Studio63_Somali

Studio63_Somali Studio 63 waa warbaahin casri ah oo wax soo saar dijitaal leh. Ujeedadeenu waa in aan siino cod kuwa

Howlgal qayb ka ah la dagaallanka argaixisada oo ay fuliyeen CIA-da Mareykanka ayaa lagu dilay hoggaamiyihii ugu sarreey...
02/08/2022

Howlgal qayb ka ah la dagaallanka argaixisada oo ay fuliyeen CIA-da Mareykanka ayaa lagu dilay hoggaamiyihii ugu sarreeyay ururka Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri.

Dilkan oo ka dhacay caasimadda Afghanistan ee Kabul ayaa la fuliyay xilli ay Sabtida sii baxaysay Axaddana soo galaysay.

Al-Zawahiri oo muddo dheer lagu raad joogay ayaa horay u ahaan jiray ku xigeenka aasaasihii Al-Qaacida, Usaama Bin Laadin, isagoo xilka kala wareegay markii la dilay 2-dii bishii May ee sanadkii 2011-kii.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in Zawahiri uu taagnaa balakoonka ku yaalla guri amaan ah oo uu ku noolaa.
Si lama filaan ah ayay diyaarad nooca uusan duuliyaha saarnayn ah - oo loo yaqaanno drone - ugu tuurtay labo gantaal.

Wararka ayaa sheegaya gantaalka uu si toos ah ugu dhacay Zawahiri oo halkiisa taagan.

Goobta waxaa ku sugnaa xubno kale oo ka tirsan qoyska Ayman Al-Zawahiri, balse qof kale waxba kuma noqon weerarka, hoggaamiyaha Al-Qaacida kaligiis ayaana ku dhintay halkaas, sida ay saraakiishu sheegeen.

Baasaboorka Soomaaliya ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay u muuqday mid soo xoogaystay marka loo eego sida uu ahaa wixi...
01/08/2022

Baasaboorka Soomaaliya ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay u muuqday mid soo xoogaystay marka loo eego sida uu ahaa wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee 1991-kii.

Inkastoo uu meel hoose uga jiro liiska kala sarraynta baasaboorrada, haddana waxaa muuqata in uu sanadkan ka horreeyo waddamo kale oo waawayn, oo ay ku jiraan Pakistan, Ciraaq, Suuriya iyo Afghanistan, sida lagu sheegay xogta ay shaacisay hay'adda Passport Index ee qiimaysa sharciyada socdaalka caalamka.

Horumarka uu sameeyay baasaboorka Soomaaliya waxaa ka mid ah in waddamada Yurub qaarkood ay si rasmi ah u aqoonsadeen muddo dheer kaddib.

Tan iyo bartamihii sanadkii 2018-kii, dalka Norway ayaa aqoonsan baasaboorka ay dowladda Soomaaliya siiso muwaadiniinteeda.

Dadaal dheer kaddib ayay safaaradda Norway ku dhawaaqday xilligaas in ay aqbashay jiritaanka baasaboorkan, sidaas awgeedna ay dadka wata u saari doonto dal-ku-galkeeda (Visa), haddii uu shuruudaha kasoo baxo.

"Wada-shaqayn dhow oo ay yeesheen mas'uuliyiinta socdaalka ee Norway iyo Soomaaliya awgeed, Norway waxay aqoonsan doontaa Baasaboorka Soomaaliya laga billaabo 1-da bisha August 2018. Waxaa ku jira baasaboorka diblomaasiga iyo kan shaqaalaha dowladda iyo baasaboorka muwaadiniinta caadiga ah ee ay soo saarto waaxda socdaalka Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraal markaas ay safaaradda Norway ee Soomaaliya soo dhigtay boggeeda Twitter-ka.

Waddamada kale ee Yurub, UK iyo dalal badan oo kale waxay baasaboorka Soomaaliya dadka wata u aqoonsan yihiin qaxooti, haddii ay dal-ku-gal u oggolaadaanna kuma dhajiyaan baasaboorka.

Taas baddalkeeda waxay soo raaciyaan warqad caddaynaysa in fiisaha la siiyay qofka, macluumaadkiisana ay ku xusan yihiin.

