Shacabka Media News

Shacabka Media News FADLAN NAGU SOO BIIR

Hoggaamiyaha SSCKhaatumo: “Waan bogaadinaaa oo soo dhawaynaa saraakaashii ka soo baxday gacanta cadowga , waxaan kale oo...
03/05/2025

Hoggaamiyaha SSCKhaatumo: “Waan bogaadinaaa oo soo dhawaynaa saraakaashii ka soo baxday gacanta cadowga , waxaan kale oo bogaadinayaa doorka Raysal wasaare Barre ee is dhaafsiga maxaabiista.”

Dhalinyaro, Waxaan idiinla wadaagayaa in Facebook uu hadda  hal meel isu keenay dhammaan hababkii kala duwanaa ee lagu h...
03/05/2025

Dhalinyaro, Waxaan idiinla wadaagayaa in Facebook uu hadda hal meel isu keenay dhammaan hababkii kala duwanaa ee lagu heli jiray dhaqaale, waxaana loo bixiyay magac guud oo ah “Content Monetisation”. Tani waa nidaam cusub oo kuu saamaxaya inaad dhaqaale ka sameyso haddii aad buuxiso shuruudaha lagama maarmaanka ah.

Habkaan cusub waxaad dhaqaale kaga sameyn kartaa:
• Qoraallo caadi ah
• Sawirro
• Qoraal iyo sawir isla socda
• Muuqaallo iyo Reels

Waxaan ogaaday – sida aad ka arki doontaan sawirka hoose – in qoraallada caadiga ah iyo sawirrada ay xitaa dhaqaale ahaan ka wanaagsan yihiin muuqaallada caadiga ah ee la soo geliyo Facebook.

Haddii aad horay u oran jirtay “Muqaal ma duubi karo”, hadda fursad baa kuu furan: sawirkaaga iyo qoraalkaaga waa lacag!

Markaa dhalinyarooy, qabiil ha ku mashquulina — noloshiinna ku maareeya baraha bulshada si sharaf leh oo hal-abuur leh.

28/04/2025

Shariif ceeryaamo ayaa hada lagu xukumay 3 sano xadhiga shirkada isaaq leeyahay side UGA hadasha

26/04/2025

Xiisad Kacsan oo Ka Taagan DDS: Xukuumadda Mustafe Cagjar oo Xorriyadda Hadalka ku qaaday Duullaan Cusub


Dabayl cabudhin ah oo aad u culus ayaa ka kacaysa gudaha Dawlad Deegaanka Soomaalida (DDS), halkaas oo xukuumadda deegaanka la sheegay in ay si toos ah u bartilmaameedsanayso qof kasta oo dhaliila ama ka hadla xadgudubyada ka dhaca gudaha jeelasha. Toddobaadkan gudihiisa, xukuumaddu waxay si weyn u kordhisay weerarka ay ku hayso dadka ka arragtida duwan, gaar ahaan kuwa iftiiminaya tacaddiyada xuquuqda aadanaha ee ka dhaca xabsiyada magaalada Jigjiga.

Warbaahinta madax-bannaan ee Voss Tv, oo inta badan ka hadasha arrimaha deegaanka, ayaa dhowr saacadood kahor boggooda Facebook kusoo qoray: “Saddexdii habeen ee ugu dambaysay waxaa xabsiga la dhigay samafalayaal, wariyayaal, dhalinyaro aan siyaasadda ku lug lahayn, iyo dad uun wax ka qoray tacadiyadda — dadka la qafaashay oo ay ku jiraan qaar la xadhiidha ururka ONLF.”

Si kastaba ha ahaatee, xukuumaddu waxay weli ku faanaysaa in la hirgeliyey “xorriyadda hadalka” iyo in qof walba dhaliili karo maamulka. Masuuliyiintu waxay ku doodaan in dadka lasoo qabtay ay kicinayeen qalalaase, inkastoo aan midna lagu helin isagoo hubaysan ama ka qayb qaadanaya abaabul mudaharaad. Dad badan oo taageera xorriyadda hadalka waxay u arkaan arrintan mid si toos ah ugu jeeda in la aamusiiyo codadka kale, taasoo muujinaysa labo wajiyeyn — hal dhinac oo sheegaya dimuqraadiyad, iyo mid kale oo la dagaallamaya cid walba oo cod kale keenta.

