Hassan Xildoon

Hassan Xildoon Multimedia Freelance Journalist Based In Mandera County, Kenya ๐Ÿ‡ฐ๐Ÿ‡ช

15/11/2025

Shirweyne Jiheyn Cusub: Abkey Sharmake Oo Diyaar U Ah Muujiinta Saameyn Siyaasadeed Oo Culus.

15/11/2025

Midnimo Iyo Mowqif: Abkey Sharmake Oo Meesha Ka Saaray Kala-Qaybsanaan Siyaasadeed.

Beesha Abkey Sharmake ee Beel-weynta Murulle waxay maanta si rasmi ah u shaaciyeen midnimo siyaasadeed oo taariikhi ah.G...
15/11/2025

Beesha Abkey Sharmake ee Beel-weynta Murulle waxay maanta si rasmi ah u shaaciyeen midnimo siyaasadeed oo taariikhi ah.

Goโ€™aankan waxaa sal u ah danaha guud ee bulshada, ilaalinta wadajirka, iyo dhismaha awood mideysan oo ka jawaabta baahiyaha siyaasadeed ee maanta jira.

Intii uu socday kulanka, waxaa la isku raacay in geedi-socodka siyaasadeed ee beesha lagu wajahayo si wadajir ah, iyadoo la yeelanayo mowqif midaysan, talo isku duuban, iyo hoggaan mideysan oo matala danaha beesha.

Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyay in la qabto Shir-weyne Qaran oo Beesha ah bisha Afaraad (April) ee sanadka soo socda kaas oo lagu dhisi doono jiheynta siyaasadeed ee beesha iyo qorshaha horumarinta matalaadda bulshada.

Hassan Xildoon

15/11/2025

Jawi ku jirna aniga iyo Dumaashidiin, mashquulka hala yareeyo dhalinyaro.

kaalaya maqaayada DAZAJ oo ka qaxweeya adiga iyo qoftaada.

Jawaabta aad qof siiso waa tusaalaha ugu cad ee muujinaya heerka ixtiraam ee aad u hayso.Ma aha in hadalkaagu qurux bada...
15/11/2025

Jawaabta aad qof siiso waa tusaalaha ugu cad ee muujinaya heerka ixtiraam ee aad u hayso.

Ma aha in hadalkaagu qurux badan yahay, balse sida aad u doorato inaad u jawaabto marka lagaa xanaajiyo, lagu caayo, ama lagaa fahmo khalad โ€” halkaas ayaa laga gartaa qofka dhabta ah ee aad tahay.

Ixtiraamku ma aha hadal keliya ee waa dabeecad. Qof kasta wuu hadli karaa, laakiin qofka ixtiraamka leh waa kan og in jawaabtu tahay hub, isla markaana doorta in uusan dhaawicin cid kale xitaa markuu awood u leeyahay.

Hassan Xildoon

100 shilling labba duub oo canjeero ah iyo maraq cad ah.40 shilling oo ukun ah. 20 moos ah, jabka liinta waa bilaash iyo...
15/11/2025

100 shilling labba duub oo canjeero ah iyo maraq cad ah.
40 shilling oo ukun ah. 20 moos ah, jabka liinta waa bilaash iyo galaas biyo oo fuustada ah, shax kuma heysto.

Total 160 shilling kaliya iyo qurac dhameystiran.

Nolosha Mandera waa jiib, qofba jeebkiisa ayuu wax ku cunaa, adigoo lacag haysto haddana quraac yar oo fudud waad cuni kartaa, qasab ma aha inaad quraac lacag badan ku cunto.

Maalin wanaagsan.

Madaxweynihi h**e ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa maanta dalka uga soo laabtay, iyado si diiran looga so d...
13/11/2025

Madaxweynihi h**e ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa maanta dalka uga soo laabtay, iyado si diiran looga so dhaweeyey garoonka diyaaradaha Adan Cade ee magaalada Muqdisho.

So dhawoow Madaxweyne, waxaan kaso taageerada magaalada Mandera, tageera iyo codba waan ku heyna.

12/11/2025

Waxaa Maanta magaalada Mandera lagu qabtay kulan muhiim ah oo lagu xoojeynayay midnimada iyo is-afgaradka Beesha Siidhanle.

Kulanka oo ka dhacay Hotel Amara ayaa waxaa soo qabanqaabiyay aqoonyahanno iyo waxgarad ka tirsan jufada, kuwaas oo doonayay in ay mideeyaan fikradaha iyo himilooyinka bulshada.

Kulanka ayaa waxaa lagu lafa guray

1. Xoojinta midnimada iyo wadajirka bulshada.

2.Dhisidda kalsoonida iyo wada shaqeynta dhalinyarada iyo odayaasha.

3. Ka qayb qaadashada horumarka guud ee beesha Murule iyo guud ahaan ismaamulka Mandera.

4. Diyaargarowga iyo qorsheynta tartanka siyaasadeed ee beesha Siidhanle ee doorashada soo socota ee 2027

Hassan Xildoon

KAFTAN  ๐Ÿคฃ Nin baa hadda ka hor u tagay nin wadaad ah si uu ugu mehriyo gabar ay soo heshiyeen, Markii la isku fahamay si...
11/11/2025

KAFTAN ๐Ÿคฃ

Nin baa hadda ka hor u tagay nin wadaad ah si uu ugu mehriyo gabar ay soo heshiyeen, Markii la isku fahamay sida ay wax u dhacayaan ayaa ninkii yiri โ€œwadaadow igu mehri, waan isaga meel gaarayaayeโ€.

