08/01/2026
Dawladda Maraykanka ayaa hakisay dhammaan barnaamijyada gargaarka ee ay siiso Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Arrintan ayaa timid kaddib markii; ay soo if baxeen wararka sheegaya in masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay burburiyeen bakhaar ay maalgelisay Dowladda Maraykanka oo ay lahayd Hayβadda Cunnada Adduunka (WFP), isla markaana si sharci-darro ah u qabsadeen 76 tan oo gargaar cunto ah oo deeq-bixiyayaashu ugu talagaleen dadka Soomaaliyeed ee nugul.
Maamulka Trump ayaa sheegay in aanu wax dul-qaad ah u lahayn khasaarinta, xatooyada, iyo marin-habaabinta gargaarka naf-badbaadinta ah, sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay dawladda Maraykanka.
Dib-u-bilaabista gargaarka Maraykanku joojiyay waxay ku xidhnaan doontaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadato masuuliyadda arrintaasi, isla markaana ay qaaddo tallaabooyin ku habboon oo wax-ka-qabasho ah