Horn Insight Media

Horn Insight Media Horn Insight Media: Credible analysis and strategic insights on politics, security, and development across the Horn of Africa.

Ciidanka Kenya ee Nabad ilaalinta ujooga Somalia ayaa agab caafimaad kuwareejiyey ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ...
11/04/2026

Ciidanka Kenya ee Nabad ilaalinta ujooga Somalia ayaa agab caafimaad kuwareejiyey ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee kusugan Dhoobley, Jubbada-Hoose.

Waa kaas la wada qiray awoodda Iiraan, xitaa Muslimna maaha ninka hadalkaan yirin, waa Professor Mareykanka ah, oo ku xe...
10/04/2026

Waa kaas la wada qiray awoodda Iiraan, xitaa Muslimna maaha ninka hadalkaan yirin, waa Professor Mareykanka ah, oo ku xeeldheer celmiga Siyaasadda iyo Xiriirka caalamiga ah, Prof. John Mearsheimer, wuxuu yiri: Iiraan waxay haysataa dhammaan fursadaha ciyaarta. Waxay taagan tahay meel aad u xooggan. Haddii ay xiraan marinka Hormuz, waxay si weyn u dhaawici karaan dhaqaalaha caalamka. Awoodda cadaadiska (leverage) ee ay haystaan waa mid aad u weyn.

Waxay awood u leeyihiin inay burburiyaan dalalka Khaliijka. Donald Trump ma awoodi karo inuu si sahlan dagaalka ugu sii fidiyo gobolka. Heer kasta oo uu gaaro, Iiraan waxay leedahay awood ay kaga adkaan karto xulafada Mareykanka. Malla qabtaa fikirkan adiga?

ISRL Oo Ka Qaylisay Spain. Wasiirka arrimaha dibadda ee ISR, ayaa qoraal dheer oo cabasho iyo eedeyn iskugu jira kasoo s...
10/04/2026

ISRL Oo Ka Qaylisay Spain.

Wasiirka arrimaha dibadda ee ISR, ayaa qoraal dheer oo cabasho iyo eedeyn iskugu jira kasoo saarray hoggaminta dalka Spain.

Wuxuu sheegay in eedaymo aan jirn markasta Spain u jeediso ISR, isagoo xusay in ciidankoda iyo Dowlada ay magac bi'in ku hayaan. Spain, wuxuu ku tilmaamay dal ku hawlan in ay dhawaacan, oo ay ka hor keenan ururada caalamiga ah- si gaar ah in cunaqabatayn middawga Yurub ku soo rogo dal ka shaqeynaya. ISR, waxay sheegtay in Dagaalki !ran dannahoda ay toos uga hortimid.

"Spain, waxay ku hawlan tahay fidinta warar aan sal lahayn. Waxay toos uga hor timid dannaheena, siddaas darteed waxaan maanta go'aaminay in laga saaro heshiiska CMCC." Ayaa lagu yidhi qoraalka.

CMCC- waa qorshe sannadkii 2025 la yagleelay oo Maraykanku horkacayo. Waxay ujeedadiisu tahay in nabadaynta Q*sa lagu taabo-galiyo. Qorshahan oo dalal Spain kamid tahay ka qayb-qaatan ayaa lagu sheega mid gargaarka marinka lagu fudaydiyo. Laakin, waa un qorshe ISR, oo Maraykanka kaashanaysa dannaheeda fuliya, kaas oo aysan saameyn ku yeellan karin cid doonnaysa in gargaar ama hawlo kale gaadhsiiso Flstiin. In Spain, laga saarana macne badan ma yeellan karto.

Somalia is in the process of acquiring 24 JF-17 fighter jets to boost its air defense capabilities according to sources....
27/02/2026

Somalia is in the process of acquiring 24 JF-17 fighter jets to boost its air defense capabilities according to sources.

JF-17, is an advanced, light-weight, all weather, day / night multi-role fighter aircraft; developed as a joint venture between Pakistan and China.

It has air-to-air and air-to-surface combat capabilities, advanced avionics, an Active Electronically Scanned Array (AESA) radar, electronic warfare systems and the ability to fire beyond-visual range missiles. It can also track multiple targets at once and provides more visibility at longer distances.

Its low price coupled with its recent performance during the 2025 Pakistan-Indian war, have boosted the demand. During the conflict Pakistan deployed JF-17s alongside J-10s,which succeeded in shooting down several western made Indian fighter jets during the aerial combat.

