15/12/2025
Cyrus Jirongo ayaa h**e u sheegay in wasakhda nukliyeer si sharci-darro ah loogu aasay Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya intii lagu jiray 1980-meeyadii, isaga oo arrintaas ku xiray sare u kaca kiisaska kansarka ee laga diiwaangeliyay gobolkaas.
Ilaa hadda lama hubo in siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Waqooyi Bari ay si dhab ah u daba-galeen eedeymahaas ama ay la xiriireen Jirongo si uu faahfaahin dheeraad ah uga bixiyo.
Jirongo wuxuu eedeymahaas culus ku soo bandhigay barnaamij (podcast) laga sii daayay YouTube, isagoo ku andacooday in xukuumaddii madaxweynihii h**e Daniel arap Moi ay ka dambeysay hawshaas. Wuxuu sidoo kale faahfaahiyay wixii dhex maray isaga iyo madaxweynihii h**e markas uu arrintaas ka hadlay.
Da-galka rasmiga ah ee ugu dambeeyay ee la xiriira arrintan wuxuu ahaa markii Xildhibaan Mohamed Adow iyo Guddoomiyaha Gobolka Garissa, Nathif Jama, ay hortageen guddi ka tirsan Baarlamaanka.
Kadib, Xildhibaan Adow ayaa ugu baaqay Jirongo inuu warbixin rasmi ah ka diiwaan geliyo saldhigyada booliiska.
Cyrus Jirongo ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay waddada Nakuru–Nairobi asbuucan.
Xigasho