28/02/2026
ISRL ayaa ku dhawaaqday dilka 7 Hoggaamiyayaal sare oo katirsanaa Nidaamka u sareeya dalka Iran, waana sheegasho dhankeeda ah, sida uu ku dhawaaqay Taliyaha ciidanka ISRL.
1- Ali Shamkhani โ Xoghayaha Golaha Ammaanka ee Iran. Mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha habraacyada go'aannada amniga ee Iran, iyo la taliyaha gaarka ah ee hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran, Ali Khamenei ee arrimaha amniga.
2- Mohammad Pakpour, oo ahaa Taliyaha IRGC (tan iyo hawlgalka June 2025kii); hoggaamiye si weyn u diidanaa aragtiyaha reer galbeedka, masโuul ka ahaa adeegsiga awoodda milatari ee Iran iyo dardargalinta hubka istaraatiijiga ah ee ka dhanka ah Israaโiil, iyo hagidda wakiillada Iran.
3- Saleh Asadi, oo ahaa Madaxa Agaasinka Sirdoonka ee taliska degdegga ah ee Khatam al-Anbiya, sarkaal sirdoon oo sare oo ka tirsan Taliska Guud ee Ciidamada Iran, kuna lug lahaa qorshaynta istaraatiijiyadda Iran ee ka dhanka ah Israaโiil iyo Mareykanka.
4- Mohammad Shirazi oo ahaa Madaxa Xafiiska Milatariga ee Hoggaamiyaha sare tan iyo 1989, isku-xiraha hoggaamiyeyaasha sare ee ciidamada Iran iyo hoggaamiyaha sare, kaalin weyn ku lahaa hoggaanka nidaamka.
5- Aziz Nasirzadeh oo ahaa wasiirka Difaaca Iran, h**e u soo noqday Taliyaha Ciidanka Cirka Iran iyo ku-xigeenka taliyaha guud ee Ciidamada, masโuul ka ahaa warshadaha milatariga, gantaallada fog-fog, hubka loo gudbiyo wakiillada Iran, iyo hayโadda SPND ee la xiriirta mashaariicda nukliyeer, bayooloji iyo kiimiko.
6- Hossein Jabal Amelian oo ahaa Guddoomiyaha hayโadda SPND, muddo dheer hormuud ka ahaa mashaariic la xiriira hubka nukliyeer, bayooloji iyo kiimiko.
7- Reza Mozaffari-Nia oo ahaa Guddoomiye h**e oo SPND ah; kaalin ku lahaa horumarinta dadaallada soo saarista hub nukliyeer.