12/09/2026
CT-Scan-ka Berbera: Adeeg Caafimaad oo Muddo Dheer Baahi Loo Qabay
Bulshada magaalada Berbera ayaa muddo dheer baahi weyn u qabtay adeegga CT-Scan-ka, iyadoo bukaan badan ay qasab ku noqotay inay adeeggan caafimaad uga safraan magaalada.
Haddaba, CT-Scan-kii dhawaan la keenay Berbera, ee lagu wareejiyey Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Saaxil, ayaa ilaa hadda aan la rakibin.
Tan iyo maalintii la keenay, waxa uu yaallaa halkii lagula kala wareegay.
Maxaa hortaagan in la rakibo CT-Scan-ka, si uu u bilaabo adeegga caafimaad ee ay bulshada Berbera muddada dheer baahida weyn u qabtay.