Mucaaradka waxay ku eedeeyaan xukuumadda uu hoggaamiyo Mustafe Cagjar in ay si nidaamsan ugu howlan tahay in ay aamusiiso codad kasta oo madax bannaan, iyadoo doonaysa in keliya la maqlo codka ka soo yeedhaya madaxtooyada iyo golihiisa wasiirrada.

Dadka deegaanka ku nool ee isku daya in ay codkooda muujiyaan ama xisaabtan la yeeshaan masuuliyiinta waxay wajahaan halis weyn — waxaa la kulmaan caga juglayn, xadhig aan sharciyad lahayn, iyo cabsi joogto ah. Deegaanka wuxuu galay xaalad cabsi ku saleysan, taasoo si xun u wiiqeysa xorriyadda hadalka, isla markaana muujinaysa in dulmigu sii xoogeysanayo.

Waa waqtigii shacabka DDS iyo guud ahaan Soomaalidu ay codkooda kor u qaadi lahaayeen oo ay ka hortagi lahaayeen dulmiga socda. Aamusnaanta waxay kaliya xoojisaa gacanta caddaalad darrada.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha waxaa laga sugayaa in ay si cad oo muuqata uga hadlaan xadgudubyada ka socda DDS, si loo difaaco dadka cabudhsan loona ilaaliyo xorriyadda hadalka ee halista ku jirta.

26/04/2025

MADAXWEYNAHA BURKINA FASO OO U JAWAABAY MAREYKANKA & FARANSIISKA

Sidii aan h**e u soo warinay, madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Troare ayaa 16kii Abriil waxa uu ka badbaaday isku day la rabay in lagu dilo, dalkana looga abuuro qalalaase lamid ah kii h**e looga abuuray Soomaaliya, kaas oo ahaa in dadka la isku diro, lagana ilaaliyo intii waqti ah in ay yeeshaan madaxweyne talada kala wareega Troare. Jaraa’idada Faransiiska ayaa qoray in la qorsheeyey in markii dalku galo xaalad adag Burkina Faso la geeyo ciidamo nabad-ilaalin oo ka socda Qaramada Midoobay. Xataa waxaa la cayimay in ciidamada nabad-ilaalintu joogaan ilaa 30 sano.

Maalmo kabacdi markii uu dhicisoobay qalalaase abuurkii lala damacsanaa Burkina Faso, waxaa barlamaanka Mareykanka warbixin siiyey Jananka haysta Hawlgalka Mareykanka ee Afrika ama Africom Michael Langley. Jananka ayaa barlamaanka Mareykanka u sheegay in Madaxweynaha Burkina Faso uu caburiyo dadkiisa oo dalka aysan ka jirin wax xorriyad ahi, uuna la wareegay dahabkii dalka, asaga oo dahabka ku naasnuujiya inta ka agdhow.

Madaxweyne Ibraahim Traore oo ah Madaxweyne Afrika oo dhan laga amaanay, dadkiisuna aad u jecelyihiin, siiba dadka galbeedka Afrika, ayaa ka xanaaqay hadalka Jananka madow ee Mareykanka, kuna tilmaamay dhagar lamid ah tii Qadaafi loo qooshay.

Ibraahim Traore oo khudbad shalay u jeediyey dadkiisa xaflad lagu maamuusayo ciidamo cusub ayaa si dadban ugu jawaabay Mareykanka waxa uuna yiri:

“Wadankayagu wuxuu soo maray marxalado adag oo dhib badan. Dhallintiina halkan fadhida oo aan anigu ku jiro waxaan ku dhalanay nidaamkaas dhibka badan. Mana aha nidaam oggol in aan sameyno haba yaraatee wax hormar ah. Annagu marka maanta waa in aan laba kala doorano. In aan la dagaalano nidaamka saas na yeelay, ama in aan noqono adoomo la leeyahay.

Saan h**e idiin ku sheegay waxaa jira kuwo maskaxdooda la galiyey in ay yihiin adoomo, waxa kaliya oo laga rabaana ay yihiin in ay u shaqeeyaan kan iska leh ee mastarkooda ah, oo asaga kaliya ay daacad u ahaadaan. Kuwaas waa kuwa maalin kasta raba in ay been idin ka dhaadhiciyaan oo maskaxdiina ku ciyaaraan. Tashada oo wada tashada si aad isaga dhicisaan cadowga dhagarta idiin qooshaya. Ha dhegaysanina quraafaadka ay idiin sheegayaa kuwa maskaxda laga gumeystay oo ay warbaahinta la hor imaanayaan. Idinkaa la idin ka rabaa in aad noqotaan waddaniyiin oo aad waddankiina difaacdaan. Kuwa annaga noo hanjabaya halkan baan kula dagaalami doonnaa.

