20/09/2025
Waa ragga micnaha u yeelay aroosyadii laga qaadi jirey "sida rucubka naasaha hadba soo ruxaayo" oo fanaan nin ah qaadayo "Ha i raadsan" loo qaadayo dad is soo raadsaday dartoodna la isugu yimid, "filanmeyn Maryaney marna kaama filaneyn, "Guranyooy gabal kuu dhac" hees tacsi ah oo aheyd "Geellow ilaahii noloshaada hayee" Allaha u naxariistee nin Geelle la yiraahdo h**ey loogu qaaday, anigaaba joogay aroos laga qaadayay, boqolaal hees uu wax shaqo ah ku laheyn arooska iyo farxadda habeenkaas baa ka yeeri jirtey goobaha aroosyada oo lagu sii darey Zamzamey bal isaar iyo jaamkii dhalinyarada lol.
Waxaase jira dadka qaar oo uu kamid yahay xariif walaalkey ah oo Qasim Abdulle Husen la yiraahdo iyo koox lafihii h**e ah oo weli ka gadmi la'yihiin kacaanka cusub ee heesaha aroosyada kuna tilmaama suugaan sooreed ama fan sooreed, kooxdan waxaa ku jira rag uu fanku usoo dhaafin wixii ka danbeetay 1985 oo fanka danbe dhaliila, si weyna ii mucaaradi jirey waagii aan ku jirney hanaqaadka iyo kor u qaadidda fanka & fanaaniinta cusub, illaa ay qaarkood igu inkiraan hibada iyo mucjisadii ay fanka lasoo galeen ama kusoo kordhiyeen Farxiya Fiska, Hodan Abdirahman, Yurub Geenyo, Cawaale Aadan, Lafoole, BK, Nimcaan iyo qaar kaloo ka dhicin, illaa aakhirkii aan ka guuleysanay inteenii lasoo jaanqaadday laba kacleyntii fanka labaatankii sano ee u danbeysay.
Maxaa ka wanaagsan in la amaano boqoradda guursaneysa, halkii laga amaani lahaa gabar aan la aqoon oo magac u yaal ah sida Aamina, Maryan, Ifraax, Hodan ama faras, geel iyo deero, sow maaha haddiyad iyo farxad loo hibeeyay arooska, dhanka dhaqaalahana fanaaniintana u roon qofkii iyo dadka awooda iney iska bixiyaan.
Sida caadiga ah waxaa jirta qaacidda adag oo la iska indha tiri karin oo ah in hirarka ama mowjadaha badda la isku dhigin ee la is raaciyo, sidaas darteed hir faneedkan hirgalay is daad raaciya oo u liqa sida kaniini barastemol ah, waxba lagama qaban karo waqtigaan waxaana mahaddeeda leh raggaan sawirka idin kaaga muuqda oo dardar iyo xiiso gaar ah iyo dhadhan u yeelay fankii, geeyayna halkii ugu habooneyd, wey jiraan fanaaniin kale oo sameeya ama qaada balse afartaan dhalinyaro ayaa gaarsiiyay another level.