘂𝘂𝗿𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱, 𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝘅𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗹𝗮𝗮𝗵𝗶 (𝗖𝗶𝗿𝗿𝗼), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah la qaatay wefti ka socday Jamhuuriyadda Djabuuti, oo uu hoggaaminayey Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Maxamed Warsame Diiriye.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, dalxiiska, isu socodka dadka, iyo mashaariicda horumarineed ee labada dhinac. Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa ka wada hadlay sidii loo ballaarin lahaa loona xoojin lahaa xiriirka taariikhiga ah ee dhaqan, dhaqaale, iyo iskaashi ee Somaliland iyo Djabuuti.

Madaxweyne Cirro ayaa weftiga uga mahadceliyey booqashadooda, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda iskaashiga labada dal ee horumarinta ganacsiga iyo fududeynta dalxiiska, si kor loogu qaado dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka bulshada. Dhankiisa, Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Djabuuti, Mudane Maxamed Warsame Diiriye, ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Djabuuti ay ka go’an tahay xoojinta xidhiidhka walaaltinimo iyo iskaashiga dhinacyada ganacsi, dalxiis, iyo isu socodka dadka.

27/08/2025

𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐬𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐝𝐡𝐬𝐢𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠 𝐝𝐡𝐚𝐧 𝟑 𝐦𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐥𝐥𝐚𝐫.

Address

37 Gloucester Street
Sheffield
S102FS

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdihafid Ismail posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdihafid Ismail:

Share