Bahaya Post

Bahaya Post Kusoo dhowaada mareegta xogaha aad u baahantahay.

Nin si isdaba-joog ah ugu gubay kitaabka Quraanka Kariimka gudaha dalka Sweden 2023-kii, arrintaas oo dhalisay caro xoog...
31/01/2025

Nin si isdaba-joog ah ugu gubay kitaabka Quraanka Kariimka gudaha dalka Sweden 2023-kii, arrintaas oo dhalisay caro xooggan oo kaga timid dalalka Muslimka, ayaa lagu toogtay koonfurta magaalada Stockholm, sida ay sheegeen baarayaasha, iyagoo intaa ku daray in shan qof loo xiray falka dilkaas.

Dacwad-ooge Rasmus Oman ayaa u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee AFP in baaritaan lagu furay dilka 38-jirka lagu magacaabo Salwan Momika.

Puntland oo heshay dukumentiyo Sir ah iyo khariiraddii ay dagaalka u adeegsan lahayd Argagixisada DaacishDowladda Puntla...
17/01/2025

Puntland oo heshay dukumentiyo Sir ah iyo khariiraddii ay dagaalka u adeegsan lahayd Argagixisada Daacish

Dowladda Puntland ayaa markii u horraysay faahfaahin ka bixisay xogta ku saabsan dukumemtiyo sir ah oo laga helay talisyo ciidamadu ka qabsadeen kooxaha Argagixisada ah ee Daacish.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire iyo Taliyaha Hawlgelinta Ciidanka PMPF S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac ayaa si wadajir ah uga warbixiyay xogta ku qoran dukumentiyo sir ah oo laga helay saldhigyadii laga saaray mileeshiyaadka Argagixisada ah ee Daacish.

S/Guuto Muumin Cabdi oo faahfaahiyay dukumentiyada Sirta ah ee laga helay xarumihii kooxda Daacish ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay liisas ay ku qoran yihiin dhammaan lacagihii ay qaadi jireen iyo shirkad kasta oo lacag u dirtay iyo sidoo kale akoonnadii lagu shubi jiray lacagaha baadda ah.

"Waxaan helnay dukumentiyo caddaynaya liisaska dhammaan lacagihii ay qaadi jireen iyo shirkad kasta oo lacag u dirtay iyo sidoo kale akoonnadii ay ku diri jireen iyo akoon kasta lacagta ku dhacday" ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire oo ka warbixinayay dukumentiyo sir ah oo laga helay saldhigyadii Daacish.

Gen. Muumin ayaa sidoo kale tilmaamay in dukumentiyada Sirta ah ay ku jiraan kuwa muujinaya in Daacish lacago been-abuur ah samaysay, islamarkaana macdanta ka guran jirtay buuraha Calmiskaad, waxaana uu intaasi ku daray in sida dukumentiyada ku qoran ay tacaddi ku samayn jireen haweenka, halka xayawaannada ay ugaarsan jireen.

Taliyaha Hawlgelinta Ciidanka PMPF S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac ayaa dhankiisa sheegay in dukumentiyada la helay ay ku jiraan baasaboorro iyo kaarar banki oo ay lee yihiin ajaanib Carab ah oo ku soo duulay dalka, isagoo sii raaciyay in gacanta lagu dhigay khariirado muujinaya dhammaan degmooyinka Soomaaliya iyo masaafooyinka u dhexeeya.

  Sanad iyo 4 bilood kadib😱
17/01/2025

Sanad iyo 4 bilood kadib😱

Sawirkii u horeeyay ee Trump 2025 ayaa loo fasirtay in uu maagan yahay dagaal.
17/01/2025

Sawirkii u horeeyay ee Trump 2025 ayaa loo fasirtay in uu maagan yahay dagaal.

Mike Waltz oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, isla markaana ah xulashada madaxweynaha la-doortay Donald Trump ee ...
17/01/2025

Mike Waltz oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, isla markaana ah xulashada madaxweynaha la-doortay Donald Trump ee la-taliyaha amniga qaranka, ayaa Arbacadii sheegay in madaxweynaha cusub uu sahminayo siyaabo TikTok ay uga sii jiri karto Mareykanka.

Waltz ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyey weriyaha Fox News Bret Baier, kadib markii Baier uu waydiiyay warbixin lagu daabacay The Washington Post oo sheegtay in Trump uu ka fakarayo inuu soo saaro amar madaxweyne si uu hakad u geliyo dhaqan-gelinta sharci federaal ah oo laga yaabo inuu ka mamnuuco TikTok guud ahaan dalka Axadda soo socota.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa ku dhalillay ra'iisal wasaaraha Soomaaliya hadalkii uu ku bogaadiyay ciidamada Puntla...
17/01/2025

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa ku dhalillay ra'iisal wasaaraha Soomaaliya hadalkii uu ku bogaadiyay ciidamada Puntland ee la dagaallamaya Daacish isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahnaa taagero milatari iyo mid hdaqaale.

Xamza Cabdi Barre ayaa horey u sheegay in dowladda federalka aysan Puntland ka xannibin wax mashaariicda ah balse cidda is-hortaagtay wadashaqeynta hay’adaha federaalka ay tahay.

Degdeg:   xil ka qaadista madaxweynaha ayaa loo gudbiyay Aadan Madoobe.
17/01/2025

Degdeg: xil ka qaadista madaxweynaha ayaa loo gudbiyay Aadan Madoobe.

10/01/2025

Maxaa ka ogtahay Cabdulqadir Mumin madaxa ururka xagjirka ee

Galmudug iyo Puntland oo sheegay in ay xal ka gaareen dagaal beeleedyo muddo ka dhacayay qaybo ka tirsan gobolka Mudug.
10/01/2025

Galmudug iyo Puntland oo sheegay in ay xal ka gaareen dagaal beeleedyo muddo ka dhacayay qaybo ka tirsan gobolka Mudug.

Afhayeenka ciidmada Puntland Jeneraal Maxamuud Maxamed  Axmed ayaa sheegay in habeenimadii xalay ay duqaymo ka dhaceen d...
10/01/2025

Afhayeenka ciidmada Puntland Jeneraal Maxamuud Maxamed Axmed ayaa sheegay in habeenimadii xalay ay duqaymo ka dhaceen deegaanka Buuralayda Il iyo Camayra ee degmada Isku Shuban ee Gobolka Bari.

Address

Kilimani

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bahaya Post posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share