NTN Digital

NTN Digital Global Somali News from Nairobi to New York | NTN DIGITAL ” News videos

06/12/2025

SOMALILAND waziirkii warfaafinta xukumadda madaxwayne abdiraxmaan cirro ayaa xilka iska-casilay xissadda ka taagan magaalada BOORAME ee xarunta gobolka AWDAL awgeed.

Somaliland ayaa magaalada Wajaale ku xidhay Siyaasi Jaamac Shabeel oo ka soo laabtay socdaal uu ku tegey maamulka Woqooy...
01/12/2025

Somaliland ayaa magaalada Wajaale ku xidhay Siyaasi Jaamac Shabeel oo ka soo laabtay socdaal uu ku tegey maamulka Woqooyi-bari.

HARGYSA: Madaxweynihii h**e ee Somaliland, Muuse Biixi oo maanta u amba-baxay dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo war...
01/12/2025

HARGYSA: Madaxweynihii h**e ee Somaliland, Muuse Biixi oo maanta u amba-baxay dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo warramayaa in laga hor-istaagay in uu gaadiid iyo ciidan la galo gudaha Garoonka Cigaal, sida ay ku warramayso warbaahinta SL, waxaa halkaasi laga maqlay rasaas — iyada oo Biixi kolkii danbe uu lug ku galay garoonka isaga oo aan loo furin qaybta VIP-da sida laga soo xigtay xisbigiisa Kulmiye.

Madaxweyne Trump oo weli ku dheggen Soomaalida: "Dalalka Soomaaliya oo kale oo aan lahayn dowlad dhab ah oo is dilaya, u...
01/12/2025

Madaxweyne Trump oo weli ku dheggen Soomaalida: "Dalalka Soomaaliya oo kale oo aan lahayn dowlad dhab ah oo is dilaya, uma baahnin in ay dalkeena yimaaddaan oo noo sheegaan wixii aan samayn lahayn.... Ilhaan waxa la sheegey in dalka ku soo gashay guurka walaalkeed, haddii taasi dhab tahay waa in aysan Baarlamanka ka sii mid ahaan oo la tarxiilo."

Mareykanka ayaa usoo jeediyay madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro in loo oggolaan doono si nabad ah inay uga baxaan V...
01/12/2025

Mareykanka ayaa usoo jeediyay madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro in loo oggolaan doono si nabad ah inay uga baxaan Venezuela isaga , xaaskiisa Cilia Flores iyo wiilkooda, haddii uu xilka iska casilo, isagana baxo Venezuela, balse soo jeedintan waxaa diiday Maduro oo sheegay inuu u baahanyahay cafis caalami ah , inuu ciidanka sii maamulo iyo waqti dheeraad ah, tana waxaa diiday Mareykanka , sida ay werisey Fox News.

Galmudug ayaa noqotay maamul-goboleedkii u horreeyey ee la wareega xafiiska siyaasadda Qaramada midoobey ee maamul kaasi...
30/11/2025

Galmudug ayaa noqotay maamul-goboleedkii u horreeyey ee la wareega xafiiska siyaasadda Qaramada midoobey ee maamul kaasi, ka dib markii ay dhawaan Dowladda Federaalku sheegtey in aan dalkeeda looga baahnayn QM, iyada oo guud ahaan ka dalka bixi doonta Oktoobar 2026.

Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlaya Shirka caalami ah oo ka socda dalka Marooko: "Uma imaan shirkan si aan caawima...
30/11/2025

Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlaya Shirka caalami ah oo ka socda dalka Marooko: "Uma imaan shirkan si aan caawimaad u codsanno, waxa aan u nimi si aan u abuurno iskaashi wax wada qabsi, annaga oo soo bandhigeyna fikrado wax wada qabsi oo heer qaaradeed ah."

Markii qoyska jilaaga caanka ah ee Chris Tucker ay ogaadeen inuu noqday milyaneer caan ah, dhammaantood waxay si degdeg ...
30/11/2025

Markii qoyska jilaaga caanka ah ee Chris Tucker ay ogaadeen inuu noqday milyaneer caan ah, dhammaantood waxay si degdeg ah isaga casileen shaqooyinkii ay hayeen, iyagoo u qaatay in noloshu u hagaagtay oo aysan u baahnayn inay sii shaqeystaan. Farxaddii ay qabeen darteed, waxay isku halleeyeen hantida wiilkooda, balse Chris ayaa si run ah ula hadlay oo kula taliyay inay degdeg shaqooyinkooda ugu laabtaan inta aysan goori goor tahay.

Sababta uu sidaas ugu sheegay ayaa ahayd mid cajiib ah oo runta ka hadlaysa, wuxuuna yiri “Aniga ayaa noqday milyaneer ee idinku ma aadan noqon.”

Qisadan waxay ina baraysaa in qof walba uu ku dadaalo noloshiisa oo uusan si buuxda isugu hallayn hantida qof kale, xataa haddii uu yahay qofka ugu dhow ehelkaaga, waayo guusha qofku waa mid isaga u gaar ah.

DDS: Tartanka Orodka ee Sayid Maxamed ayaa lagu qabtay magaalada Jigjiga, iyada oo ay ka qayb-galeen 500 oo dhallinyaro ...
30/11/2025

DDS: Tartanka Orodka ee Sayid Maxamed ayaa lagu qabtay magaalada Jigjiga, iyada oo ay ka qayb-galeen 500 oo dhallinyaro ah oo ordayey 5KM oo magaalada dhexdeeda ah.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Gaarisa: "Soomaaliyada maanta dhisan kenya ayaa asal u ah, m...
29/11/2025

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Gaarisa: "Soomaaliyada maanta dhisan kenya ayaa asal u ah, markasta Kenya & Madaxweyne Ruto ayaan rabnaa in uu Soomaali u taagnaado, sababtoo ah weli gacmo qoyan ayaan ku jirnaa."

Xildhibaan Sanyare: "Kaadhka Aqoonsiga waxa leh Qaranka Soomaaliyeed, ma aha kaadh aragixiso qofka qaatana ma aha argagi...
29/11/2025

Xildhibaan Sanyare: "Kaadhka Aqoonsiga waxa leh Qaranka Soomaaliyeed, ma aha kaadh aragixiso qofka qaatana ma aha argagixiso."

Madaxweynaha Suuriya,Axmed Sharac ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday in marar badan loo soo jeediyay in dhulkii ay...
28/11/2025

Madaxweynaha Suuriya,Axmed Sharac ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday in marar badan loo soo jeediyay in dhulkii ay heysteen ka hor 8 December 2024 inta aysan soo gelin Dimishiq in loo soo jeedinayay inay waqooyiga Suuriya kaga dhawaaqaan dawlad madax bannaan oo laga jaro Suuriya intee kale , balse wuxuu sheegay inuu ku adkeystay midnimada Suuriya.

Wuxuu intaa ku daray : “ Iskadaa Idlib inan ka jaro Suuriya inteeda kale , waxaan diyaar u ahaa inan la dagaallamo oo ka hortaggo ciddii iskudayda qeyb ka mid dalka inay jarto, waxay Suuriya ku noqon kartaa dal ; midnimo iyo wadajirkeeda.”

Address

Ten Street
Eastleigh
00617

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when NTN Digital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to NTN Digital:

Share