
31/12/2023
Ma dhahday Alxamdulilaah Maanta?
Ma doonaysaa in aad si deg-deg ah u hesho Farxad iyo Deganaan Maskaxeed?
Sawirkan wuxuu xambaarsan yahay macna weyn! Ninkani wuxuu ka welwelsanaa kabo la'aanta heysa, wuxuu ka fakirayay kabo qaali ah oo uusan haysan lacag uu ku iibsado.
Waxaa soo ag maray nin iska dhaaf Kabo uu xirtee aan Lugaba lahayn, hadana faraxsan.
Wuxuu isla marki iska hilmaamay Murugadi heysay, wuxuu dareemay qanacsanaan iyo qabow gudaha ah!
Haddaba, Badi Dikriga Alle SWT. Ku Shugri Nimcooyinka Alle ku siiyay, ha ka welwelin dhibaatada ku heysa oo keliya, ha ka murugoon wixi kaa maqan. Ku Qanacsanow waxa aad heysato iyo halka aad joogto.
Xusuusnow mar kasta waxaa jira dad kaa liita, aan heysan waxa aad heysato hadana ku faraxsan Noloshooda.
Ogow wax la is Xusuusiyo waxaa ugu wanaagsan Xuska Alle, had iyo jeer Xus oo ku Xamdi-Naq Naxariista iyo Nimcada Alle ku siiyay
Dheh: Alxamdulilaah