KSM Media

KSM Media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from KSM Media, Media/News Company, Eastleigh.

Bandhiga Buuga Maydka Nasiiya oo lagu qabtay magaalada Jigjiga ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda deegaanka u sarayso iyo ...
12/07/2025

Bandhiga Buuga Maydka Nasiiya oo lagu qabtay magaalada Jigjiga ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda deegaanka u sarayso iyo shacabka magaalada Jigjiga.

Buuga ayaa laga qoray maalmihi khadhaadha ee shacabka deegaanka soo maray.

Qoraal uu ka qoray xaalada ONLF agaasimihi h**e ee Haayadaha nabad sugida qaranka Soomaaliya ayuu ku yidhi.NACAS NACFI L...
09/07/2025

Qoraal uu ka qoray xaalada ONLF agaasimihi h**e ee Haayadaha nabad sugida qaranka Soomaaliya ayuu ku yidhi.

NACAS NACFI LEH!

Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya, waa mid kamid ah jabhadaha ugu cimriga dheer qawmiyadda Soomaalida. Hannaankeeda gobonnimo-doon waa lagala hor imaan karaa doodo kala geddisan. Hase ahaato e, in la isku dayo in la burburiyo ama la kala diro waa isku day moora-duugid ku ah taariikhda ummadda Soomaaliyeed. Madaxda Dowladda Deegaanka ee maanta waxaa la gudboon inaysan taariikh xumadaas qeyb ka noqon.

Haddii lala xisaabtamayo ama la dhaliilayo ONLF, iyada oo is haysata oo midaysan gogosha wada hadalka hala soo fariisiyo. Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbidhagax), taariikhdiisa madaw waa dambe bey fahmi doonaan shacabku, haddeer se in yar unbaan ka dhahayaa.

DORRAAD: Sirdoonkii Tigreega iyo shaqaalahooda ayaa u adeegsaday in lagu dumiyo sumcadda Maamulkii Madaxweyne Farmaajo.

SHALAY: Qolo kale ayaa usoo adeegsatay si loogu dhaawaco olalaha doorashada Musharax Xasan Khayre ee maalmihii doorashadii madaxtinnimada ee 15/05/22.

MAANTA: Nasiib darro, mar saddexaad baa haddana loo adeegsanayaa in lagu burburiyo Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeeniya.

NACAS, NACFI LEH.

War Deg Deg ah: Taliyaha ciidanka Booliska Dds ayaa hada taakulo ciidan iyo garab istaag gaadhsiiyay ciidamada macawisle...
09/07/2025

War Deg Deg ah:

Taliyaha ciidanka Booliska Dds ayaa hada taakulo ciidan iyo garab istaag gaadhsiiyay ciidamada macawisle beesha Xawaadle ee dagaalka kula jirto Alshabaab.

War Deg Deg ah: Duulimaadyada Kismaayo ilaa Nairobi oo horay u xayirnaa ayaa la fasaxay maanta.
09/07/2025

War Deg Deg ah:

Duulimaadyada Kismaayo ilaa Nairobi oo horay u xayirnaa ayaa la fasaxay maanta.

Gabadhan oo u dhalatay deegaanka Soomaalida, gobolka Shabeelle magaalada Godey ayaa lagu dilay xabsi ku yaalo magaalada ...
08/07/2025

Gabadhan oo u dhalatay deegaanka Soomaalida, gobolka Shabeelle magaalada Godey ayaa lagu dilay xabsi ku yaalo magaalada Garowe.

Sida dad goob joog ah noo xaqiijiyeen gabadhan ayaa waxaa deyn ku yeeshay dad reer Garowe ah kadibna waxaa la dhigay xabsiga, sida na loo sheegay dadka gabadha deybta kuleh haween la dhashay oo iyagana xidhan ayaa gabadha jidh dilkan foosha xun u geystay. Waxaa la xaqiijiyay inay mar h**e toori ku dhufteen gabadha ayna taliyayaasha xabsiga ka codsatay in laga badalo xabsiga balse aan dhag jalaq loo siinin.

Gabadhan ayaa la sheegay inay u dhalatay beesha Tolomoge, Cabdale reer Qaasim siday u sheegtay dadka.

