SRAJ News

SRAJ News Hadalyar iyo Howlbadan

An independent and Outlet News that covers the Truth towards the oppressed and Marginalized Somali people who were under occupied since 1954 by the Ethiopian government under the consent of the British government through the barrel of gun.

 : Madaxweynaha Puntland Said Deni ayaa noqday musharaxa keliya ee shan guul-daro kala soo laabanaya shirkii shallay kus...
21/12/2025

: Madaxweynaha Puntland Said Deni ayaa noqday musharaxa keliya ee shan guul-daro kala soo laabanaya shirkii shallay kusoo gaba-gaboobay magaalada Kismaayo. kaas oo looga hadlayay amuuraha doorashooyinka Soomaaliya.

1: A) Madaxweyne Deni wuxuu si toos ah u weeraray madaxda maamul goboleedyadda Koonfur-Galbeed, Hirshabeele iyo Galmudug isaggoo sheegay in loo baahanyahay inay shacabku ku kacaan madaama ay sharci-daro ku joogaan xukunka.

Qodobkani wuxuu Deni u abuuray cadawtinimo siyaasadeed oo ah inay sadexdaas maamul ka shaqayn-doonaan inaysan hirgelin noockasta oo doorasho oo uu wato Said Deni hadii la aado wadada wada-hadalka doorashada iyo in isbahaysi iyo midaw lagga samaysto sidii loo dhaafin lahaa xilka madaxweynaha DFS ee uu tartamayo.

2: Madaxweyne Said Deni mudo wuxuu ka shaqaynayay inuu saamayn ku yeesho nooca doorashada ee Soomaaliya, si taas u hirgashona waxa uu xilka xoghayaha u diyaarsaday la taliyihiisa Dhabancad ka hor shirka inta uusan furmin waxa uu u raadshay taageero, balse markii uu shirkii geeyay ayaa lagga diidey, taas oo ku noqotay jug siyaasadeed oo soo gaartay.

3: Waxaa Shirka Kismaayo laggu oggaaday inay jirto kala shaki-xoogan oo dhex-yaala Said Deni iyo Axmed Madoobe oo markii h**e la filayay inay iska boogga-dhayeen khilaafaadkii ka dhashay doorashooyinkii 2022. sidoo kale waxaa soo if-baxay calaamado muujinaya in Axmed Madoobe dookha koowaad uu u yahay Madaxweyne h**e Sheekh Shariif.

4: In uu noqday musharaxa iyo madaxweynaha keli ee dhaqaalaha ugu badan uu shirkaan ka gallay, hadday noqoto kharashaad safar, deegaan iyo taageeroba, taasna waxaa cadayn u ah in xubnaha u haya dhaqaalaha ay shirka taggeen. halka Puntland oo loo dhaarshey ay shaqaalihii iyo ciidankii mushahar la’aan iyo guna la’aan yihiin, ayna gaareen heer ay ciidankuna gadoodaan, shaqaalihiina ay niyad-jabaan.

5: Madaxweyne Said Deni iyo maamulka Waqooyi-Bari oo sii kala-fogaaday, waxaana muuqata in kuraasta waqooyi Bari ee baarlamaanka Soomaaliya ay jiitan dheer oo muran xagga doorashooyinka ah ay horseedi-doonto markii uu bilawdo wada-hadalka doorashooyinka Soomaaliya.

Xildhibaanadda Waqooyi-Bari ka yimaada ayayna u badantahay inuusan cod ka heli-doonin, maadaama uu dagaal siyaasadeed kula jiro jiritaankoodda hadii heshiis la gaaro.

21/12/2025

Dhacdo Foolxun.

Wiil Kasoojeeda Beesha Ogaodeen Oo Geel Ku Raaceyey Badhan Ayaa Labo Sano Wax Mushahar Ah Lasiin Markuu Damcey Inuu Suldaanka Guud Ee Beesha Warsangali Udacwoodana Waxaa La Isugu Daray Dil Iyo Xadhig.

Arintan Waxaa Sameeyey Nin Kasoojeeda Beesha Warsangali Kanatirsan Ciidamada Puntland.

SRAJ News

Ogeysiis Muhiim ah oo loo dirayo DadweynahaCommercial Bank of Ethiopia waxay ku wargelinaysaa dhammaan macaamiisheeda in...
20/12/2025

Ogeysiis Muhiim ah oo loo dirayo Dadweynaha

Commercial Bank of Ethiopia waxay ku wargelinaysaa dhammaan macaamiisheeda in ku xidhidda akoonnada bangiga Aqoonsiga Dijitaalka ah ee Fayda (FAN) ay noqotay qasab. Qof kasta oo aan soo gudbin lambarka FAN ee 16-ka tiro ah ee aan ku xirin akoonkiisa, lama siin doono adeegyo bangi marka la gaaro waqtiyada la cayimay.

