14/08/2026
: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale u jiheysatay qorshaheeda ku aaddan waxa loogu yeero New Jubbaland iyadoo qorshuhu yahay in magaalada Bu’aale, oo ah caasimadda rasmiga ah ee Jubbaland, laga hirgeliyo qorshe siyaasadeed oo cusub, isla markaana Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre loo diyaariyo inuu noqdo Madaxweynaha maamulkaas. Xogta la helayo ayaa sheegaysa in dowladda ay qorsheynayso howlgal lagu qabanayo Bu’aale, kaas oo ay ka qeyb qaadanayaan ku dhowaad 2,000 askari oo tababarkooda lagu soo xirayo Xananbuur.
Ciidamada ayaa la sheegay inay deegaan ahaan kasoo jeedaan Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaana qorshaha sidoo kale qeyb ka ah ciidamada Gorgor, oo ay ku jiraan hal guuto oo dhawaan tababar loogu soo xiray dalka Turkiga. Waxaa la sheegay in howlgalka loo adeegsan doono dhaqaale iyo awood ciidan oo dhinaca cirka ah. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu Dhuusamareeb uga sii gudbo Xananbuur, halkaas oo uu ciidanka tababarka ugu soo xiri doono, uguna diyaarin doono howlgalka ballaaran.
Dowladda Federaalka ayaa markan diiradda u wareejisay Jubbooyinka, iyadoo ka tanaasushay qorshihii h**e ee ahaa in Gedo laga cadaadiyo Jubbaland, kaas oo aan keenin natiijadii la filayay. Hadda Bu’aale ayaa noqotay bartilmaameedka ugu weyn, iyadoo qorshaha lagu sheegay inuu yahay sidii loo hirgelin lahaa New Jubbaland loona diyaarin lahaa Xamze Cabdi Barre hoggaanka maamulka cusub. Haddii qorshahani dhab noqdo, wuxuu si weyn u beddeli karaa xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Jubbaland.
Maxay Kula Tahay Aragtaa.?