Guulwade

Guulwade Guulwade news waa madal utaagan u adeegida bulshada aan hadlin kuwaaas oo ku nool Dalka iyo dibadaba waxaan u noqon doonaa dad matala markasto nala saaxib

Shaqadiisii ayuu ku waayay.Elon Musk, oo ah ninka sanadkii h**e iibsaday Twitter-ka ayaa mid ka mid ah injineerada Twitt...
13/02/2023

Shaqadiisii ayuu ku waayay.

Elon Musk, oo ah ninka sanadkii h**e iibsaday Twitter-ka ayaa mid ka mid ah injineerada Twitter-ka ka eryey shaqada ka dib markii uu runta u sheegay.
Elon Musk ayaa isugu yeedhay la taliyaasha shirkadda iyo injineerada, isagoo ka cabanaya in dadka ku xidhan bartiisu badanyihiin, balse dad koobani uun ka falceliyaan waxyaabuhuu soo qoro "tweets". "Waxa igu xidhan wax ka badan 100 milyan oo followers ah, haddana waxaan helaa uun kaliya tobanaan kun oo falcelinood" ayuu Mr. Elon Musk yidhi.

Injineer ka tirsan shirkadda ayaa si sahlan u yidhi: "waxaan laga helin qormooyinkaaga, ee sabab kale ma jirto".
Elon Musk ayaa sidaas shaqada kaga eryey injineerka.

23/04/2022

Magaaladda baldweyne waxaa laga maqlayaa jug xoogan waxaana jugta xiigay xabado

QORAAL QIIMO BADAN OO UU JAWHAR GUUSHA KARAMARDHA KA QORAY LABA SANO KAHOR.SHARE GAREE QORAALKAN HOOSE⤵️Ma gafbaa mise t...
06/03/2022

QORAAL QIIMO BADAN OO UU JAWHAR GUUSHA KARAMARDHA KA QORAY LABA SANO KAHOR.

SHARE GAREE QORAALKAN HOOSE⤵️

Ma gafbaa mise toloow aqoon darra ayaa jirta?.

Kaaramardha in loo ekeysiiyo meel Dowladdi Dergiga kaliya kaga adkaatay Dowladdii Siyaad Barre, Ethiopiana guul loo qiro in loo ekeysiiyo, waa qalad aad u ballaaran. Taariikhdu markasta waxay u baahantahay in la xuso labadeeda waji, waxay ku fiiriyeen kaliya ishii Dergiga iyagoo hilmaamay taariikhdii shacabka Deegaankaas.

Shacabka Somaliyed iyo Shacabka bariga Oromiyaba dagaalkii waagaas dhacay guul kuma xasuusto laakiin wuxuu ku xasuustaa xasuuqyadii soo gaaray shacabka iyo Barakacoodi ugu ballaarnaa.

Dowladdi Dergigii waagii dagaalku dhacay markii laga adkaaday xanaaqii guul darrada Shacabkii ayeey hubkii waawaynaa la dheceen iyagoon u aabba yeelin somali iyo oromaba, markeey guuleysteenna sidoo kale shacabkii ayeey baabiiyeen iyagoon caruur, waayeel, dumar, magaalo, baadiye iyo wixii la mid ah midna u aabba yeelin. Baadiye iskaba dhaafe war shacabkii daganaa magaalooyinka Harar iyo Dirdhabe ayaa la tirtiray.

Taariikhda dalkani waa mid aad u wajiyo badan, markastana haddaan taariikh ayaan xusi tirahdo waxaad un xusi aragtidi waagaas kuwii xukunka hayey, ee ma xuseysid taariikh ummadaha dalkani wada leeyihiin, haddee Dowladduna waa mid ummadaha dalkan dhammaantood wada matasha, marka taariikhda inta la isku uruuriyo in taariikh midkasta uu ugu yaraan dhib u arkeynin in la dhiso ayaa habboon.