Magaalooyinka waaweyn adeeggu wuu istaagi doonaa 10 Janaayo 2026, magaalooyinka degmooyinka 9 Febraayo 2026, halka miyiga iyo kebelada laga bilaabi doono 9 Abriil 2026. Dadweynaha waxaa si xushmad leh loouugu boorinayaa inay si degdeg ah u booqdaan laamaha bangiga una dhammaystiraan nidaamka, si ay uga fogaadaan carqalad ku timaadda adeegyada maaliyadeed. Ogeysiiskani wuxuu ku saleysan yahay awaamiirta National Bank of Ethiopia ee ku wajahan hirgelinta Aqoonsiga Qaranka Dijitaalka ah.

Please; gaarsiiya shacabka arintaan muhiimka ah

Waxaa inoo turjumay proff. Mohamud Ahmed cagawayne

Commercial Bank of says customers must link digital ID to bank accounts to access services

Addis Abeba — The Commercial Bank of Ethiopia ( ) has announced that customers who fail to link their bank accounts with a valid digital identification number will no longer be able to access banking services after specified deadlines.

In a statement issued on 18 December 2025, the state-owned bank said customers are required to visit any CBE branch and submit their 16-digit Fayda Account Number ( ), which will be linked to their bank accounts. Failure to comply, the bank warned, will prevent customers from conducting deposits, withdrawals, and other banking transactions.

CBE said the implementation will be carried out in phases. In major urban centers, including Addis Abeba, Harari Region, and Dire Dawa, customers have from 11 December 2025 to 9 January 2026 to complete the linking process. From 10 January 2026, presentation of a FAN will be mandatory to access banking services.

The same timeline applies to major regional cities. In main woreda towns, customers have until 8 February 2026 to link their accounts, with mandatory enforcement beginning on 9 February 2026.

For customers in rural woredas and kebeles, the deadline to link accounts is 8 April 2026, after which a FAN will be required starting 9 April 2026, according to the statement.

CBE urged customers to complete the process promptly to avoid service disruptions and to follow the registration procedures carefully to safeguard their accounts.

The bank said the directive follows guidance issued by the National Bank of Ethiopia (NBE), which requires all financial institutions to harmonize customer data with the Fayda National ID system, also known as VeriFayda.

The NBE informed banks on 4 December 2025 that the harmonization is mandatory and forms part of a national plan to fully roll out digital ID services across the financial sector by 2030.

According to the central bank, the measure aims to align customer records across banks, microfinance institutions, and insurance companies with the VeriFayda database, strengthen security, improve service delivery, and establish a unified digital financial infrastructure.

Alaab-tan waxa la dhaha!👇Hussein-xaabsa-dow, cadawga iga giiji oo boos-kii muniib joogi jiray adigu istaag, si aan la ii...
20/12/2025

Alaab-tan waxa la dhaha!👇

Hussein-xaabsa-dow, cadawga iga giiji oo boos-kii muniib joogi jiray adigu istaag, si aan la iiga fahmin xaalada aan ku suganahay.

Inaan isku duubanahay oon mid nahay aan u sheegno duqaydeeni wal-walka iyo wal-bahaarka dilooday, minaamin.😂

SRAJ News

Ugaasadi Roxaanta PP qabtay Waa xildhibaanad Ruwayda Abdirahman Ali-ne.Marsin iyo Harawa oo wada Ciyaraya ayay Harawa Ta...
20/12/2025

Ugaasadi Roxaanta PP qabtay Waa xildhibaanad Ruwayda Abdirahman Ali-ne.

Marsin iyo Harawa oo wada Ciyaraya ayay Harawa Tageero iyo Lacag-ba iskugu dartay Waa ciyarahan socde, bal aan aragno Bari ayada iyo Buurta waxa kala qabsada.
Hadana waxay tiri!

“Hoyaday iyo Abahay ayaa Finalka Ciyaraya
Godgod iyo Marsin. Aniguna Hooyaday baan tageray Godgod.”

SRAJ News

Haldoor Hogaan Dhalinaya, Tiirarka Midnimo iyo Isbadal Siyaasadeed oo Soo Ifbaxaya!Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Baade,Ug...
20/12/2025

Haldoor Hogaan Dhalinaya, Tiirarka Midnimo iyo Isbadal Siyaasadeed oo Soo Ifbaxaya!

Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Baade,
Ugaas Wali Ugaas Maxamuud Ugaas Carab,
Ugaas Cabdullaahi Ugaas Cabdi,
iyo Xildhibaan h**e Nabadoon Sheekh Axmed,

waa tiirarka dhabarka u ah talada, midnimada iyo mustaqbalka siyaasadeed ee deegaanka. Waa haldooro aan hadal ku joogsan, balse ficil iyo go’aan ku dhisan, kuwaas oo taariikh ahaan mar walba safka h**e kaga jiray difaaca danaha dadka iyo ilaalinta sharafta dhaqanka.

Intii ay ku sugnaayeen magaalada Dubai, waxay si qorshaysan oo istiraatiiji ah uga shaqeeyeen hawlo miisaan leh oo sal u ah marxalad cusub oo hogaan iyo jihayn siyaasadeed ah. Halkaas ayay ka dhiseen xiriiro muhiim ah, ku mideeyeen aragtiyo kala duwan, kuna diyaariyeen gogol adag oo lagu wajahayo isbadalka soo socda.

Dhaqankooda bisil, aragtidooda fog, iyo go’aankooda aan leexleexadka lahayn ayaa horseeday in ay helaan casuumad rasmi ah oo ka timid madax-waynaha deegaanka ee mardhaw-waa arin cadeyn u ah in hogaankoodu yahay mid loo wada dhanyahay, laguna kalsoon yahay.

Halganka waa socdaa, Shaqadu waa mid sii qoto dheerayneysa. Natiijaduna ma aha mid mala-awaal ah, balse waa mid la taaban karo, una muuqata qof kasta oo si dhaw ula socda jihada siyaasadeed ee waqtigan. Isbadal dhab ah ayaa soo dhaw, hogaan cusub oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka ayaana soo ifbaxaya-Insha Allaah.

SRAJ News

20/12/2025

Muuqaal-kale oo yaabkiisa wata!

Muuqaal kale iyo hadal ka soo yeeray waxgaradka Raaso ayaa si cad u muujinaya rabitaanka dhabta ah iyo balan-qaadka uu Ina Hooley u sameeyay reer Raaso. Hadalkan ma aha mid mugdi ku jira, waa cadahay in uu yahay fariin toos ah oo la fahmi karo, kana tarjumaysa jihada uu damacsan yahay hogaank ku sheegi Ina hooley aha.

Ninkan waxa uu si cad u yiri “Hadii xalku noqdo Geedi iyo in dad la raro, cida guuraysa waa walaalaha reer Cabdille ee Baali dagan.” Hadalkan wuxuu iftiiminayaa in go’aanka Ina hooley een ku dhisnayn cadaalad iyo isu-dheellitir, balse uu yahay mid hal dhinac si gaar ah loogu beegsanayo.

Ina Hooley wuxuu isku dayayaa inuu sii wado shaqadii iyo fikirkii “Irir Samalism-ka aha” ee Suldaan Hooley, balse maanta wacyiga bulshada awgeed, ma muuqato in fikraddaas ay u suurta-galayso. Xaqiiqadu waxay tahay in wakhtigii fikiradihii h**e ee khaldana mid lamid uusan dhacaynin, bulshada reer saleexad-na aysan mar dambe aqbalayn.

SRAJ News

20/12/2025

Bardaley!

Ina Shaale ma wuxu aaminay in bardaley uu xoog kaga qaadan karo beesha Gare-mare.

Umalayn mahayo in damaciisa dhul boob-ka ah u suura gali, si walba oo uu awood iyo xabad u is-ticmaalo.

SRAJ News

20/12/2025

Muuqaal-kan si fiican u dhagaysta Waa mid ka mid ah waxgaradka Raaso, kaas oo si cad inoogu sheegaya rabitaanka dhabta ah ee Ina Hooley.

Maalintii la yidhi Ina Hooley ayaa xal-raadin loogu diray Saleexad iyo Raaso, anigu waan ka digay arintaas, waxaanan qoray in Ina hooley uusan xal keenayn, balse uu horseedi doono khilaaf iyo qalalaaso hor leh.

Sidoo kale, waxaan sheegay in Ina Hooley uu wado dulmi cad, isla markaana uu doonayo in dhulka reer Saleexad lagu beero dad aan lahayn, isaga oo ku shaqaynaya fikiradii Suldaan Hooley ee ahayd “Irir Samaalalisim-ka”.

Ina Hooley wuxuu iska indha tiray, uusan soo hadal qaadin heshiiskii sadex sano ka hor ay wada gaareen wax-garad-ka Somali-da iyo maamulka is-ku-sheegan, heshiiskaas oo si rasmi ah loo go’aamiyay. Halkii uu ka xusi lahaa, wuxuu u sheegay reer Raaso “Sida aad rabtaan ayaan idiin samaynaynaa.”

