12/10/2025
Dowladaha dariska ah ayaa walaacii ay ka qabeen siyaasadda cakiran ee Soomaaliya u bedelay ficil, waxaana kordhaya cadaadiska la saarayo DFS, sida muuqata Itoobiya ma ogolaan doonto Maamul kale oo laga garab sameeyo Jubaland ama wax halis gelinaya amniga xudduudaheeda, gaar ahaan soohdinta kala dhexeysa Soomaaliya.
ilo diblumaasi ah ayaa ku warramaya in MW Xasan Sheekh kulanka Addis Ababa la hor-dhigi doono in uu joojiyo dhismaha nidaamka Jubaland ee lagu unkayo Garbahaarrey, dibna uu wada-hadal ula furo Axmed Madoobe, taas oo muujineysa kalsooni darrada waddamada ka qabaan MW Xasan Sheekh.
Itoobiya ayaa horay bahdil ugu sameysay wafdi uu hoggaaminayay MW Xasan Sheekh oo ku sugnaa Addis Ababa, kadib markii ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Soomaaliya ku lahaayeen Doolow, lana dilay askar amniga Qaranka ka shaqeyneysay, ficilkaas oo aysan Soomaaliya ka ka bixin wax jawaab ah.
imaaraadka oo gadaal ka taagan waddamada dariska ah ayaa culeys iyo cadaadis adag ku haya MW Xasan Sheekh, waxaana muuqanaya in Axmed Madoobe uu ka guuleystay Villa Somalia.
Aw jaamac mushqdisho
Nogob News