Cashuur media

Cashuur media War deg-deg ah oo sugan.

 ~ Ciidamdo sheegtay in ay ka tirsan yihiin dowladda fadaraalka ayaa xalay ka Guuray xeradii ay ka daganaayeen Dagmad Ca...
08/08/2026

~ Ciidamdo sheegtay in ay ka tirsan yihiin dowladda fadaraalka ayaa xalay ka Guuray xeradii ay ka daganaayeen Dagmad Carmo, Sarkaal ka tirsan ciidankaasi oo la hadalay Warbaahinta Daljir ayaa sheegay in ay u guureen talisyo ay ku leeyihiin deegaano ka mid ah gobolka Bari.

Goordhow la soco Waraysigga Sarkaalka ciidamadaasi ka tirsan ee u warmay Warbaahinta Daljir.
Cashuur media

08/08/2026

Writing
🏆 XUJO QAALI AH & ABAAL-MARIN QAALI AH 🎁

Ma diyaar baad u tahay inaad tijaabiso aqoontaada iyo garaadkaaga? 🧠

❓ XUJADA: [Halkan ku qor xujada]

🎁 ABAAL-MARINTA: Qofkii si sax ah uga jawaaba xujada oo guusha hela, waxaa la guddoonsiin doonaa abaal-marin qaali ah oo gaar ah.

📌 Shuruudda: Qof kasta hal jawaab oo sax ah ha bixiyo.

🏆 Guuleystaha: Qofkii jawaabta saxda ah bixiya ayaa noqonaya GUULEYSTAHA XUJADA.

✨ Nasiib wacan dhammaan ka qaybgalayaasha!

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi ayaa ka falceliyay heshiiska difaaca wadajirka ah ee maanta ay gaareen ...
08/08/2026

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi ayaa ka falceliyay heshiiska difaaca wadajirka ah ee maanta ay gaareen Turkiga,Pakistan iyo Sacuudiga, isagoo sheegay Iiraan oo kaligeed ah inay awooday iska caabinta iyo ka hortagga ciidanka lagu bixiyo dhaqaalaha ugu badan caalamka, isku-tagga Muslimiintana uu dhalinayo awood ballaaran oo cadow kasta ay isaga difaaci karaan.

Wuxuu intaa ku daray;

“Marka Muslimiintu si wadajir ah u istaagaan, waxaan awoodnaa inaan si toos ah uga hortagno caqabad kasta oo ay keenaan shisheeyaha xaasidka ah.”

Waxaa kaloo uu yiri;

“Waxaa la gaaray waqtigii aan ku tiirsanaan lahayn nafteena oo keliya, isla markaana aan qaadan lahayn walaaltinimo dhab ah.”

🌅 SUBAX WANAAGSAN DHAMAANTIIN ☀️Subax wanaagsan dhammaan dadka qiimaha badan ee nala socda. 🤍Ilaahay ha inooga dhigo sub...
08/08/2026

🌅 SUBAX WANAAGSAN DHAMAANTIIN ☀️

Subax wanaagsan dhammaan dadka qiimaha badan ee nala socda. 🤍
Ilaahay ha inooga dhigo subaxdan mid ku bilaabata nabad, caafimaad, farxad iyo barako, hana inoo fududeeyo dhammaan hawlaha iyo qorshayaasha maanta.
🌿 Maalin kasta waa fursad cusub oo lagu bilaabi karo rajo cusub, dadaal cusub iyo guul cusub.

Subax wanaagsan, maalin wanaagsan, nolol wanaagsan. 🤲✨
❤️ Like • 💬 Comment • 🔄 Share
Cashuur Media — Wararka iyo Wacyigelinta Bulshada

07/08/2026

Faahfaahino kala duwan oo kasoo baxaya qarax Caawa ka dhacay bartamaha Hargaysa.

Cashuur media

  DEGDEG: Faahfaahin: Sida ay saraakiil ka tirsan Ciidamada Somaliland noo sheegeen, 4 askari oo ka yimi furimaha h**e e...
07/08/2026

DEGDEG: Faahfaahin: Sida ay saraakiil ka tirsan Ciidamada Somaliland noo sheegeen, 4 askari oo ka yimi furimaha h**e ee Oog ayaa bambo-gacmeed ay siteen ku qarxay caawa, iyagoo ku sugnaa xaafadda Biibsiga ee Hargeysa.