Ceelka ay leeyihiin reer Raaso lagama qodi karo dhulka magaalada Saleexad, uu 13 km u jiro, halka uu Raaso u jiro in ka badan 80 km. Dhulkan reer Saleexad wuxuu noqday mid si joogto ah loo boobayo, sidii xabaal timir-taala ayaana laga dhigay, maalin-ba in kale ayaa la doonayaa in laga qaato.

Waa xalay muuqalku.
SRAJ News

List-ga xildhibaanada la soo gud-binaayo ee amarka lagu siiyay in magac-yadooda ay ku soo daraan xubnaha ay soo gu-binay...
20/12/2025

List-ga xildhibaanada la soo gud-binaayo ee amarka lagu siiyay in magac-yadooda ay ku soo daraan xubnaha ay soo gu-binayan maamulka deeganka inta aan xaqiiqinay raga maamulka mustafe ka soo hojeeda ee xildhibaanimada lagu soo daray, 10-ka ugu h**eeya.

Part:-Two
Magaca:-yadooda iyo gobolada!

1:-Dr. Gurey fidaar (G-Qoraxeey)
2:- Dr. Sharmaarke bulle (G-Liiban)
3:-siyaasi. abdirahamn Ciid (G-Faafan)
4:- Xuseen Axmed Waraabe(G-Faafan)
5:-siyaasi. Harun Yusuf(G-Afdheer)
6:-siyaasi cabdi caadil (G-Erer)
7:-siyaasi. Abdifatah shekh abdulahi yare (G-Faafan)
8:-siyaasi. bashiir Shaafi (G-Nogob)
9:- siyaasi. Mohamed Omer (G-Shabeele)
10:- siyaasi. Inshaar Mohamed dolaal(G-shabeele)

La soco 10-ka xiga magac-yadooda iyo goboladooda.

SRAJ News

Dhulboob, Xadhig Sharci-daro ah iyo Qabyaalad, Maxamad Shaale oo ku Takri-Falaya Awoodiisa, Bulshada Gare-mare-na ku Dul...
20/12/2025

Dhulboob, Xadhig Sharci-daro ah iyo Qabyaalad, Maxamad Shaale oo ku Takri-Falaya Awoodiisa, Bulshada Gare-mare-na ku Dulminaya

Maxamad Shaale waxa wali si sharci-daro ah ugu xidh-xidhan dad badan oo shacab ah oo ka soo jeeda beesha Gare-mare. Dadka la xidhay waxa kamid ah Gudoomiye ku-xigeenkii h**e iyo madaxii h**e ee arimaha siyaasada ee degmada Dolow Ado, kuwaas oo u xiran fikir iyo diidmo cadaalad ah.

Xadhigan ayaa salka ku haya dhulboob cad oo uu Maxamad Shaale ka wado qabalaha Bardaley, dhul-kaas oo ay si rasmi ah ay u leeyihiin beesha Gare-mare. Isaga oo adeegsanaya awoodiisa siyaasadeed, ayuu dhulkaas soo dul-dajiyay shacab kale oo jufadiisa ah.

Intaas kuma ekaan, Maxamad Shaale waxa uu ku qasbay qabalaha Bardaley in ay aqbalaan gudoomiye jifadiisa ah in loo magacabo, taas oo ah ku tumasho bareer ah oo ku sameeyay wada noolaanshaha, cadaalada, iyo xuquuqda beesha gare-mare.

Dhulboob, qabyaalad iyo caburin shacab-waa astaamaha iyo ficillada uu Ina Shaale ku caan-baxay. Ficiladiisu waxay halis ku yihiin midnimada bulshada, nabada deegaanka, iyo kalsoonida maamulka, mana aha wax la aqbali karo in awood lagu dulmiyo shacab-ka gare-mare.

Qabyaaladi ku qaaday kuma dhigto qabyaalad badana wiilku.!

SRAJ News

Madaxweyne Deni Oo Shaki Muujiyey Kana Baqey In Lagu Guuro Ayaa Diiday In Sheekh Shariif Lagu Maamuuso Shir Gudoonka Mad...
20/12/2025

Madaxweyne Deni Oo Shaki Muujiyey Kana Baqey In Lagu Guuro Ayaa Diiday In Sheekh Shariif Lagu Maamuuso Shir Gudoonka Madasha Mucaaradka Ee Kismaayo Kushiraya.

Tani Waxey Sababaysa In Shirkaasi Culayskii Uu Lahaa Hoos Udhac Kuyimaado Madasha Iyo Go,aamadeeduna Noqdaan Jaanta Rogan.

Address

Kindaruma Road
Nairobi

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SRAJ News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category