Hase yeeshee, dowladda Sweden ayaa si gaar ah u qaddarisa baasaboorka Soomaaliga ah ee noociisu uu yahay diblomaasiga.
Dhowr waddan oo ku yaalla Koonfurta Qaaradda Ameerika ayaa baasaboorka Soomaaliya lagu aadi karaa iyadoo aan wax dal-ku-gal ama fiiso ah loo qaadanin.

Dalalkaas ayaa kala ah: Bolivia (oo qofka markii uu garoonka dalkaas ka d**o la siinayo fiisada), Dominica, Haiti iyo St. Vincent and the Grenadines.

Ugu yaraan 33 qof ayaa dhintay halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen bartamaha Kenya kadib markii bas ay saarnaayeen dadka...
26/07/2022

Ugu yaraan 33 qof ayaa dhintay halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen bartamaha Kenya kadib markii bas ay saarnaayeen dadkan uu ka baxay waddada isla markaana uu ku dhacay webi mara halkaas.

Mas’uuliyiinta waxay sheegeen in 10 qof ay ka badbaaday shilka xaley xilli baabuurka uu marayay buunddada webi mara bartmaha Kenya.

Baska ayaa kasoo dhaqaaqay magaalada Meru, wuxuu ku wajahnaa magaalada xeebta ku taalla ee Mombasa.

Booliska waxay sheegeen in baaritaanno hordhac ah ay muujinayaan in bareega gaariga ay cilad ku timid.

Waxaa hadda socdaa howlaha samatabixinta ah ay lagu baadigoobayo dadka la la’yahay iyadoo laga cabsi qabo in tirada dhimashada ay korodho.

Dagaal u dhexeeyay Ciidamada Liyuu booliska iyo dagaalyahannada Shabaab ayaa maanta duhurkii ka dhacay deegaanka Laas-qu...
25/07/2022

Dagaal u dhexeeyay Ciidamada Liyuu booliska iyo dagaalyahannada Shabaab ayaa maanta duhurkii ka dhacay deegaanka Laas-qurun oo aan ka fogeyn xarunta degmada Feer-Feer, sida ay BBC-da u sheegeen dad goobjoogayaal ku sugan Feerfeer.

Ciidamada Liyuu Booliska ayaa la sheegay inay dagaal ku qaadeen dagaalyahannada Shabaab oo kasoo tallaabay dhinaca Soomaaliya.

Rasaasta ayaa la sheegay in laga maqlayo Feer-Feer oo qiyaastii 20 km u jirta goobta lgu dagaalamaya oo ah gudaha xadka itoobiya.

Lama ogo khasaaraha ka dhashay dagaalkan.

Qaar ka mid ah warbaahinta reer Galbeedka ayaa maalmihii lasoo dhaafay tebinayay dagaal dhinaca warbaahinta ah oo u dhax...
20/07/2022

Qaar ka mid ah warbaahinta reer Galbeedka ayaa maalmihii lasoo dhaafay tebinayay dagaal dhinaca warbaahinta ah oo u dhaxeeya Ilhaan Cumar iyo haweeney kale oo ka tirsan Golaha Wakiillada Mareyknaka, oo lagu magacaabo Lauren Boebert.

Arrintan ayaa billaabatay kaddib markii Boebert oo Congress-ka Mareykanka ku matasha gobolka Colorado ay weerar ku qaadday Ilhaan Cumar oo laga soo doortay gobolka Minnesota.

Haweeneydan oo laga waraysanayay buug ay dhawaan soo saartay ayaa ka hadashay mowduuca ku saabsan in la kala saaro Diinta iyo Dowladda, oo ka mid ah qodobbada dastuurka Mareykanka.

Lauren Boebert ayaa tiri: "Haddii ay dhab tahay in la kala saarayo diinta iyo maamulka dowladda, sida ay aaminsan yihiin, markaas maxay Ilhaan Cumar halkaas ka samaysaa iyadoo xiran xijaabkeeda, Maxay awood ugu yeelatay inay la gasho halkaas?"

Waxay Lauren hadalladan ku sheegtay barnaamij lagu wareystay oo ka baxay telefishinka "Real America's Voice".

Xildhibaannaddan ayaa dhawaan sidoo kale buuggeeda cusub ku sheegtay in Ilhaan ay "taageerto kooxaha argagixisada".
Siyaasiyadda kasoo jeedda Soomaaliya ee qaxootinnimada ku tagtay Mareykanka ayaa arrintan uga fal celisay barteeda Twitter-ka.

