16/05/2026
Sadexdan sababood ayaa mooge ku kaliftey inuu sii galaafto saaxiibkii maayir kuxigeen khadar
Xogtan oon helay 15 cisho kahor oon umadana lawadaagin waxaan jeclaystey inaan imiga sobandhigo maadaama oon arkayo dad su'aashan iswaydiinaya!
"Maayir mooge xumaa oo qabyaalad badanaa muxuu saaxiibkii khadar kursiga maayirnimo ugu dhisi-waayey maadaama oo mudo 5 sano ah maayir xigeen u ahaa"?
1) sanadkii 2024 kii waxa dhacday in maayir mooge wadanka ka dhoofo, intuu maqnaa waxa dhacday in maayir kuxigeenku ahna kusimaha maayirka wakhtigaas inuu dhul si khalad ah ugu sii saxeexay nin ay ilmaadeer yihiin oo sacad muuse ah, dhulkaas oo ay lahaayeen qoys danyar ah oo isla beelweynta sacad muuse ah ka soo jeeda, dhulkaasi wuxuu kuyaaley xaafada 150 ka ee magaalada hargeysa, ladib qoyskii danyarta ahaa dhulkii ay lahaayeen ee ninka kale ee ganacsatade ah loo saxeexay markii ay arkeen way kudagaalameen dhulkoodii, kadib waxa dhacday policekii dhulka ilaalinayey in mid ka mid ah xabad kaga qaraxaday islaantii qoyska danyarta ah dhashy, kadib arinkii si hoose ayaa lagu dhameeyey oo qoyskii islaantu ka geeriyootey waxa isla markiiba lasiiyey magtii/diyaadii hooyadii qoska ee geeriyootey, sidoo kalena dhul kale oo xaafada labada boqol kuyaala waa lasiiyey, madaama oo doorasho soo dhowyd arinkaa madaxweyne h**e muuse bixii baa si hoose udhameeyey
Markii maayir mooge kusoo noqday dalka wuxuu ogaadey waxa dhacay, aadna wuu ucadhooday, talaabadii ugu horasay ee uu qadona waxay ahyd inuu maayir xigeenkiisa khadar kajoojiyo dhamaan wixii saxeex dhul ah, sidoo kale wuxu xiligaas go'aamiyey inuu wax aan waxba ka jirin dhamaan wixii saxeex dhul ee uu khadar sameeyey ay waxba k**a jiraan yihiin, kadib watii khilaafkoodu cirka isku dhareeray, maayir mooge ila hada wax saxeex dhul ah uma ogoleyn maayir xogeenkiisa khadar
2) maayir xogeenku wuxuu dhistay laba fooq intuu xilka hayey, sida dadka badankiisu ogyihiin, kuwaas oo kuyaala wadada 150 ka ama xaafada 150ka hargeysa, markii maayir mooge waydiiyey lacagtan xageed ka keentay ilaa aniga oo maayir ahiba lacagta intaas le'eg ee labada fooq lagu dhisay maan heline? Wuxuu ugu jawaabey waa lacagtaydii anigaa shaqaystey, Shakiga uu kaqabey wuu sii laba jibaarmey xiligaas
3) maayir kuxigeen khadar dhowaan markuu uu maayirka doonayey wuxuu kaxastay xildhibaanada intii ugu shaadhka madoobeyd uguna liitey akhlaaq ahaan iyo amaano ahaanba, sida xildhibaan juxe oo h**e u ahaa xoghayihii dalwada hoose xilgii soolteeko, cudhay oo aad garanysaan oo ah ninka ciyaalka iyo islaamaha khudaarta kolba dhex carara sidii nin waalan, siikaawi oo aad garanysaan sida uu udhaqmo, akhlaaq ahaan iyo dhaqan ahaan midna fiicanayn, nin nadiifa waxa kujira garabka khadar xildhibaan siciid jaamac oo isagu aan maayir iyo kuxigeen midna dooneyn
Hadaba maayir mooge wuxuu kala doortay 17 kii xildhibaan ee mudada 5 Ta sano ah lasoo shaqeeyey, wuxuuna dooraty rag aan caasimada halkii ay katimid dib ugu celin doonin oo raadkii iyo wanaagii uu maayir mooge magaalada geliyey dib umasixi doonin