Waa in aad ogaataan kuwa la baxa NGO ama sheegta in ay yihiin hay’ado aan dawli ahayn, ay yihiin kuwo dawlado soo dirsadeen oo lacagta siiyaan. Waa hayado shaqadoodu tahay beenabuur iyo in ay niyadda idin ka jabiyaan oo idin baqdin galiyaan, si aydan u dagaalamin oo aydan uga dhiidhiyin dhagarta la idiin qooshayo.

Tusaale waxaa idiin ku filan Liibiya. Yaa burburiyey Liibiya? Waa isla hay’adahaas oo waxay abuureen warbixino wada beenabuur ah si bulshada loo kiciyo oo looga horkeeno dawladooda. Qadaafi waa galaafteen, dabadeedna waxay u soo wareegeen gobolkeena Saaxilka. Waa la dagaalamaynaa waana dacweyneynaa hay’addaan beerabuurka meel kasta la taagan. Ma aha kuwo cashar annaga noo dhigi kara oo maba laha dub naxa. Bal arag waxa maanta adduunka ka socda. May aadaan meelaha dhibku ka jiro oo difaacaan dadka difaaca u baahan inta ay beentooda annaga nala soo aadayaan. Xuquuqda aadanaha ay sheegayaan waxba k**a jiraan oo waxayba noo arkaan kuwo bini aadamka ka hooseeya oo aan nolol istaahilin. Waxay noo arkaan adoomo la yeelan karo. Waa sida ay la tahay. Laakiin waa mid annaga noo taal in aan tusno in aynaan ahayn adoomo ay yeelan karaan. Marka ha ka yeelina beenta ay la wareegayaan oo dantiina iyo dalkiina ka ilaashada.
Adduunku wuxuu soo maray dagaalo, dagaalkii labaad ee adduunkana kuwii is difaaci waayey ee inta noo yimaadeen dadkayagii askareeyey si aan u difaacno oo dabadeedna aan Naadsiga ka xoreynay, dalkaas baa maanta inta noo yimaado wuxuu rabaa in uu annaga cashar noo dhigo. Waxaad ka soo jeeddaan dadkii adduunka Naadsiga ka xoreeyey, maantana dalkiina ayaad u dagaalameysaan, kuwii aad shalay xoreeyseena maanta aflagaado bay idin la dul taaganyihiin. Yeeli mayno! Difaacda dalkiina, oo ka yeeli mayno inta noo yimaadaan in ay inta tuulooyin dhan baabi’iyaan ay macdan ka qotaan. Waan ka dagaalamaynaa taas, dalkayagana waa difaacaynaa. Macdanta annagaa iska leh. Annaga iyo jiilalka soo socda baa ka faa’iideyna, meeshii ay cid kale ka faa’iidi lahayd.

Aan mar kale idin xasuusiyo, dagaalka aan maanta ku jirnaa waa kii aan ku xoroobi lahayn oo aan ku diidayno in aan adoomo dad kale sii ahaano. Qalbiga farxad u sheega oo dhiiranaada. Dad bannaanka nooga yimid yeynaan yeelin beentooda, maxaa yeelay waxa ay u danleeyihiin waa in ay na adoonsdaan oo naga dhigaan kuwo aan waxba ahayn. Dagaal baan ka xignaa oo aan h**e u socono. Dhaqankiina ku adkaysta oo xasuus gooni ah u yeesha meel kasta oo aad ka timaadeen. Difaaca dalkiina oo karti ku naalooda.”

Intaas waxaa ku eg khudbaddii Madaxweyne Ibraahim Traore.

Dhanka Soomaaliya, Soomaalidu maxay ka baran kartaa Burkina Faso iyo Madaxweyne Ibraahim Traore, mise waxay Soomaali sii wadi doonaan in ay dhegta u raariciyaan kan dilaya, dhacaya, isku diraya, dalkana kala wareegaya, oo macdantooda iyo batroolkooda u socda in uu dalkiisa ku dhiso adna aad ka gaajooto?