Ilhaan oo lagu yaqaanno hadallo kulkulul ayaa markan jawaabteeda u dhigtay qaab soo jiitay warbaahinta caalamiga ah, sida wargayska The Independent ee kasoo baxa Ingiriiska.

Muuqaal lasoo jaray oo ku saabsan qaybta ay Lauren ku weerarayso Ilhaan iyo sababta loogu oggolaaday in ay xijaab la gasho Golaha Wakiillada.

Si sahlan, Ilhaan ayaa muuqaalkaas isla Twitter-ka uga fal celisay muuqaal u eg inuu majaajilo yahay oo laga arkayo nin haweeney labada dhaban ka saaray rooti. Waxaa muuqaalka ku dul qoran su'aal uu waydiinayo oo ah "Maxaa tahay?" oo iyaduna ay uga jawaabayo "Waxaan ahay nacas rooti dhexda uga jira".

Duulimaadyada garoonka diyaaradaha ee Aden Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa dib u bilowday kadib markii ay saacad iyo...
18/07/2022

Duulimaadyada garoonka diyaaradaha ee Aden Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa dib u bilowday kadib markii ay saacad iyo dheeraad hakad ku jireen.

Diyaarad rakaaba oo ka timid Baydhabo ayaa barqadii ku dhacday garoonka, taasoo xanibtay dulimaadyada diyaaraddihii garoonka ka bixi laha ama soo cago dhigan lahaa.

Dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradda dhacday ayaa ka badbaaday shilka diyaaradeed.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya Axmed Macalin ayaa BBC-da u sheegay in la nadiifiyay goobtii ay ku dhacday diyaaradda isla markaana ay si caadiya u bilowdeen duulimaadyadii garoonka Aden Cabdulle.

Axmed waxa kale oo uu sheegay in la bilaabi doono baaritaanka sababihii keenay dhicitaanka diyaaradda.

Dowladda Talyaaniga ayaa xaalad degdeg ah ku soo rogtay shan kamid ah gobolladeeda ku yaalla waqooyiga dalkaas, xilli ay...
06/07/2022

Dowladda Talyaaniga ayaa xaalad degdeg ah ku soo rogtay shan kamid ah gobolladeeda ku yaalla waqooyiga dalkaas, xilli ay halkaa ka taagan tahay abaartii ugu xumayd muddo 70 sano ah.

Cilmi baaris la sameeyay ayaa muujinaysa in dalalka Spain iyo Bortaqiiska ay iyaguna wajahayaan abaartii ugu xumayd ee soo marta muddo kun sano ah.

Ra’iisal wasaaraha Talyaaniga, Mario Draghi, ayaa Isniintii shaaciyay in 38 milyan oo dollar uu si degdeg ah ugu caawin doono gobollada kala ah; Emilia-Romagna, Friuli Venezia Giulia, Lombardy, Piedmont iyo Veneto, si wax looga qabto biyo yaraanta haysata.

Roobkii laga filayay gobollada waqooyi ee Talyaaniga ayaa intiisa badan sanadkan baaqday, waxaana meesha ka baxay dalagii laga filayay beeraha gobolladaas.

Iskaashatada beeralayd ee ugu weyn Talyaaniga, Coldiretti, ayaa sheegtay inay abaarta ku waayeen dakhli ka badan 3 bilyan oo dollar.

In ka badan boqol magaalo oo ku yaalla gobolladaas ayaa shaaciyay inay tashiilayaan biyaha ay siiyaan xaafadaha.

Magaalada Milan ayaa waxaa la xiray jardiinooyinka ay biyuhu ka daataan, waxaana la mamnuucay in la dhaqo gawaarida khaaska ah iyo weliba waraabinta beeraha guryaha ka dhex yaalla.

Webiga Po oo ah kan ugu dheer ee mara Talyaaniga ayaa aad u biyo yareeyay, halka dooxooyinka uu ku biyo shubo ay noqdeen biir aan wax lagu beeran karin.

Beeraleyda waqooyiga Talyaaniga ayaa ku tiirsan biyaha webiga Po, waxaana aaggaas ka soo go’a tamaadhada, xab-xabka iyo khudaarta kale.