Laba kamid ah askartaas ayaa dhaawac halis ahi kasoo gaadhay qaraxa bamkaas.

Mohamed Yusuf Bakayle.

Cashuur media

LAFTAGAREEN: "Dowladda Koonfurgalbeed, waxa ay caddaynaysaa in aysan qeyb ka ahayn doorashada sharcidaradda ah ee uu Xas...
07/08/2026

LAFTAGAREEN: "Dowladda Koonfurgalbeed, waxa ay caddaynaysaa in aysan qeyb ka ahayn doorashada sharcidaradda ah ee uu Xasan Shiikh ka wado Muqdisho, qeyb k**a nihin, mana aqoonsanin cid wakiil nooga ahna ma jirto."

Cashuur media

Waxaa Arbacada, 12-ka Agoosto la filayaa inuu ka dhaco qaybo kala duwan oo dunida ah qorrax madoobaad. Meelaha qaar ayaa...
07/08/2026

Waxaa Arbacada, 12-ka Agoosto la filayaa inuu ka dhaco qaybo kala duwan oo dunida ah qorrax madoobaad. Meelaha qaar ayaa laga arki doonaa madoobaad buuxa, halka meelo kalana laga arki doono madoobaad qayb ah.

Haddii aadan si toos ah xitaa u arki karin, waxaa jiri doono muuqaallo cajiib ah oo ay suurtagal tahay in laga baahiyo meelo kala duwan oo dunida ah.

Waa maxay qorrax madoobaadka?

Madoobaadka qorraxda ayaa dhaca marka dayaxu u dhaxeeyo dhulka iyo qorraxda, taas oo xannibaysa qayb ama dhammaan iftiinka qorraxda ee ina soo gaara.

Noocyo kala duwan ayaa jira oo madoobaadka qorraxda ah. Nooca aad arki doonto wuxuu ku xiran yahay meesha aad ka joogto Dhulka iyo masaafada u dhexeysa Dayaxa iyo Dhulka.

Wuxuu dhacaa madoobaadka buuxa marka Dayaxu si qumman ugu beegmo Dhulka iyo Qorraxda, isagoo gebi ahaanba daboolaya Qorraxda. Markaas cirka ayaa mugdi noqda, wuxuuna u ekaadaa waaberiga ama maqribka.

Arrintan waxaa arki kara dadka ku sugan qaybta dhexe ee hooska Dayaxa.

Mararka qaarkood waxaa hareeraha Qorraxda madoobaatay laga arkaa iftiin u eg taaj. Taas waxaa la yiraahdaa koroonada qorraxda, waana lakabka ugu dibadda badan ee jawiga Qorraxda, kaas oo caadi ahaan aan la arki karin sababo la xiriira iftiinka xooggan ee dusha Qorraxda.

Haddii aad ku sugan tahay hooska dibadda ee Dayaxa, waxaad arki doontaa madoobaad qayb ahaan ah. Xaaladdan, Dayaxu wuxuu daboolayaa qayb keliya oo Qorraxda ka mid ah, Qorraxduna waxay isu beddeshaa qaab bil u eg.

Nayroobi: Ganacsatada iyo waxgaradka beesha Daarood ee dalka Kenya ayaa kulan muhiim ah la qaatay Garaad Jaamac Garaad C...
07/08/2026

Nayroobi: Ganacsatada iyo waxgaradka beesha Daarood ee dalka Kenya ayaa kulan muhiim ah la qaatay Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah isimada ugu facaweyn Beesha Daarood.

Cashuur media

  Waqooyi-bari oo laga reebay mashruuc 245 Milyan oo dollar 💵  ku kacaya xili ay ku mashquulsantahay Soo Dhoweynta iyo G...
07/08/2026

Waqooyi-bari oo laga reebay mashruuc 245 Milyan oo dollar 💵 ku kacaya xili ay ku mashquulsantahay Soo Dhoweynta iyo Gabaad siinta Malayshiyaadka Puntland ka cararay

Cashuur media

Address

Jaipur

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cashuur media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Cashuur media:

Shortcuts

Share

Category