25/04/2025

Maxamed kaahin inuu meel ka so baxo ama madaxweyne noqdo reer abtigii ayaa xiniyaha ka laalada habar awal wiilka idinka dhale xiniyaha uga fuqa

25/04/2025

Diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Cirka Mareykanka ayaa ka degtay magaalada Jaipur ee dalka Hindiya, iyadoo kasoo duushay saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Cudaydi ee dalka Qatar.

Sidoo kale Saacado yar ka hor, diyaarado milatari oo ay leedahay i'sr33l ayaa ka degay saldhigyo kala duwan oo gudaha Hindiya ah.

📌 Ma is leedahay waxay isku dayayaan inay hurinayaan dagaalka soo jireen ka ah ee u dhexeeya Pakistan iyo Hindiya?

xogtaan waxay muujinaysaa dhaqdhaqaaqayada milatari ee kordhay, maadaama maalmahaan xiisada udhaxaysa hindiya iyo Pakistan ay aad cirka isugu shareertay kadib markii dad gaaraya ilaa 28 qof oo hindi ah lagu dilay gobolka kashmiir, Weerarkan waxaa gaysatay oo sheegtay kooxda TRF.

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Hindiya ayaa ku tilmaantay weerarka mid “si toos ah looga soo maleegay dhulka Pakistan,” waxayna sheegtay in dambiilayaashu ka heleen taageero milatari iyo maaliyadeed dhinaca Pakistan.

Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in Hindiya aysan “ka aamusnaan doonin weerarkaan, isla markaana ay talaabo cad qaadi doonto si looga aargoosto dambiilayaasha iyo kuwa taageeray."

Dhinaca kale, Pakistan waxay si adag u beenisay eedeymahaas, iyadoo sheegtay in aysan wax lug ah ku lahayn weerarkaan, isla markaana waxay ku tilmaantay eedeynta mid lagu kala jeedinayo dareenka dadweynaha Hindiya iyo in laga gambado su’alaha shacabka dalku iska waydiinayaan.

24/04/2025

Naagahan somalida qurbaha ku wareeray dumarka masakinta kicinaya meel ha looga so wada jeesto falis wacwac waxay ku doodasa in dumarku dalaqa ka iibsadan nimanka qaba

23/04/2025

Khayraadki somalia intii hadhsanayd turkey ayaa gacanta laga saaray SI bilaasha waliba umada somaliyed God dheer ayay ku dhacday

Waakan qodobada heshiiska cadeynaya dawlada turkiga lala galay hadaba meesha waxa taala waxa weeye 5% ayaa loo ogoladaya...
23/04/2025

Waakan qodobada heshiiska cadeynaya dawlada turkiga lala galay hadaba meesha waxa taala waxa weeye 5% ayaa loo ogoladaya dhaman umada somaliyed sidee Marka ansax u noqon karaa heshiiskan

23/04/2025

Baabulahi oo ciidanka madaniga habar jeclo ka xanaqay tolkii waa bilaa hub quwada habar jeclo hadan Laga hor tagin inaga ayay ina laynayaan

23/04/2025

Hindiya ayaa hoos u dhigtay xiriirka diblomaasiyadeed ee Pakistan, waxaana inuu toddobo maalin uga baxo Hindiya loo qabtay u qeybsanaha dhinaca milatariga ee safaaradda Pakistan ay ku leedahay New Delhi, intaa oo kaliya ma ahee waxaa la joojiyay heshiisyada u socday labada dal , halka sidoo kale ay Hindiya xirtay xadka ay la wadaagto Pakistan.

Arrimahan oo dhacay waxay la xiriiraan go’aan ay Hindiya uga jawaabayso, dhimashii ugu badnayd , tan iyo 2000 oo Hindi lagu dilay oo ka dhacday gobolka ay Muslimiinta degganyihiin ee Khashmiir, halkaa oo shalay lagu dilay 36 Hindi ah , wallow la xiddiday faafinta tirada dhimatay, kaddib markii rag hubaysan oo soo xirtay dharka ciidanka Hindiya ay rasaas ku fureen dalxiisayaal Hindi oo ku sugnaa gobolkaa. Hindiya ayaa ku eedeysa Pakistan inay taageerto muslimiinta Kashmiir ee doonaya inay madax bannaani ka helaan Hindiya.

Address

Surabaya
60281

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shacabka Media News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Shacabka Media News:

Share