Dadka haysta lo’da ayaa ka walaacsan inay waayaan caws ay siiyaan abaarta awgeed.

Askari h**e uga ka tirsanaa booliska  Minneapolis oo  loo xiray inuu sannadkii 2017-kii toogtay haweenay aan hubaysnayn ...
28/06/2022

Askari h**e uga ka tirsanaa booliska Minneapolis oo loo xiray inuu sannadkii 2017-kii toogtay haweenay aan hubaysnayn ayaa xabsiga laga sii daayey. Maxamed Nuur oo ah Soomaali Maraykan ayaa xabsiga haatan laga sii daayey ku jiray saddex sano.

Markii ugu horraysay ee maxk**adda la soo taagay waxay lagu helay dil k**a’ ah oo waxa muddo markii ay socotay dacwadiisu k**a dambaystii sannadkii 2019 lagu xukumay laba iyo toban sano iyo bar xarig ah. Laakiin racfaan ay xukunkaa ka qaatay qareennadiisu ayaa muddo ka dib ay maxk**adda sare ee gobolka Minnesota u oggolaatay in laga dhigo xukunkiisa shan iyo dhowr bilood.

Af-hayeen u hadlay waaxda asluubta ee gobolka oo xaqiijiyey sii daynta maxbuuskaa ayaa sheegay in maxaabiista la sii daayo ay dhaqdhaqaaqiisa la socdaan maamulka magaalada uu ku nool yahay. Waxaanu intaa ku daray in Maxamed Nuur intii uu ku jiray xabsiga gobolka North Dakota aanu ku kicin falal ashax xumo ah.

Gobolka Minnesota ayaa sharciyadiisu waxay fasaxayaan in maxbuuska hab dhaqan fiican muujiya inta uu xabsiga ku jiro lagu hayo mudada xadhigiisa saddex meeloodow laba inta hadhayna dibadda ku qaadanaya oo lala socon doono. Maxamed Nuur ayaa waxay boolisku habdhaqankiisa la socon doonaan ilaa 24 January ee sannadka 2024.

Gabadhii ku baxday gacanta Maxamed Nuur hooyadeed oo warbaahinta la hadashay ayaa iyada oo ka falcelinaysa sii daynta maxbuuskaas waxay tiri. “Aad baan uga xunnahay arintaas, aad baanu ula fajacsannahay in eeddii laga daayey waxa se nagaga sii daran hab dhaqanka booliska Minneapolis.”

Waxa la rumaysnaa in Maxamed Nuur yahay askarigii ugu horreeyey ee booliska gobolka Minneapolis ka tirsan ee lagu helo dembi ah in isaga oo shaqada ku jira uu qof toogasho ku dilay. Hase yeeshee ka dib waxa dhacday in askarigii kale ee dilay ninkii Marakanka madow ahaa ee George Flyod in isagana xabsiga loo taxaabay.

Dilkeeda ayaa cambaarayn caalami ah dhaliyay. Ra'iisulwasaarihii Australia ee wakhtigaasna Malcolm Turnbull wuxuu sheegay in dilkaasi uu yahay "mid aan u cuntamayn sida uu u dhacay".

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laga helay cudurka COVID-19 kaddib markii baa...
24/06/2022

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laga helay cudurka COVID-19 kaddib markii baaritaan lagu sameeyay.

Afhayeenka madaxweynaha, Cabdikariim Cali Kaar oo shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in madaxweynaha uu ku dhacay cudurka safmarka ah balse ay xaaladdiisu wanaagsan tahay.

"Waxaa jirta in madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, laga helay [fayraska] COVID-19 maanta, kaddib markii baaritaan lagu sameeyay. Xaaladda caafimaadka ee madaxweynuhu aad bay u wanaagsan tahay, calaamadihii COVID-19-kana ma laha," ayuu yiri.

Waxa uu intaas raaciyay in madaxweynaha uu maanta dalka dib ugu soo laabtay howlihiisana uu si caadi ah u wato.

Afhayeenku ma faahfaahin sida uu madaxweyne Xasan Sheekh ku qaaday cudurka. Laakiin waxaa la iswaydiin karaa sababta keentay in baaritaan caafimaad lagu sameeyo iyadoo aysan calaamado ka muuqan.

