05/10/2025
Wajiga Cusub ee Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland
Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, taasoo calaamad u ah bilowga xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland, kadib muddo ku dhow sanad oo xiisado siyaasadeed iyo dagaal militari ay dhaawaceen kalsoonidii labada dhinac.
Safarka Madaxweynaha ee maanta wuxuu yimid xilli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay marayso meel xasaasi ah, halka Jubbalandna ay muddo dheer ku doodaysey in la ixtiraamo madax-bannaanideeda siyaasadeed iyo maamulkeeda gudaha.
Wajiga Cusub ee Heshiis Raadinta
Sanad kadib markii ay xumaadeen xiriirkii labada dhinac, waxaa toddobaadyadii la soo dhaafay socday wadahadallo hoose oo ay fududeeyeen saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan dowladda Kenya oo doorka dhexdhexaadinta si muuqata u qaadatay.
Wadahadalladaas ayaa maanta gaarsiiyey heer uu Madaxweynaha JFS uu si rasmi ah ugu safro Kismaayo, si uu halkaas kulan fool ka fool ah ugula yeesho Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Si kastaba ha ahaatee, kulankan ma aha mid fudud, waxaana miiska saaran qodobo culus oo go’aankooda lagu kala tagi karo ama lagu heshiin karo. Waxaa lagu tilmaamay mid go’aamin kara jihada cusub ee xiriirka Muqdisho iyo Kismaayo.
Dalabka Jubbaland
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Jubbaland ay miiska keentay shuruudo adag oo ay u aragto “xariiq cas” aan la dhaafi karin:
1. In aan dib loo soo qaadin doorashadii Jubbaland ee dhacday dhammaadkii sanadkii h**e.
2. In gebi ahaanba la qaado cunaqabateyntii siyaasadeed iyo dhaqaale ee saarneyd maamulka Jubbaland.
3. In dowladda Federaalka ay si buuxda u joojiso faragelinta gobolka Gedo, oo uu muran siyaasadeed iyo mid amni ka taagan yahay.
Jubbaland waxay ku adkaysaneysaa in arrimahan ay yihiin kuwa saldhig u ah xiriir daacadnimada ku dhisan ee labada dhinac dhex mara , isla markaana ay tahay in la xalliyo ka hor inta aan la gaarin heshiisyo cusub.
Dhinaca kale, Villa Soomaaliya ayaa la sheegay inay miiska keentay dhowr qodob oo ay rabto in Jubbaland ay aqbasho, si wadahadallada Kismaayo aysan u noqon kuwo mar kale burbura.
Qodobadaas waxaa ka mid ah:
1. In maamulka Jubbaland loo aqoonsado mid ku-meelgaar ah oo muddo xaddidan shaqeyn doona inta lagu jiro dib-u-habaynta federaalka.
2. In Jubbaland laga qabto doorashooyin dowladeed oo deegaannada ah, si loo xaqiijiyo matalaad cadaalad ah oo shacabka.
3. In Madaxweyne Axmed Madoobe dib ugu soo laabto Madasha Wadatashiga Qaran, taasoo dowladdu u aragto tallaabo muhiim u ah xaaladda siyaasadda dalka.
Villa Soomaaliya ayaan weli si raami ah u aqbalin doorashadii dhamaadkii sanadkii tegay ka dhacday Magaalada Kismaayo.
Kenya oo Dhexdhexaadineysa
Wadahadallada waxaa si toos ah u hagaya koox dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socda Dowladda Kenya, oo door muuqda ku leh isku soo dhawaynta labada dhinac. Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in Kenya ay si xoog leh u riixayso heshiis nabadeed oo degdeg ah, maadaama xiisadaha Soomaaliya ay saameyn toos ah ku yeeshaan xadka labada dal.
Rajada iyo Rajo La’aanta
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caawa ku hoyan doona magaalada Kismaayo, waxaana la filayaa in kulanka rasmiga ah uu bilaabmo galabta ama caawa fiidkii. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku afgaranayaan “qodobo hordhac ah,” balse weli ay jiraan mowduucyo adag sida maamulka Gedo iyo doorashadii Jubbaland ee muranka dhalisay.
Haddii kulankan uu guuleysto, wuxuu noqon doonaa mid dib u dhiska federaalka Soomaaliya u horseedaya marxalad cusub oo is-aaminaad iyo wada shaqayn ah. Haddii se uu burburo, waxaa laga cabsi qabaa in xiisadaha h**e ay dib u qarxaan.
Caawa waxaa indhaha siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo bulshada caalamkaba ay ku wada beegan yihiin magaalada xeebta leh ee Kismaayo — halkaas oo laga sugayo go’aan culus oo ku saabsan mustaqbalka xiriirka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland.
Wax kasta oo dhaca caawa, waxay si toos ah u saameyn doonaan jihada siyaasadda Soomaaliya sanadaha soo socda.
WQ: Abdijaliil Osman