08/08/2025
Taariikhdu waa 15, January, 2016. Waa goor barqo ah oo boor xooggan uu socdo. Waxaa habaaskaa si taxaddar leh u dhex socda labo askari oo Keenyaan ah oo habow ah. Labada askari, iyaga oo anfariirsan oo farta ku haya riishadda qoriga ayay dhinacyada fiirinayaan. Kolka laga tago goobta cidlada ah ee siigada, qashinka iyo dabaysha isku eryanaya ee sida dayaysan ay u dhexsocdaan, waxaa kale oo ay meel fog ka maqlayaan oo ay dabayshu mar mar soo gaarsiinaysaa rasaas teelteel u dhacaysa. Halkaasi waa meesha dad ugu dhow ee ay ciirsi ka heli karaan labadan askari ee habowga ah. Balse diyaar uma aha inay jihadaas aadaan. Waayo, waaba halka ay ka soo firxadeen.
Daqiiqado iyo daqiiqado ay isku dul wareegayeen siigadii, qashinkii, dabayshii iyo labadii askari ee Keenyaanka ahaa ee habowga ahaa ayaa markaliya waxaa soo yeertay shanqar cusub. Markiiba waa ay istaageen labadii askari, iyaga oo qoriga degdeg ugu jeediyay jihadii ay jabaqda ka yeertay. Waxa ay shanqartii noqotay labo nin oo masaar garabta ku wata oo dadka deegaanka ah. Markiiba, askartii waxa ay raggii ku amreen inay dib u sigtaan oo dhigaan waxa ay wadaan. Waxaa kale oo ay ku amreen inay tusaan jidka iyo jihada ay isku urursanayaan ciidanka Keenyaanka ah.
Labadan askari ayaa ka soo firxaday weerar aroortii h**e ay kooxda Alshabaab (AS) ku qaaday xero ku taalla deegaanka Ceelcade ee gobolka Gedo. Nasiibdarro, jihada ay u carareen ma ahayn midkii ay ciidankooda u carareen. Hadba sida ay si aayar ah oo taxaddar ah ugu socdeen, waxa uu qaddarka ku simay inay labadan nin ee masaarta wata arkaan.
Cismaan Beere Faarax oo ahaa mid kamida labada nin ee masaarta watay ayaa ku booday mid kamida labadii askari ee Keenyaanka ahaa. Waxaa suuraggal ahayd in Cismaan uusan hadalkooda fahmin, kaliya u qaatay inay dili rabaan oo uu ku khasban yahay difaaca naftiisa. Waxaa kale oo suurtagal ahayd inuu fahmay hadalkooda, balse u cuntamiwaysay in caawinaad laga dalbado, isaga oo la khasbaya.
Cismaan Beere, waxa uu ahaa sargaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka, goorta ay talinaysay xukuumaddii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Kolka ay xukuumaddii burburtayna, waxa uu iska noqday shacab iyo nin dadkiisa iyo deegaankiisa ku nool.
Cismaan ayaa qoriga ku la dhagay askarigii Keenyaanka ahaa, halka askarigana uu Cismaan kula dhagay masaartiisa. Halkaas, marka ay arrini marayso waxaa laba tallaaba dib u sikaday askarigii kale ee Keenyaanka ahaa, isaga oo qorigiisa baas raacsaday. Sababta ayaa loo badinayaa inuu isaga ilaalinayo ninka kale ee masaarta watay, dhanka kalena, uu saaxiibkii kaga fuji isleeyahay ninka qoriga kula dhagan.
Carab Nuur Cumar oo ahaa ninkii kale ee masaarta watay ayaa kolka uu maqlay dhawaqa baas la raaciyay, islamarkaana uu arkayo labadan nin ee isla xarbinaya, waxa uu go’aansaday inuu cagahiisa wax ka dayo. Halkii ayuuna ka cararay. Waxaa se sikimadaasi dhacday arrin weyn. Cismaan, waxa uu masaartii la helay qoorta askarigii Keenyaanka ahaa! Askarigii, isaga oo halkii ay masaartu kaga dhacday ay dhiig badan ka soo burqanayaan ayaa uu si qaabdaran dhulka ugu dhacay.