Dhanka kale markaad taariikh xuseysaan waa inaad aad iskaga ilaalisaan inaad hal dhan kaliya ka eegtaan, sababtoo ah qowmiyadaha, mid markuu arrin guul u arko, mid kale ayaa u arkaya ceebeeyn isaga la ceebeynaya, marka maanta in Hogaamiye Oromo ahi uu taarikhda intuu hal dhan kaliya ka eego walaaladeen Somalida ka xanaajiyo waa qalad ballaaran.

Iyadoo la rabay in la dhiso Ethiopia cusub, oo qowmiyad kasta ku faanto, oo positive ah, maxaa keenaya in la soo qufo taariikh h**e oo xanuun badan, oo boog ah, loona kicinayo xusuus xanuun badan?. Shacabka Somaliyed maadaamaa marki ugu horreysay hogaan Oromo ahi dalka xukumo waxay billaabeen ineey neefsadaan ooy is yirahdaan xuquuq baanu heleynaa laakiin nasiib darro waxaa muuqata in boogtoodi cusbo lagu shubayo, waana mid xanuun badan runtii. Arrimaha noocaan ah haddaan laga fiirsanin darisnimadeena iyo xiriirkeennaba waa mid mugdi galineysa runtii.

Shacabka Somaliyed innagu inoo daris kaliya ma ahane, waa inoo walaal runtii, halganka Shacabka Oromiya walaalka kaliya ooy lahaayeen waa Somalida, waagii Ethiopia-yadii xumeed billoowday ineey Shacabka Oromiya tirtirto hooskii aan harsannay Somali ayeey ahaayeen runtii. Halgankii Waaqoo Guutuu iyo kii Galaasa Dilboo-ba waxay dabada la galeen Somali, sidaas ayeeyna halkan innagu soo gaarsiiyeen.

Waagii Dowladdii Dergiga gobollada Bariga Oromiya sida Harargee iyo Baali jabhadaha ayaad taageertaan inteey yirahdeen aay xasuuq ku billaabeen Shacabka Oromada ee Beeraleyda ahaa ee gobolladan, dumarkii iyo maatidi xasuuqa ka soo haray waxaan ula baxsannay Somaliya, waagaas runtii intii ka soo hartay xasuuqyadaas waxaa inoo badbaadiyey Shacabka Somaliyed.

Runtii Shacabka Oromada iyo halgankoodaba Dergigii barakiciyey ee xasuuqay iyadooysan ahayn waxay ahayd ineey xusaan abaalkii Shacabka Somaliyed ee maatida inoo qaaday, inoo badbaadiyey, halgamayaasheenina garabka iyo gaashaanka u noqday. Taariikhdeennu waa ineey ku saleysnaataa runtaan bannaanka taalla.

Halkan ka eeg qorqalka Jawhar uu xiligaas soo galiyay.https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=10105236916224703&id=215693

W/Q: Jawar Mohammed.

W/T: Abdullah Abdurrahman Osman

Gujiskan waxaa leh Ruushka. Waa gujiskii ugu weynaa ee bsharku sameeyo intii uu jiray. Midowgii Soofiyeeti ayaa sameeyay...
05/03/2022

Gujiskan waxaa leh Ruushka. Waa gujiskii ugu weynaa ee bsharku sameeyo intii uu jiray. Midowgii Soofiyeeti ayaa sameeyay, kharashka ku baxay waa $5Bilyan. Weynankiisa marka la suuraynayo kan ugu dhow waa mid Maraykanku haysto oo waxa uu ka weyn yahay todobo jeer wax ka badan. Shaqadiisu waa gujis xambaarsan hubka aadka wax u gumaada ee Nukliyeerka.

Waxa uu xambaarsan yahay gantaallo qaaradaha isaga goosha oo nukliyeer sida. gudihiisa 160qof ayaa ku jira, muddo saddex bilood ka badan ayuu badda ku jiri karaa gudaheeda isagoon meel xeeba iman, oo agabkiisa oo dhami waa u dhamaystiran yahay. Magaciisa ama code-kiisa fure illaa hadda NATO ma aysan ogaan. Waxa uu awood u leeyahay inuu daqiiqado kooban ugu yaraan Yurub haafkeed dadka ku nool uu dunida uga ciribtiro. Waxa uu layn karaa bilaayiin qof maalin gudaheed hubka uu xambaarsan yahay aawgiis.

