05/12/2025
"Mid ka mid ah Wiilasheyda oo hada Xaasle 4 Caruur ah dhalay ah ayaa Qadar anagoo joogna xanuunsaday oo Caloosha laga qabtay, ilaa uu sariir la koray oo Oxygen lagu xiray koomana uu la galay, Dowladda Qadar ayaa igu tiri Wiilka waxaan u diraynaa Dhakhtar Arimaha Caloosha takhasus ku eh oo England jooga, wixi qarash ahna anagaa qabna"
"Marki Safarki 4 Maalin ka harsan tahay ayaa waxaa la ogaaday in dhakharki fasax galay, waxaana nalagu wargalshay in Safarkii uu dib u dhacay, Wiilka dhakhtarka lagama saari karo Oxygen tu joogto ayeey ugu xiran tahay walaacu waa intii la doono, anagoo Isbitaalka ku yaal Qadar ee Wiilka aan ku haynay joogna ayaa dhakhtar Bakistaani ah igu yiri inta gaar iila baxay Wiilkaan Isbitaalka ka saaro oo qur'aan saar wax kale uma baahna, Hana isheegin hadii kale shaqada ayaa kayga burinayaa ayuu igu yiri"
"Markiba go'aankiisa ayaan qaatay waxaana dhaqaatiirti ku iri Wiilkeyga waa la baxayaa, waa layga diiday waxaana laygu yiri ma dhici karto Ninkaan xaaladiisa ma sahlana, waa ku madax adeegay oo waxaan ku iri sow aniga Aabbihii maahi ilaa marki dambe laygu yiri Saxiix wixi ka yimaada inaad adiga Masuul ka tahay, waan saxiixay Wiilkeygi ayaan soo kaxaystay Guriga ayaan keenay"
"Ardaydi iyo macalimiinti ayaan isugu yeeray waxaana ku heshiinay in aan 7 Maalin oo isku xigta Maalin Walba qur'aanka ku dhameeno dushiisa oo aan qaybsanno, Maalinki koobaad aan bilownay ilaa Maalinki Sadaxaad Ninki Faleembada ay Cunada u ahayd wuxuu bilaabay in uu wax liqo, miirkiisu usoo laabto, Maalinki Lixaad markaan mareenay wuxuu bilaabay inuu soo fariisto socod bilaabo aadna u caafimaado, kadibna uuba na weydiiyo aaway Xaaskeygi oo markaas Xaasle ayuu ahaa"
"Alle mahadii Wiilki oo noo fiicnaaday ayaan isbitaalki ku celinay dhakhaatiirti hawshiisi gacanta ku heesay waaba yaabeen war Ninkan sow maaha kii Gaari in la saaro mooyee aan kici karin, maxaad ku sameyseen, waxaan u sheegnay un in aan qur'aan ku akhrinay allena inoo caafiyey.
"Dad ayaa igula talshay in Fursaddi Dowladda Qadar nasiisay aan uga faa'iideysto in aan dacwada ku fidiyo oo Aan bulshada la kulmo Halka wiilkeyguna uu uga faa'iideyto baaris guud oo uu maro, kadibna Wiilki loo qorsheeyey awal 6 Kursi oo isku xigta in Diyaarada looga qabto si sariir looga dhigo iyo anigi oo soconayna ayaa alle fadligii Diyaaradi fuulnay oo England u amba baxnay"
"Markaa Isbitaalki tagnay ileen magaca iyo xaalka Wiilka Dhakhtarka waa loo gudbiyee waxaan irida uga galinay Wiilki oo soconaya, kadibna wuxuu yiri war Ninki xanuunsanaa oo dowladda Qadar iisoo gudbisay Nin sariir saaaran ayuu ahaaye waa maxay ninkan soconaya ma mid kale ayaad kusoo bedesheen ayuu na weydiiyey kadibna waxaan ugu jawaabay in uu isagii yahay, maxaa ku sameyseen ayuu na weydiiyey kadibna waxaan u sheegnay in aan Qur'aan uu Nabi Maxamed SCW Alle kusoo dajiyey ku akhrinay sidaasna uu ku caafimaaday"
"Dhakhtarki wuxuu yiri anigu layaab ayeey ila tahay waxa aad sheegeysaan xaalada la iiga soo gudbiyey Ninkan iyo sida uu hada yahay waa kaaf iyo kala dheeri, balse baaris 2 bil qaadaneysa ayaan ku sameynayaa Ninkan ayuu yiri Maadaama Qadar ay Lacagta ka shubtay, labadaas bil uu wiilkeygu baarista ku jiray aniguna Masjidka ayaan kulamo Diimeed ku qabanayey oon Soomaalida muxaadaro ugu qabanayey"
"2 Bil kadib waxay soo saareen jawaab ah in Wiilkeygu caafimaad qabo, taasoo cadeeneysa inaan helnay Dawadi alle oo ah mid tooda ka qiima badan kana fiican, hadaba yaqiin la imaada oo Qur'aanka cidi idinka xanuunsan saara, Alle ayaaba Qur'aankiisa noogu sheegay in uu Dawo yahay Qur'aanku in aan isku akhrinana ay faa'iido weyn noogu jirto"
Shekh Cabdirashiid Shekh Cali Suufi.