Hiddo Media

Hiddo Media Kala soco warar dag-dag ah

Wasiirka Gaashaandhiga Pakistan ayaa ku dhawaaqay in la gaaray dhaqangalinta Heshiiskii Makkah, isagoo sheegay in korork...
17/09/2026

Wasiirka Gaashaandhiga Pakistan ayaa ku dhawaaqay in la gaaray dhaqangalinta Heshiiskii Makkah, isagoo sheegay in kororka weerarada Xuutiga ay xargaha goosteen.

"Waxaa la gaaray waqtigii la dhaqan gelin lahaa Heshiiskii Makkah, kaddib markii ay sii kordheen weerarrada Xuutiyiinta" ayuu yiri.

Pakistan waxay ku dhawaad $10Bilyan oo Dollar ka qaadatay Sacuudiga sannadkan oo kaliya, sabab la xariirta in ay difaac u noqdaan, laakiin wali wax hirgalay majiraan oo aan hadalo aheyn.

Maalmo kahor, Turkiga & Pakistan ayaa labaduba cambaareeyey weerarada Xuutiga, xili laga sugayey in ay furimaha h**e ee dagaalka qeyb kanoqdaan, maadaama la weeraray xaliifkooda gobalka.

🎉 Facebook recognized me as a consistent post creator this week!
17/09/2026

🎉 Facebook recognized me as a consistent post creator this week!

Sacuudiga ayaa Shiinaha ka codsaday inuu si gaar ah ula hadlo Iiraan, kuna cadaadiyo inay Xuutiyiinta  joojiyaan is ball...
17/09/2026

Sacuudiga ayaa Shiinaha ka codsaday inuu si gaar ah ula hadlo Iiraan, kuna cadaadiyo inay Xuutiyiinta joojiyaan is ballaarinta ay ka wadaan xeebaha Badda Cas ee Yemen iyo Marinka Bab al-Mandab, ka dib markii Xuutiyiintu la wareegeen aaggaas.

Saddex ilo oo Iiraaniyiin ah ayaa Reuters u sheegay in Shiinuhu farriintaas gaarsiiyay dawladda Iiraan.

Iiraan waxay Shiinaha ugu jawaabtay in gobolka Bariga Dhexe uusan nabad iyo xasillooni heli doonin ilaa marka h**e la soo afjaro dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil kula jiraan Iiraan.

Fiiro gaar ah;

Iiraan waxay isku xirtay si gobolka uu nabad u noqdo in loo baahanyahay Mareykanka inuu joojiyo weerarrada ka dhanka ah Iiraan, si fudud haddii Iiraan ay wajahayso weerar iyo cadaadis , sidoo kale dalalka gobolka ma noqon doonaan kuwo nabad ah, iyadoo doonayso Iiraan inay xaaladan dhacdo Xuutiyiinta ayaa hal dhagax u adeegsaday labo shinbirood;

Muddo dheer Xuutiyiinta waxay ku taamayeen sidii ay ku gaari lahaayeen Bab al-Mandab iyo dhulalka istaraatiji ah ee badda cas illaa gacanka Cadmeed, waxayna hadda guushan u beddeleen xaalad cadaadis ah oo bartilmaameedku yahay Sacuudiga oo hadda loo sheegay si uu xasillooni u helo inuu u tago Mareykanka iyo Israa’iil oo u sheego inay soo afjaraan dagaalka Iiraan.

17/09/2026

WAR CUSUB

Waxaa xorriyadooda dib u helay Aggaasino Xafiiska Beeraha dhawaan laga xidhay. Agaasinada oo lagu eedeyay arrimo mashruuc la bixiyay ayaa hada la fasaxay.
Baadhitano xafiisyo madax-banaan ay sameeyen ayaa lagu go'aamiyay. Dabagal aan sameynay waxaan ogaanay in mashruuca Agaasinada loo xidhay uu ahaa mid aan wali bixinba. Yacnihi mashruc loo tartamay oo tartamayashii mid kamid ah cabasho muujiyay ayuu ahaa. Markii la baadhay qalado kooban oo dhanka tartanka waa la arkay, laakin agaasinadu dood maangal ah ayay la yimaaden. Waxay sheegen in mashrucu wali geedi socodkii ku jiray oo aan lacago bixin, in cabashadu furnayd oo ay shaqadii socotay, iyo in Korka masuul sare ka soo wacay kuna socdeen jiho.
Xafiiska Beerahana waxay maamulkisu muujiyen sahlasho ay sahladen cabashada markii xafiis kale soo faragaliyay in ay ka jawaaban. Waana sababta ay madaxtooyada u gaadhay.