Halkaa, marka ay arrini marayso, askarigii kale ee haray horay ayaa uu go’aan ka qaatay. Uu arkayba, saaxiibkii oo sarajoogga ka sii dhacaya, waxa uu baas ku sii daayay Cismaan Beere Faarax. Halkaa waxaa ku wada dhintay Cismaan iyo askarigii uu qoriga kula dhagay. Askarigii kale ee haray, kolka uu Cismaan dilay hortiisa ayuu u sii cararay isaga oo argaggaxsan.
Nus saac kadib, waxaa goobtii soo gaaray qaar kamida dadka deegaanka oo ay ku jiraan rag ay qaraabo dhow yihiin Cismaan Beere Faarax, iyaga oo ku socda tilmaanta ninkii kale ee Carab Nuur Cumar. Waxaa meeshii loogu yimid askari Keenyaan ah oo masaar qoorta kaga taalla iyo Cismaan oo si daran rasaas u gashay iyo dhiigga labada nin oo isku darsamay.
Markiiba, raggii qaraabada dhow la ahaa Cismaan, waxa ay qaateen qoryahoodii, iyaga oo raacay raadka askarigii Keenyaanka ahaa ee Cismaan dilay. Kolka ay cagta cagta u saareen in cabbaar ah ayay gaareen isaga oo weli sii socda. Illeen, waa nin dakano qabo’e, kolba gadaal ayuu soo eegayay, kolkii u horraysay ee ay muuqiisa arkayeen. Waxa ay isku billaabeen rasaas. Difaac, buu markiiba galay. Maadaama ay ka badnaayeen, waa ay isqaybiyeen, iyaga oo horay iyo dhinacyada ka galay. Daqiiqado kuma aysan qaadan in ay dilaan askarigii Keenyaanka ahaa.
Xogtan, waxaa ii sheegay mid kamida saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo ka soo jeeda deegaanka Ceelcade ee ay dhacdadu ka dhacday.
Toban maalin kadib, weerarkii Ceelcade iyo dhacdada labadii askari ee Keenyaanka ahaa, waxaa warbixin hordhac ah soo bandhigay qaar kamida guddi ay xukuumadda Kenya u saartay baaritaanka weerarkii iyo wixii xerada Ceelcade ka dhacay. Guddiga ayaa eedeeyay beesha Marreexaan oo dusha u saariyay inay qayb ka ahaayeen weerarka iyo fudaydintiisa. Dhacdooyinka ay tusaalaha ugu soo qaateen guddiga waxaa kamida; in saddex askari oo Keenyaan ah oo goobtii dagaalka ka baxsaday oo ku dhuuntay guri ku yaalla deegaanka, ay sheegeen dadkii deegaanka, halkaa oo ay kooxda AS ku dileen saddexdoodiiba.
Haddaba, saddexda askari ee ay guddiga sheegayeen waa labadan nin ee Askariga ah. Wararka been abuurka ah ee markaas la faafiyay ee websaydyo waaweyn galay waxaa kamida in ciidanka Kenya ay January, 2016 dileen guddoomiyaha deegaanka Ceelcade, Cabdirashiid Cali Cabdi Qoorleex. Cabdirashiid Qoorleex ayaan arkay isaga oo June, 2023 warbaahinta Sooyaal TV waraysi siinaya. Isla sargaalkii ila wadaagay xogta sare ayaa sidoo kale, ila wadaagay inuu nool yahay guddoomiye Cabdirashiid Qoorleex.
Photo: Saddex askari oo Keenyaan ah oo meel duur ku istaajiyay nin Soomaaliyan ah oo funaanad gacmadheere iyo macawis xiran, iyaga oo iska hubinaya ammaankiisa. Goobtu waa duleedka Kismaayo, goortuna waa November, 2013. Sawirka waxaa qaaday Siegfried Modola, waxaana lagu baahiyay Wakaalad-warbaahineedda Reuters.
Aw Dacar