The JF-17 that Somalia is seeking to acquire belongs to the so-called 4.5th generation of fighter jets, which is just half a step below the 5th generation of fighter jets made up of the most advanced aircraft such as the US F-22 and F-35, China’s J-20 and J-35, and Russia’s Su-57. Meanwhile Kenya is still stuck with the flying coffins of 1970s.

If indeed the deal is confirmed, then Somalia will have unmatched air power in the entire East Africa.

However it is worth noting that acquiring a jet fighter is one thing but the real cost lies in the support package which includes pilot and ground training, spare parts, weapons, and maintenance.

All in all, what can't be ignored is that Somalia is slowly rising from the rubbles of civil war and terrorism. In 1970s it had one of the most powerful militaries in East Africa. For example in 1975 it had 45 jet fighters; Ethiopia 35; Uganda 53; Kenya 3; Tanzania 20. Then everything came tumbling down when the civil war broke out.

Odhiambo Obiyo

DEGDEG | Horn Insight MediaU.S. Embassy Mogadishu ayaa ku boorisay hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan wada...
23/02/2026

DEGDEG | Horn Insight Media

U.S. Embassy Mogadishu ayaa ku boorisay hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan wada hadalka iyo tanaasulka siyaasadeed, iyadoo tilmaamtay in arrimahaasi ay muhiim u yihiin xasilloonida iyo mustaqbalka dalka.

War kooban oo ay safaaraddu soo saartay ayaa lagu yiri:

“Wadahadal iyo tanaasul waa arrimo adag balse waa lama huraan, waxaana ku dhiirrigelinaynaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay sii wadaan dadaalladaas. Hannaanka siyaasadeed ee mideysan ee Soomaaliyeed wuxuu ka hortagaa argagixisada, xoojiyaa dowladnimada, wuxuuna horumariyaa mudnaanta Soomaaliya iyo beesha caalamka.”

Hadalkan ayaa imaanaya xilli marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah uu dalku marayo, iyadoo la filayo in wada-tashi iyo is-afgarad dhexmara dhinacyada siyaasadda ay door muhiim ah ka qaataan jihaynta geeddi-socodka dowlad-dhisidda iyo amniga qaranka.

22/02/2026

Sanadkan 2026, Geeska Afrika wuxuu wajahaya doorashooyin muhiim ah oo ka dhici doona Somalia, Ethiopia, iyo Djibouti, kuwaas oo saameyn weyn ku yeelan doona siyaasadda iyo xasiloonida gobolka.

Arrimaha ugu muhiimsan ee la socodka mudan waxaa ka mid ah:
• Nidaamka doorashooyinka iyo hufnaanta hannaanka siyaasadeed
• Amniga iyo xasiloonida xuduudaha
• Horumarinta dhaqaalaha iyo mashaariicda kaabayaasha
• Doorka dhalinyarada iyo iskaashiga gobolka

Horn Insight Media kala soco warar iyo aragti istaraatiiji ah si aad u hesho war sax ah oo lagu kalsoonaan karo.

Deep Analysis. Trusted Voice.

06/02/2026

Xaaladaha Siyaasadeed ee Caalamka: Iran & USA

Khilaafka u dhexeeya Dowladda Iran iyo Mareykanka ayaa weli ah mid si dhow isha loogu hayo, maadaama uu saameyn ballaaran ku leeyahay amniga, siyaasadda, iyo dhaqaalaha caalamka. Inkastoo ay jireen xiisado h**e oo la xiriiray arrimo nukliyeer, cunaqabatayn dhaqaale, iyo amniga gobolka Bariga Dhexe, haddana waxaa hadda muuqda dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in xal wada-hadal ah lagu gaaro.
Wadahadallada bilaabmay waxay muujinayaan muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka caalamiga ah lagu wajaho wada-xaajood iyo is-faham, halkii ay ka ahaan lahaayeen iska hor-imaad militari. Bulshada caalamka ayaa rajaynaysa in wada-hadalladani horseedaan xasillooni waarta iyo yareynta xiisadaha ka taagan gobolka.
Xalka khilaafaadka noocan ah wuxuu tusaale u yahay doorka ay diblomaasiyaddu ka qaadan karto nabadda iyo amniga caalamka.

Address

Kilimani

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Horn Insight Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share