24/06/2025
Biyaha uu jirku maalin kasta u baahanyahay, waxa ay ku kala duwan tahay xaaladaha qofka, tusaale ahaan cabitaannada kale ee uu cabbo, noocyada cunto ee uu cuno, iyo mararka qaarkood xaaladihiisa caafimaad iyo dawooyinka uu qaato.
Daraasadaha caafimaadka waxa ay sheegaan in qofka uu caafimaadkiisu fiican yahay haddii uu nin yahay, in uu maalintii u baahan yahay 15 koob oo biyo ah, gabadhuna ay u baahantahay qiyaas 11 koob.
Waa marka aynaan cabbin cabitaanno kale. Laakiin marka ay jiraan in aynu cabitaanno kale cabno, sida shaaha, caanaha, cabitaanadda kale waxa ay khubaradu qiyaaseen in qofka ay Maalintii ku filnaan karaan 4 illaa 6 koob oo biyo saafiya ahi.
Adiga meeqa Koob/galaas oo biyaha ah ayaad qabtaa maalinkii?