Wadaadkii oo yaaban ayaa inta usoo jeestay gabdhii ku yiri haye bal ka waran waxa uu ninku sheegayo, markaas ayey tiri โ€œwaadodow intaad warka iska dhaafto igu mehri meeshu igu gaaro ayaan ku gaarayaayeโ€.

Hadda sheekadu waa aan isku daneysanno annagoo is iska warqabna.

Kawaran hadaad subaxdii sidan ugu soo kacdo mobile-ka aad xalay dabka gelisay weliba adigo subaxi jarmaadi rabbo.
11/11/2025

Kawaran hadaad subaxdii sidan ugu soo kacdo mobile-ka aad xalay dabka gelisay weliba adigo subaxi jarmaadi rabbo.

๐—™๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—›๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐——๐—ฒ๐—ด๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—”๐—ฎ๐—ป ๐—ž๐˜‚ ๐—ก๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜†.Degsiimada iyo bulshada aan ku dhex noolahay fahankooda hoggaaminta a...
10/11/2025

๐—™๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—›๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐——๐—ฒ๐—ด๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—”๐—ฎ๐—ป ๐—ž๐˜‚ ๐—ก๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜†.

Degsiimada iyo bulshada aan ku dhex noolahay fahankooda hoggaaminta aad buu u hooseeyaa mise si dhab ah uma fahansana macnaha hoggaamintu leedahay.

Marka la eego fikirkooda, hoggaamintu waxay la mid tahay mansab, jeeb buuxsasho iyo takri-fal lagu sameeyo hantida dadweynaha.

Halbeegga ay bulshada degaankaygu ku doortaan hoggaamiye ma aha aqoon, karti, damiir ama daacadnimo ee waa qabiil iyo cidda uu qofku ka dhashay.

Mar walba, cidda markaas xilka haysa ayaa ku mana facda hantida guud, halka kuwa kale ay sugayaan โ€œwaqtoodaโ€ sanadaha soo socda.

Natiijadaas waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhaqan iyo dhaqaale oo baahsan dhalinyarada oo niyad jabsan, shaqo laโ€™aan, musuqmaasuq sii fidaya, iyo bulshada oo lumisay kalsoonidii ay ku qabtay hoggaaminta. Dadka caadiga ah waxay noqdeen daawadayaal, halkii ay ahaan lahaayeen kuwa wax beddela.

Bulshadeydu waxay u baahan tahay wacyigelin dhab ah, mid dadka ka saarta hurdo maskaxeedka ay ku jiraan.

Wacyigelin lagu barayo in hoggaamintu tahay adeeg, masuuliyad iyo daacadnimo, ee aysan ahayn dariiq lagu gaadho dano gaar ah.

Isbeddelka aan dooneyno ma imaanayo ilaa aan beddelno sida aan u aragno hoggaanka iyo cidda mudan in la doorto.

Horumarka bulshada wuxuu ka bilaabmaa fahamka, mid walbana door buu ku leeyahay in la toosiyo jihada qaldan ee aan ku soconno.

Hassan Xildoon

10/11/2025

โ€œ๐—›๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ถ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป, ๐——๐—ฎ๐—ฑ ๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—พ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ, ๐—”๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ฑ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—ต๐˜‚๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ.โ€

Waxaan saakay daawaday muuqaal lagu soo diray qol WhatsApp ah, kaas oo laga duubay meel u dhexeysa magalada Arabia iyo baadiyaha Leedhi, oo katirsan degmada Bariga Mandera.

Muuqaalkaas waxaa ka muuqday dad xoolo dhaqata ah oo abaarta iyo kuleylka daran la daalaa dhacaya, iyadoo biyaha lagu shubayo baco dhulka la dhigay si ay xoolaha iyo dadkuba u haraad baxaan balse baco iyo hal booyad kuma filna.

Markaan arkay, waan farxay in ugu yaraan biyo la keenay, balse sidoo kale waan ka xanuunsaday dhibka iyo heerka rafaadka ay dadkaasi ku sugan yihiin.

Waxaa niyad jab igu noqotay in hal booyad oo biyo ah loo isticmaalo in laga raadiyo sumcad siyaasadeed, halkii ay noqon lahayd gargaar daacad ah oo dadkaas noloshooda wax ka beddela.

Dadkaas masaakiinta ah waxay mudan yihiin in kabadan hal booyad la siiyo, gaar ahaan xilligaan adag ee abaaraha iyo biyo laโ€™aantu ay sii xoogeysanayaan.

Waxaa la ogyahay degsiimadaas, dadka deggan, hantida ganacsatadooda iyo awoodda siyaasiyiintooda. Haddana, maxaa diiday in degsiimo walba laga dhiso ciil-biyood ah si dadka iyo xoolahoodaba u badbaadaan? Miyeysan garaneynin muhiimadda biyuhu u leeyihiin xoolo-dhaqatada? Mise damiirka bulshadaas meel buu naga dhacay?

Tusaale: Bil kahor ayaan daawaday muuqaal Facebook lagu faafinayay, nin Soomaali ah oo ceel biyo ah ka sameeyay baadiyaha Jowhar. Ninkaas kaligiis ayaa dhowr ceel dhisay, qaar kalena wuu ku guda jiraa waa sida uu sheegay, Waa arrin ku dayasho mudan, oo dhab ahaantii wax weyn u qabatay dadkiisa iyo deegaankisaba.

Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada iyo siyaasiyiinta deegaankaas in ay mudnaanta koowaad siiyaan sidii biyo joogto ah loogu heli lahaa dadka xoolo-dhaqatada ah.

Biyaha maanta la waayo waa nolosha berri la waayayo.

Hassan Xildoon

Address

Bulla Mpya
Mandera
005

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hassan Xildoon posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hassan Xildoon:

Share