Si guud dhalinyarada xadhigooda waa lagu degdegay; mashruuca lacag k**a bixin, cid kamid ah oo lacago qaadatay ma jirin, qaladadkii geedi socodka tartanka ka dhacay mid go'aankoda aysan iyagu lahayn ayuu ahaa. Adigu nuxurkii: Xoogag waawayn ayaa ku dul hardamay.

Sawirro cusub oo ay baahisay warbaahinta CBS NEWS ayaa muujinaya burbur weyn oo ay gantaalaha Iran u geysteen saldhigyo ...
16/09/2026

Sawirro cusub oo ay baahisay warbaahinta CBS NEWS ayaa muujinaya burbur weyn oo ay gantaalaha Iran u geysteen saldhigyo Mareykan kulahaa gobalka Bariga Dhexe, ka dib weerarradii Drone-ta is wada, Khasaaraha qalabka milateriga Mareykanka gaaray ayaa kor ud haafay $3.7 Bilyan oo Dollar.

Waa burbur dhaqaale & Qalab milateri oo hawada ka baxay inta la ogaaday oo kaliya, saldhigan ayaa kuyaalay Sacuudi Careebiya.

16/09/2026

Sacuudiga ayaa dalalka Saboolka ah ka doonaya ciidamo Yemen lagu wajaho!👇

Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegtay in Xu/tiyiintu ay isku dayeen iney weerar toosa ku qaadaan magaalada barakaysan ee ...
16/09/2026

Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegtay in Xu/tiyiintu ay isku dayeen iney weerar toosa ku qaadaan magaalada barakaysan ee Maka.

Afayeenka Ciidamada isbahaysiga ee Sucuudigu hogaamiyo ayaa ku dhawaaqay in la qabtey diyaarad aan duuliye lahayn oo ay soo rideen kooxda Xu/tiyiintu kahor inta aysan gelin hawada magalada Makka.

Afayeenka Ciidamada isbahaysigu wuxuu sheegay in tani tahay markii labaad ee Xu/tiyiintu ay isku dayaan iney bartilmaameedsadaan magaalada barakeysan ee Maka.

Gaadhi Soomali Waday oo Oromiya Shil ku galay. Gaadhigan wuxuu yaalla Jida, oo ka tirsan Deeganka Oromiya. Darawalkii wa...
16/09/2026

Gaadhi Soomali Waday oo Oromiya Shil ku galay.

Gaadhigan wuxuu yaalla Jida, oo ka tirsan Deeganka Oromiya.
Darawalkii waday oo Somali ahaa waa la xidhay. Waxaa la sheegayaa in wiil gaadhigisa ku laabay oo ku dhacay.
Gaadhiga wuxuu waday Xoolo laga keenay Cobosha oo ka tirsan DDS. Wuxuu ku socday Baabile Oromiya.

Hada cidna lama joogto. Darawalkiina mootoyin ayaa kaxeeyay. Kirishbayna lama socon. Cidii gaadhigan lahayd ha raadsato.

U share gareeya si loo arko.

WAR DEG DEG AH. Xukuumada Deeganka ayaa ku dhawaaqday in lasoo Afmeeray colaadii u dhaxaysay beelaha wada Dega gobalka D...
16/09/2026

WAR DEG DEG AH.

Xukuumada Deeganka ayaa ku dhawaaqday in lasoo Afmeeray colaadii u dhaxaysay beelaha wada Dega gobalka Doolo(Ismacil Gumcadle iyo Abrahim)
Xafiiska Nabadgelyada Deeganka iyo oday dhaqameedka oo iskashanaya ayaa soo Afjaray colaad in mudo ah dhex taallay Beelaha walaalaha ah.

Kulan lagu soo Afmeerayay Colaadan ayaa Caasimada gobalka ee Wardheer ka dhacay.

Nabad waarta Alle haka dhigo. Faataxadda u maram

16/09/2026

Degmooyinka waxaa laga cabbanayaa mushahaar. Meelaha qaarkood 3 Bilood ka badan ayayna lacag arkin. Maamulka hawl-fulintoda ma daahdo, mushahaarka mooye.

Address

Garissa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hiddo Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share