09/04/2026
BARIGA DHEXE DIB U DHAC KU YIMID HESHIISHKII.
🇺🇸–🇮🇷 Heshiis Xabad Joojin.
Iiraan iyo Mareykanka ayaa ku heshiiyey in la joojinayo dagaalka muddo 2 toddobaad ah, heshiiskan oo ay dhexdhexaadineysay Dowlada Pakistan. Waxaa lagu heshiiyey in si ammaan ah loo furto Marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah Maraakiibta saliidda,gaaska adduunka.
Labaduba Waxay Ku Baaqeen Nabad:
Madaxweyne Trump wuxuu heshiiska ku tilmaamay inuu yahay fursad nabadeed, halka dowlada Iiraan ay sheegtay inay tahay guul istiraatiiji ah oo dhinac walba laga gaaray.
Markale 24-Saac Ee Lasoo Dhaafay Xaalad Degdeg ah & Xiisad Ayaa dib uga Cudaray bariga dhexe
In kasta oo Xabad joojinta dagaalka ah la gaaray, waxaa weli jira xiisad sare,
kadib Markii Dowlada Israil Ay duqeysay xabad joojinta kadib dalka Lubnaan
Ciidan ilaalada Kacaanka Iiraan Ayaa dib u xiray Marinka Hormuz si buuxda weli looma furin, waxaana dib loo joojiyey maraakiibta, taasoo muujinaysa in heshiisku yahay mid aad u jilicsan,
Iiraan waxay si taxadar leh ugu dhawaaqday inay diyaar u tahay wada‑hadal, balse waxay sidoo kale tilmaamtay in ay ka feejigan tahay Mareykanka sababtoo ah kalsooni darro weyn. ayey qabtaa.