Ciidamada badda ee Ruushka ayaa xeebaha badda madow soo istaajiyay. Waa farriin loo dirayo galbeedka in aaladdii ugu awoodda badnayd ee aadame hindiso inay diyaar tahay oo dagaal Nukliyeer uu dhici karo haddii ay Ukraine caawimaad ciidan u fidiyaan. Gujiskani daqiiqado gudahood ayuu London, New York iyo Paris waxa ku nool ku cirib tiri karaa. Ukraine dhowr mar bay ka codsatay galbeedka in hawadeeda laga dhigo mid ka caagan diyaaradaha, se waa ay ka diideen Galbeedku, oo waxa ay ku sababeeyeen dagaal toos ah oo Ruushka lalaglo inuu dhici karo, sababtaas ayaynu u diideen.

Awoodda nukliyeer ee gudihiisa ku jirta waxa ay ifin karta magaalooyin badan oo caalamka ah. NATO waxa ay ku tilmaantay agab cajiib ah oo qaabka loo sameeyay uu argagax yahay oo halis ku ah jiritaanka basharka. Lix xabo oo isaga ah ayuu Soofiyeetku qorsheeyay inuu samaysto, shan buu dhamasytiray, shantii kan oo kaliya ayaa ka shaqeeya maanta oo active ah, afartii kale waa kuwa la fariisiyay iyo kwa kayd ah. Isaga oo qura ayaa halis ku ah nabadda dunida.

2015-kii sida sawirka ka muuqdo sidaas ayay u qurxoonayd walaasheen, adiguna lagaama celin karin hada oo ay walaasha kuu...
01/03/2022

2015-kii sida sawirka ka muuqdo sidaas ayay u qurxoonayd walaasheen, adiguna lagaama celin karin hada oo ay walaasha kuu bahantahayna waad isdhaafinaysa ee fadlan caawi . Xafsa Cabduqaadir Shariif 2019-kii ayuu wejigeedii & quruxdeediiba sidaas isku badalay laakiin iyadoo u adkaysanaysa xanuunka haya ayay ka qalin jabisay jaamacad. cudurka ayaa ku kordhay mana aha wax ay iyadu dooratay laakiin waa xaalad caafimaad waxa sidaas ka dhigay .

Waxaa iskugu darsamay laba xanuun oo halis ah oo kala ah Systemic lupus erythematosus “ Difaaca jirka ayuu la dagaalama & rhumatiod arthritis “ roomatiisin. Maanta ma haysato qof caawiya. Dalka dibadiisa ayaa wax looga qaban karaa fadlan waxaa awoodo uga qaybqaado badbaadinta waalasheen.

0618451463

Yukreeniyaanka ayaa aad u amaanaya kartida iyo tayada sare ee ay leeyihiin Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga e...
28/02/2022

Yukreeniyaanka ayaa aad u amaanaya kartida iyo tayada sare ee ay leeyihiin Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ee Bayraktar TB2, iyagoo ku amaanayan sida mucjisada leh ee ay uga qaybqaateen dagaalka ay kula jiraan Ruushka.

Safiirka Ukraine ufadhiya Ankara, Vasyl Bodnar ayaa sheegay in diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar ay si hufan uga qaybqaateen dagaalka wadankiisu kula jiro Ciidamada kusoo duuley ee Ruushka.

Muuqaalo si wayn saxaafada ree Galbeedku u baahisey ayaa muujiyay diyaaradaha Bayraktar ee Turkiga oo si arxandaro ah u garaacaya guutooyin kamid ah Ciidamadii Ruushka ee ku sinqayay iney qabsadaan Caasimada Ukraine ee Kyiv.

Diyaaradahan Turkiga ee Bayraktar TB2 ayaa h**ey uga soo qaybqaatey dagaalo ka dhacay Liibya, Suuriya, Nagora karabakh iyo Itoobiya oo dhamaantood ay kusoo guuleysteen hadana waxay si firfircoon uga qaybqaadanayaan dagaalka udhexeeya Ukraine iyo Ruushka.