Saddexdii maalin ee ugu horraysay ee wafdiga madaxweynaha uu ku sugnaa waddanka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta waxaa loo karantiilay sababo la xiriira in cudurka laga helay xubno wafdigiisa ah.

Sida aan og nahay cudurka safmarka ah waxaa lagu kala qaadaa neefsiga, taabashada iyo ag joogga qof qaba cudurka.

Haddaba sida muuqata madaxweynaha ayaa macaamil toos ah la samaynayay xubnaha wafdigiisa ka hor baaritaanka caafimaad ee lagu ogaaday inay xanuunka qabaan.

Waxaa intaas sii dheer in madaxweynaha uu kulan la qaatay jaaliyadda Soomaalida ee Imaaraadka Carabta, xilli waddankaas uu faro ba'an ku hayo xanuunka.

Arbacadii ayay labo xubnood oo ka tirsan wafdiga madaxweynaha u raacay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta laga helay calaamadaha COVID-19.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa Axaddii u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta.
Waa safarkii ugu horreeyay ee uu ugu baxo dibadda tan iyo markii la doortay 15-kii bishii May ee sanadkan.

Booqashada wafdiga madaxewyne Xasan Sheekh ee Imaaraadka ayaa horay loo sheegay inay qaadan doonta labo maalin. Laakiin kulankii ugu horreeyay wuxuu dhiggiisa Imaaraadka la qaatay shalay oo Khamiis ahayd.

Kooxda Taalibaan ee ka dagaalanta Afgaanistaan ​​ayaa codsatay taageero caalami ah, iyadoo dalkaasi uu la tacaalayo dhib...
23/06/2022

Kooxda Taalibaan ee ka dagaalanta Afgaanistaan ​​ayaa codsatay taageero caalami ah, iyadoo dalkaasi uu la tacaalayo dhibaatadii ka dhalatay ee uu sababay dhulgariir cabirkiisu ahaa 6.1.

In ka badan 1,000 qof ayaa dhimatay waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 1,500. Tiro aan la aqoon ayaa sidoo kale ku aasan burburka guryaha, oo inta badan dhoobo laga dhisay.

Gobolka koonfurta bari ee Pakistan ayaa dhibaatada ugu daran ay ka dhacday, waxaana Qaramada Midoobay ay ku dadaalaysaa sidii ay u heli lahayd hoy iyo gargaar cunto oo degdeg ah.

Gurmadka ayaa waxaa caqabad ku ah roobabka da'ay iyo agab la'aanta ka jirta.

Dhulgariirkii ugu dhimashada badnaa ee dalkaasi ku dhuftay labaatankii sano ee la soo dhaafay ayaa caqabad weyn ku ah kooxda Taalibaan oo ah dhaq-dhaqaaqa Islaamiga ah oo dib u helay awooda sanadkii h**e kadib markii ay burburtay dowladii ay reer galbeedku taageero.

Dhul gariirkan ayaa ku dhuftay meel 44km u jirta magaalada Khost waxaana laga dareemay meela aad uga fog sida Pakistan iyo Hindiya.

Afgaanistaan ​​waxay ku jirtaa xaalad bini'aadantinimo iyo mid dhaqaale, Abdul Qahar Balkhi, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Taliban ayaa sheegay in dowladdu "dhaqaale ahaan aysan awoodin inay dadka ku caawiso ilaa xadka loo baahan yahay".

Hay'adaha gargaarka, dalalka deriska ah iyo quwadaha adduunka ayuu codsi u diray, laakiin waxa uu intaa ku daray: "Kaalmada waxa loo baahan yahay in la kordhiyo ilaa xad aad u ballaadhan, sababtoo ah kani waa dhulgariir ba'an oo aan la kulmin muddo tobannaan sano.

Madaxa Qaramada Midoobay, António Guterres ayaa sheegay in hay'addu ay "si buuxda u abaabushay" garab istaagga musiibadan. Kooxaha caafimaadka, dawooyin, cunno, iyo hoy degdeg ah ayaa ku sii socda aagga dhulgariirka, sida ay sheegeen saraakiisha Qaramada Midoobay.

