19/06/2025
Netanyahu ayaa ku dhawaaqay, waxa keliya oo ISR ku aarsan karo, marka la eego gantaalihii maanta lagu garaacay waa in la khaarajiyo Khamani oo ah hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka Iiraan, waxaa sidoo kale, hadalkaas ku dhawaaqay wasiirkiisa dagaalka.
Dhinaca kale, Ciidamada Ilaalada Kacaanka oo war soo saaray ayaa goor dhow baahiyay qoraal lagu yiri "Waxaan ka shaqeyneynaa sidii aan u kordhin lahayn weerarada gantaalaha ee wax ku oolka ah, kuwaasoo lagu beegsanayo bartilmaameedyada iyo warshadaha milatariga ee ISR.".