Khuburada arimaha Milatariga falanqeeya ayaa aaminsan in ilaa hada ay wali diyaaradaha Bayraktar la kulmin Ciidan leh awood dagaal oo Electaroonig casri ah iyo nidaamyo difaac oo Tayo sare leh.

Qiimaha suuqyada saliidda(oil) ee Caalamka ayaa kordhay 5.5% saaka iyadoo foostada saliidda(oil) ah noqotay 103 ilaa 105...
24/02/2022

Qiimaha suuqyada saliidda(oil) ee Caalamka ayaa kordhay 5.5% saaka iyadoo foostada saliidda(oil) ah noqotay 103 ilaa 105 dollar.
Suuqyada maaliyadeed ee caalamiga ah ayaa hoos u dhacay, qiimaha saliidda(shidaalka) ayaana sare u kacay ka dib markii Ruushku uu bilaabay weerarka muddada dheer la sugayay ee Ukraine.

Oil price ayaa kor ukacay halkii foosto(barrel) waxay mareysaa $105 . Sanadahan denbe magaarin meel sidaan usareyso tan ilaa 2014-2015 markaas oo isla sidaan oo kale ruuska dulaan ku gaadey gobal kamid dalka ukraine.

Saamiyada caalamiga(global shares) ah ayaa hoos u dhacay, qiimaha dahabkana wuu kacay iyadoo maalgashadayaasha(investors) ay ka walaacsan yihiin saameynta suurtagalka ah ee iskahorimaadka. Waxaa sidoo kale hoos udhacay saamiyada suugagta europe and asia .

Ruushka waa dalka labaad ee dhoofiye saliidda cayriin(crude oil), sidoo kale waa dalka ugu badan ee dhoofinta gaaska dabiiciga ah(is also the largest supplier of natural gas to Europe, providing about 35% of its supply).

Sanduuqa Lacagta Aduunka ee IMF Waa Hay'ada Kabka ugu badan ee Miisaaniyada Dalka Bixisa Sanad iyo Barkii lasoo dhaafay ...
21/02/2022

Sanduuqa Lacagta Aduunka ee IMF Waa Hay'ada Kabka ugu badan ee Miisaaniyada Dalka Bixisa Sanad iyo Barkii lasoo dhaafay Kagadaal markii Midowga yurub iyo dowlada kale ay Taageerada Maaliyadeed Jarteen taasoo Jawaab u ahayd Markii Baarlamaanka sifo aan Sharci ahayn u maray Rididii HASSAN ALI KHEYRE .

Digniinta ay soo Saartay IMF ee ah inay jari doonaan lacagaha kabida waxii bisha may 17 ka dambeeya hadii aan Madaxweyne la dooran ...Waa in si dhab ah loo qaataa...Sidoo kale Barnaamijkii sida wanaagsan usoo socday ee Deyn cafinta Soomaaliyana ay saameyn ku yeelan doonto.

Soomaaliya ayaa lagu Lahaa Dayn ay qaadatay Dowladii 70s iyo 80s iyadoo sida ay isku dul fuulfuuleysay Gaartay 5.2 Bilyan Howl Culus iyo Dadaal badan kadib waxaa la cafiyay Xoogaa Lacaga ah March 2020 waxay usoo dhacday 3.2 Bilyan oo Iminka nalagu leeyahay.

IMF iyo Bank Aduunka ayaa sheegay in Sanadka soo socda 2023 dhamaadkiisa dayntii lagu Lahaa Soomaaliya laga cafin doono markii 10 qaybood loo.qeybiyo 9 qaybood ayaa laga tuuraya oo Hal Qayb kaliya ayaa soo Hari Doona taasoo u dhiganta 557malyan.

Yaanan Dib Loo Laaban ee H**e Haloo Socdo.

