Saakow Bulle

Saakow Bulle Waa Boga Rasmiga Saakow Bulle. Contact Number +254729655985

Wajeer: Waxaa Maanta Magaalada Wajeer Lagu Qabtay Xaflad Aad u Balaaran oo Lagu Caleemasaarayay Suldaanka Cusub ee Beesh...
16/11/2025

Wajeer: Waxaa Maanta Magaalada Wajeer Lagu Qabtay Xaflad Aad u Balaaran oo Lagu Caleemasaarayay Suldaanka Cusub ee Beesha Bahgeri - Ogadeen.

Suldaankan Cusub ee La Caleemasaaray Waa Suldaan Abdirahman Suldaan Hussein Suldaan Iman.
Munaasabadda Caleemasaarka waxaa Ka Soo Qeybgalay Madax Kala Duwan oo ka Socotay Ismaamulada Wajeer, Mandera iyo Garissa, kuwaas oo Hambalyo iyo Bogaadin u Jeediyay Suldaanka Cusub.

16/11/2025

Beesha gabaaweyn oo lasoo baxday Hal musharax oo ugu tartami doona Doroshada 2027 ,kursiga Deeganka Neboi

15/11/2025

Beesha Gabaaweyn oo Maanta Lasoo Baxday Hal Musharax oo ugu tartami doona kursiga MCA-ga wardka Neboi.

Ifiye ahmed baa Xoriyadiis dib u Helay.
15/11/2025

Ifiye ahmed baa Xoriyadiis dib u Helay.

14/11/2025

Mid la doortay wali sow ma sii doorataan?

Dhaantada uu Ali Dhaanto qaaday ee uu Ali Nunow Hussein Iska Soo duubay, waa hees ka buuxda dareen iyo murugo qarsoon. Waxa ay ka tarjumaysaa nin niyad-jabay oo waayay fursaddii siyaasadeed ee uu rajaynayay, haddana mar kale jabkiisa waxaa sii xoojiyay dhaqanka iyo taageerada loo muujinayo ninka cusub ee la doortay ee Sii Doorana.

Haddii maanta Qurac, Masare Ilaa Xay diinta sanduuqa la dhigo,Calow ayaa cod ka badanaya rag badan oo weli ku tiirsan Warqad Magacabis iyo heshiisyo reereed oo aan Macno badan Lahayn.

Dhaantadan waxaa fahmi kara oo keliya dadka og muhiimadda ay leedahay dimuqraadiyad dhab ah, mid aan ku tiirsanayn magacaabis iyo qabiil, balse ku dhisan codka shacabka iyo tartan xor ah.

“Calow ma cabsado, haddii uu cabsadana Carasame ma dhaafo” waa hal-ku-dhigyada Caaanka ee Hirgelay .

14/11/2025

Seddex Kamid ah Wakiilada Ismaamulka Mandera oo Maanta Deeq Bixiyay.

14/11/2025

Muqaalka Hor dhaca ee Waxqabadka Wasaarada Dhulalka Ismaamulka Mandera.

Bandhiga Hordhaca ee Wasaarada Dhulalkamandera ,Mudada 3-Sano ee Xafiiska Joogeen.
14/11/2025

Bandhiga Hordhaca ee Wasaarada Dhulalka
mandera ,Mudada 3-Sano ee Xafiiska Joogeen.

13/11/2025
Dhawaan madaxda Reer Liibaan ayaa qabtay kulan looga hadlayay horumar la’aanta iyo dib u dhaca ka jira xarunta gobolka L...
13/11/2025

Dhawaan madaxda Reer Liibaan ayaa qabtay kulan looga hadlayay horumar la’aanta iyo dib u dhaca ka jira xarunta gobolka Liiban ee degmada Filtu. Kulanka waxaa kasoo qeyb galay dhalinyaro tiro kooban oo la casuumay, odayaal iyo ganacsato.

Si kastaba ha ahaatee, kulankaas oo la filayay inuu horseedo isbeddel dhab ah ayaa noqday mid natiijo la’aan ku dhamaaday — waa sidii maahmaahdu ahayd, “Jug jug meesheeda joog.”

Waxaa la yaab leh in dadka maanta qiraya in Filtu ay dib uga dhacday xarumaha kale ee gobolka, ay yihiin isla kuwii muddo dheer diiday in la maqlo codka dhaliisha bulshada.

Waxaa tusaale u ah Ifiye Ahmed oo xabsi ku jira sababo la xiriira inuu bulshada u hadlay, iyo Mame Hajji Adow oo muddo afar bilood ah shaqo la’aan ah kadib markii shaqadiisii laga joojiyay.

Ogoow labadani Dhalinyaro Dhibaata Bulsha oo Kaliya bay ka hadleen, Sidaasi baa Loo Dhibaateyey.

Waa Arrin Farxad Leh 7- Sano Kaddib in ay Gartaan in Filtu ay Hormar La’aan tahay.

Musharaxa kursiga MCA ee Wardka Township, Abdikadir Kunaye, ayaa abaalmarin guddoonsiiyey kooxda Shamurey FC oo ku guule...
12/11/2025

Musharaxa kursiga MCA ee Wardka Township, Abdikadir Kunaye, ayaa abaalmarin guddoonsiiyey kooxda Shamurey FC oo ku guuleysatay tartanka Governor’s Tournament intii uu socday kulanka k**a dambaysta ah ee Wardka Township.

WAR DEG-DEG AH:Xildhibaanka laga soo doorto Koonfurta Isiolo, Mudane Mohamed Tubi, ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Nairob...
12/11/2025

WAR DEG-DEG AH:

Xildhibaanka laga soo doorto Koonfurta Isiolo, Mudane Mohamed Tubi, ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Nairobi sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa.

Address

Bullesaakow@gmail. Com
Mandera

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Saakow Bulle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Saakow Bulle:

Share

Category