Ugu yaraan 920 qof ayaa ku dhimatay dhul gariir xooggan oo ka dhacay dalka Afghanistaan halka boqolaal kalena uu dhaawac...
22/06/2022

Ugu yaraan 920 qof ayaa ku dhimatay dhul gariir xooggan oo ka dhacay dalka Afghanistaan halka boqolaal kalena uu dhaawac soo gaaray, sida ay sheegeen saraakiisha Daalibaan.

Sawirro ayaa muujinayaa dhul go’ saameeyay guryo ku yaalla gobolka bariga dhaca ee Paktika, shaqaalaha gurmadka ah ayaa la daalaa dhacayaa daweynta dadka ku dhaawacmay dhul gariirka.

Diyaarado ayaa dadka u daabulayay isbitaallada iyagoo kasoo daadgureynayo deegaanada miyiga ah.

Hoggaamiyaha Daalibaan Hibatullah Akhundzada ayaa sheegay in dhul gariirka uu burburiyay boqolaal ah isla markaana tirada dhimashada ay sare u kici karto.

Wasiir ku xigeenka qaabilsan ka hortagga masiibooyinka Afghanistan Sharafuddin Muslim ayaa shir jaraa’id ka sheegay in ugu yaraan 920 qof ay ku dhinteen dhul gariirka halka 600 uu dhaawac soo gaaray, waa dhul gariirkii ugu dhimashada badnaa ee ku dhufta Afghanistaan muddo 20 sano gudahood.

Kenya ayaa qarka u saaran inay dib u furto suuqa jaadka ee Soomaaliya iyadoo la filayo in heshiiska la saxiixo horraanta...
20/06/2022

Kenya ayaa qarka u saaran inay dib u furto suuqa jaadka ee Soomaaliya iyadoo la filayo in heshiiska la saxiixo horraanta bisha Luulyo.

Wasiirka beeraha Peter Munya ayaa dhamaadkii toddobaadkan shaaca ka qaaday in wadahadalada u dhexeeya labada dal ay galeen qeybtii ugu dambeeysay iyadoo heshiis la filayo laba toddobaad gudahood.

"5-ta bisha Luulyo ee soo socota, heshiiska waxaa lagu saxiixi doonaa halkan Nairobi," ayuu yiri Munya xilli lagu gudajiray ololaha doorashada Kenya ee lagu inay dhacdo bilowga bisha Ogosto.

Munya ayaa markii uu hadalkan sheegayay waxa uu ku sugnaa Ismaamulka Meru oo ay ku yaallaan beeraha qaadka.

Soomaaliya ayaa hakisay qaadkii laga dhoofini jiray Kenya labo sannadood ka hor oo ay taariikhda ku beegnayd 19-kii Maarso, ee 2020, iyadoo sabab looga dhigayo xayiraadaha Covid-19.

Hakinta ayaa si kastaba ha ahaatee, aan marna la qaadin kadib markii uu soo shaac baxay khilaaf diblumaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal.

Mamnuuciddaasi ayaa horseedday in suuqa maalinlaha ah ee qaadka uu lumiyo in ka badan 50 tan oo qaad ah oo markaas lagu qiimeeyay in ka badan 20 milyan oo shilinka Kenya ah oo dhiganta ku dhowaad 200 oo kun doolar.

Hase yeeshee wasiir Munya ayaa u xaqiijisay beeralayda Jaadka Kenya in dhibaataadaasi ay haatan sii dhamaanayso.

"Kaliya beerta dalagiina jaadka, oo beerihiinna diyaarsada, suuq baa la helaye," ayuu ku yiri isaga oo aad uga farxinaya dadkii badnaa ee halkaasi isugu soo baxay.

Wasiirka wuxuu sheegay in dib u habaynta qaybta kale ee beeraha oo ay ku jirto caleenta shaaha sidoo kale socdaan.

Dowladda Kenya ee uu madaxweynaha ka yahay Uhuru Kenyatta ayaa codsatay in laga qaado xayiraadda saaran dhoofinta qaadkii la gayn jiray Soomaaliya, si loogu daneeyo ganacsatada beeraha qaadka ee dalkeeda.

Mowduucan ayaa ahaa mid uu in muddo ahba muran ka taagnaa, tan iyo markii ay xayiraad kusoo rogtay dowladdii h**e ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Address

Karen
00200

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Studio63_Somali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share