Guulwade

Fariin Xanuun badan Oo idiin Kaga timid Walaalkiin Yackow Somali Comedian Man 😭Magaceygu Waa Ahmed Saadik(Yackow) , Wax ...
21/02/2022

Fariin Xanuun badan Oo idiin Kaga timid Walaalkiin Yackow Somali Comedian Man 😭

Magaceygu Waa Ahmed Saadik(Yackow) , Wax badan ayaan idinka Qosoli Siiyay , Farxadiina ayaa Wax Walba iiga Muhiimsanaa , Waan Jeclaa Inaan idiinla Siijoogo , 😭😭😭.......

Waxaa Laga Yaabaa inaan Ka Kaco Xanuunkaan Ama Aan Ku dhinto Waayo Dhimashada Walaalkeygii Ajakis Aad baan Uga Naxay ,

Waan Ogahay in geerida Xaq tahay Qof Walbane Camalkiisa Ka H**eeyo Qabriga Wehel Kale Ma leh Aan Ka aheeyn Camalkaaga Wanaagsan ,

Xanuunkan Inaan Ka Kacayo Uma Maleeyn doono , Xanuuno badan ayaan La Soo Kulmay Lkn Kan Waxaa uu iigu Muuqdaa Kaan idiinkaga tagi lahaa Qabrigana idiin Kaga Hormari lahaa

Lkn Fursad ayaan haystaa Taas Oo ah Mid aysan Cid Walba heli Karin Marka laga reebo Qof ay umaddiisa Aad I Jecel yihin Sideeyda Oo Kale Waana Hubaa inaad i jeceshihiin
furaadda Aan Qalbiga Ku riixda ayaa Ah
😭😭😭😭😭😭😭Ducadiina😭😭😭😭😭👇

Walaal Maanta Ducadaada ayaan U
baahanahay Iisoo Duceeya Waa Walaalkiin Yackoo Oo isbitaal gudihiisa Ku jira.😭😭😭

👉Waa Maalin jimco ah Si Naxariis Ku jirto Ugu duceya Walaalkiin Yackoo, Maanta ayuu Duco idiinkaga baahan yahay. Siina faafi si ay dadkale Oo tiro badan ugu Soo duceyaan.😭

Beledweyne: 20, Febaraayo,2022: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa Madaxtooyada ...
20/02/2022

Beledweyne: 20, Febaraayo,2022: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa Madaxtooyada Magaalada Beledweyne waxaa ku soo booqday Lataliyaha Amniga Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ahna Musharax Xilibaan Golaha Shacabka.

   Waxaa sii badanayo anshax xumo fara badan oo la caadeystay. Waxaad arki qof sibidhka/marmarka cantuuf ama khaakho kut...
18/02/2022



Waxaa sii badanayo anshax xumo fara badan oo la caadeystay. Waxaad arki qof sibidhka/marmarka cantuuf ama khaakho kutufayo, duuf/diif inta laiska siimiyo dhulka lagu tuurayo (xataa haday tahay meel cunto lagu cunayo), sigaar lagu cabaayo meelaha ay dadka ubadan yihiin (public spaces) taasoo ka mamnuuc ah, soft/waraaq inta gacmaha lagu tirtirto cuntada kadib lagu tuuro dhulka isagoo meesha yaalo weelal qashinka lagu rido (dustbin). Umadaha kale markaad qofka usheegtid khaladkiisa wuu garawsan laakiin dadkeena (badankood) wayba kula diriri ayagoo jawaabo kala duwan kusiinaayo sida; maxaa kaa galay? Ma meeshaad leedahay adigu? Ma dowlad baa tahay? War waan kutufi, IWM. Fadlan qofkasto oo arko anshax xumo, walalkiis/walaashiis si degan ha oogu sheego yuunan ka aamusin hadii kale caado normal ah ayay naga noqon.
Wabilaahi Towfiiq.



Indirizzo

Follina

Notifiche

Lasciando la tua email puoi essere il primo a sapere quando Guulwade pubblica notizie e promozioni. Il tuo indirizzo email non verrà utilizzato per nessun altro scopo e potrai annullare l'iscrizione in qualsiasi momento.

Contatta L'azienda

Invia un messaggio a Guulwade:

Condividi

Digitare