Argagixisada Al-shabaab ayaa dagaal ay maalinti shalay ku qaadeen magaalada Moqokori ku dilay Taliye Cabdi Xiish oo kami...
08/07/2025

Argagixisada Al-shabaab ayaa dagaal ay maalinti shalay ku qaadeen magaalada Moqokori ku dilay Taliye Cabdi Xiish oo kamid ah taliyayaasha hogaaminaayay dagaalada shacabka Hiiraan kula jiraan argagixisada.

Argagixisada ayaa intuu dagaalka shabaab lagula jiro socday koonfurta Soomaaliya ku beegsaday taliyayaal ciidan oo kala duwan, geerida taliyayaasha la xasuusto ayaa waxaa kamid ahaa Taliye Shaah macabe, Taliye Xasan Tuure, Taliye Farxaan Qaroole, Taliye Suulnuuge iyo qaar kale oo badan.

Sida argagixisadu u beegsanayso taliyayaasha dhaq-dhaqaaqa leh ayaa mudan inay haayadaha amniga Soomaaliya iyo umada Soomaaliyeedba iska weydiiyaan suaalo.

Warar aan la hubin ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Maamulka Puntland uu dhawaan safar ku tagi doono Magaalada Jigjiga ee ...
08/07/2025

Warar aan la hubin ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Maamulka Puntland uu dhawaan safar ku tagi doono Magaalada Jigjiga ee Caasimada Dds. Booqashadan ayaa noqon doonto tii koobaad ee madaxweyne Puntland uu ku imaado Jigjiga kadib Cabdiwali Cali Gaas.

Geeska Afrika waxaa ka socdo isbadalo waaweyn, waxaana la hubaa cida maanta aan hub iyo ciidan dhiiran haysanin in cagta...
07/07/2025

Geeska Afrika waxaa ka socdo isbadalo waaweyn, waxaana la hubaa cida maanta aan hub iyo ciidan dhiiran haysanin in cagta lagu qaadi doono, hala taageero ciidamada Jubbaland, dhalinyaradana haku biirto.

Waxaa xusid mudan in ciidanka uu Madaxweyne Mustafe hadalkan ka hor jeediyay ay yihiin Maleeshiyada Dds, oo maalmo kahor...
07/07/2025

Waxaa xusid mudan in ciidanka uu Madaxweyne Mustafe hadalkan ka hor jeediyay ay yihiin Maleeshiyada Dds, oo maalmo kahor shaashadaha laga daawaday xili dad shacab ah ay dirayska ciidanka dab qabadsiinayeen sidoo kalena ay dhulka ku jiidayeen.

Xaflad lagu dhiirigalinaayo ciidanka Maleeshiyada Dds ee ka soo dagaalamay deegaanka Dacawaleey ee dagmada Xarshin ayaa ...
07/07/2025

Xaflad lagu dhiirigalinaayo ciidanka Maleeshiyada Dds ee ka soo dagaalamay deegaanka Dacawaleey ee dagmada Xarshin ayaa saaka lagu qabtay magaalada Jigjiga.

Ciidanka deegaanka ayaa inta badan markuu howlgalo fuliyo loo qabtaa xaflado dhiirigalin ah waxaana horay sidan oo kale xaflado dhiirigalin ah loo sameeyay ciidamada ka dagaalamay Sitti iyo Afdheer.

“Hadii ay jiraan xabsiyo qarsoon waa in  la helaa dadki ku xidhnaa” Mustafa Omer.Madaxweynaha ayaa u muuqdo mid imkirsan...
07/07/2025

“Hadii ay jiraan xabsiyo qarsoon waa in la helaa dadki ku xidhnaa” Mustafa Omer.

Madaxweynaha ayaa u muuqdo mid imkirsan xaqiiqada ka jirto jigjiga oo dad badan xabsiyada qarsoon ku soo mareen, balse madaxweynaha ayaan ka fikirin kalsooni xumada ka dhalan karto in madaxweynihi deegaanka inkro wax la wada ogyahay.

05/07/2025

Ninki petrol aan dadki lahaa lagala tashanin rabo, Allaah haka baryo inuu tuubooyin u shubo kan Soomaali galbeed, kumanaan wey u dhimatay in lamid ahna waa u diyaar.

Address

Eastleigh

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when KSM Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share